Bismilaah mahad oo
dhan alle ayaa iska leh waxaan salaamaya dhaaman umadda soomaliyeed meel kastay
joogan marka xigta waxan sigaar ahaaned usalaamaya intii magacayga iyo muuqayga
garanaysa.
Maqaal kan waxeynu ku
milicsan doona qeybaha loo qeybiyo wax barashada, xidhiidh ka kadhexeeya
aqoonta iyo xikmada ,sidoo kale, waxeynu ku eegi doona faa,idada akhris ku u
leeyahay aqoon raadiyaha.
Aqoonta
markaad maqasho waxyaabo badan ayaa maskaxdaada kusoo dhacaya. Aqoon macnaheedu
waa faham ka ama barashada wax lagaranayo, aqoonta waxa loo bartaa si aad wax
ogaatid waxyaabaha kugu hareeraysan . tusaale hawo ayaa inagu gedaaman waxeyna
ka koobantahay saddex curiye oo kala ah , ogsijiin , kaarbon dhay ogsaydh iyo
nitrojiin.
Haddaba
aqoontu waxey salka ku haysaa in wax cusub kusoo kordhisi koon ka, soomaali
ahaan aqoonta weynu barana , laakin, iskuma deynu iney wax cusub soo kordhino.
Waxbarasho
ma dhamaato intaad nooshahay, sidoo kale, aqoontu waa wax lasoo ururiyey, la
keydiyey, kadibna loo soo gudbiyo jiilasha.
Waxbarashada wax loo qeybiyaa labo :-
1.
Waxbarashada toos ka ah ama rasmiga ah ( formal learning )
2.
Waxbarashada aan toos ahayn( informal learning)
Waxbarashada
toos ka ahi waa mid ubaahan iskuul, macalin, iyo ardey. Tusaale : waxbarashada
toos ka ahi waxey ka bilaabantaa fasal ka 1aad ilaa heer jaamacadeed.
Waxbarashada
aan toos ka aheyni waa aqoon aan ubaahneyn macalin,iyo iskuul. Aqoonta noocan
ahi waxa la gerdaadiyaa markaad wax kala garato, laga bilaabi xiligaas waxaad wax
kabaranaysaa dhacdooyin ka nolosha. Tusaale : sida dad ka loola dhaqmo, sida
loo noolaado iyo sida masuuliyad loo qaado.
Haddaba
ujeedada ugu weyn ee waxbarashada aan toos ka aheyni waa inaad barato sida aad
unoolaan laheyd , dad kana udhex gashid.
Xidhiidh
ka kadhexeeya aqoonta iyo xikmada badanaa dad ku waxey isku qaldaan labadaas.
Barasho( learning ) macnaheedu waa si aad uheshid aqoon waxna uga baratid
caalam ka, bili,aadam ku waa xayaawaan ka keliya ee wax barta.
Aqoonta
waxa lagu qeexa warbixin aad fahamtey ama xirfad aqooneed oo kugu lamaan, sidoo
kale, Aqoontu waa waa laydh kuu iftiiminaysa madow ga si ay kuu tusto wadiiqada
toos ka ah.
Hadaf
ka ugu weyn ee aqoonta loo bartaa waa in naftaada ku fahamto iyo iney wax kaa
barto dabeecadaha kala duwan ee makhluuqaad ka, aqoontaad baratey waa iney kuu
noqoto jiheeye ( compass) kugu hagaya wadada sax da ee nolosha.
Xikmadu
waxey ku taxaluq daa aqoonta oo aad si wanaagsan u adeegsatid ama u
isticmaashid, xikmadu waxey awood kuu siineysaa inaad noqoto qof fahamkiisi aad
usareeyo iyo inaad go,aan qaadato adoo kala doorasho wacan adeegsanaya.
Bulshada
aqoonta iyo xikmada usaaxiib ka ahi wey ka caqli badan yihiin bulshada aan
looga sanqadhin aqoonta, aqoontu ma dhammato marxalado kala weji ah ayaad u
martaa si aad wax u baratid laga bilaabo dugsiga hoose, dhexe, iyo ka sare
markaad dhamaysato waxaad uban baxeysa heer jaamacadeed adoo aqoon taada
balaadhinaya waxaad baranaysaa kuliyadahan. Sida injineer nimada, dhakhtar
nimada, xisaabiye, maamule, dhaqaalayahan,taarikh yahan iyo qoraa.
Intaad
wadaada cilmiga ku jirto waxyaabo badan ayaad baraneysaa halkaas na waxa si
maldahan usoo galaya aqoonti aan toos ka aheyn (informal learning).
“
inbadan oo aad wax barataa, waxey kuu saamaxeysaa inaad noloshaada nidaamiso iyo
inaad la qabsato deegan kasta”.
Saddex da weji ee bar bilow ga u ah
aqoon ta.
1.
Xaqiiq da ( facts) : macnaha xaqiiq waa wax run ah ama dhab ah. Tusaale haddii
maanta qof wax kaaga sheego cilmiga dhakhtar nimada isna takhasus kiisu yahay
injirneenimada, lagama yaabo inaad muhiimad badan siisayso odhaahdiisa waa sida
ay dad ku ubadan yihiine.
2.
Fikrad ama ra’yi ( concept): waa fikrad ku saleysan xaqiiq dhab ah, sidoo kale
waa ka fiirsasho xeel dheer ayaa sameysa fikrad taam ah.
3.
Guud ahaan sho( generalization): waa odhaah, xeer ,fikrad, laakiin, kuwo kamid
ah aan xaqiiq ku saleys neyn. Tusaale , waxaad rabta inaad ogaatid waa maxey
sabab ta afrika unoqotay qaarada ugu faqiirsan caalam ka? Baadhitaan ka dib
waxaad ogaatey saddex dan shey iney saldhig uyihiin dib udhacaas.
1.
Qadar ka jaahilnimo oo kor ukacay
2.
Iyadoo aaney dimiqraadiyad jirin, iyo
3.
Musuq-maasuq aafeeyay, iyo khilaafad ka dhex aloosan.
Saameyn
intee leeg ayay warbixina iyo macluumaad ka aad helayso ku yeelanaysaa aqoonta,
(information and data).
Aqoontu
waxey ka kooban tahay warbixino iyo macluumaad la uruuriyey, si ay aqoon taadu
xaqiiq unoqoto kalsoonidaaduna u korodho waa inaad iska hubiso warbixina iyo
macluumaad ka aad ka helayso.
Qoddob
ka ugu horeeya ee aad isku hubisid waa inuu noqdaa warbixinta ama warar ka aad
ka heshay inuu xaqiiq da ku fadhiyo iyo in uu been raad leeyahay. Baahiyaha (
TV) ama idaacadu ( radio ) waa ilaha laga helo warbixinta, sidoo kale internet
ku isna waa il laga helo warbixinta.
Macluumad
ku waa isha laga aamini karo in warbixintaasi dhab tahay iyo inkale. Tusaale
waxa jira buugaag iska hor imanaya midba wax gaara ayuu kuu sheegaya, laga
yaaba inaad ku wareerto kaad qaadan lahayd ama aad aamini laheyd. Marxaladaas
waxaad samey karta mid kasta gaar ayaad ubaadhaysa adoo ka foojignaaya inaad
isla markiiba aad aaminto labaad iskhilaafaya midkood.
Saddex da hab ee macluumad loo ururiyaa
waa :
1.
Hab su,aalo weydiin ah ( questionnaires)
2.
Indho-indheyn ( observation )
3.
Iyo in koox doodeysi ah lasameeyo ( group discussion)
Faai,dada akhrisku uleeyahay aqoonta.
Akhris
ku wuxuu udhexeeya akhriyaha iyo waxa la akhrinayo, waxyaabaha aad akhrsi waxey
noqon karaan buug,jaraa’id, kitaab IWM.
Ujeedada
aad wax u akhrinaysaa waxey noqon kartaa, madadaalo,cilmi korodhsi, wakhti
lumin IWM. Dad ka wax kale gedisan akhriyaa waxa lagu tilmaama dad ka caqliga
usaaxiib ka ah. Sidoo kale waxa la tilmaama qof ka wax akhriyaa wuxuu jiraa
saddex qarni. Cajiib ! side ujiraa waxa weeya.
1.
Qarni tegay wuux akhrinaya buugtii laga qoray wuu la noola dad kaas.
2.
Qarniga jooga wuux akhrinaya buug ta laga qoray ama se indhiisa u macalina ah.
3.
Qarniga kasoo socda oo waa uu saadaalin karaa rajada aayaha.
Sidoo
kale haddaad rabto inaad noqoto qore wanaagsan waa inaad ahaata akhriye wanaagsan.
“ maalinta aad iskuul ka aad joogto ama jaamacada waa iney noqotaa maalin wax
cusub soo korodhsato, sidoo kalena, wakhtiga aad ka maqantahay goobaha
waxbarashada waa iney noqotaa wakhti aad wax baraneyso – si aad tan usameyso
waa inaad wakhtigaaga maamusha”
gunti
iyo gebi-gebidi, waxan naftayda iyo nafihiinaba kula talinaya in alle towbada
ina waafajiyo kuwi alle ka raali noqdana inaga dhigo wa bilaahi tawfii
Waa sax aqoonta ayaa qofka jiheeysaa
ReplyDeleteThank U pro
ReplyDelete