Alle
kor ahaaye wuxuu
yiri:
(يَا أَيُّهَا الَّذِينَ آمَنُواْ
اصْبِرُواْ وَصَابِرُواْ وَرَابِطُواْ وَاتَّقُواْ اللّهَ لَعَلَّكُمْ تُفْلِحُونَ)
- Kuwa
xaqa rumeeyoow sabra, oo sabarka ku tartama, oo heegan ahaada iyo kuwo
adkeysi badan, xilka Alle idin saarayna dhowra aad liibaantaane”. Suurada
aali Cimraan:Aayada 200.
Wuxuu
kaloo yiri kor ahaaye:
(وَلَنَبْلُوَنَّكُمْ بِشَيْءٍ مِّنَ
الْخَوفْ وَالْجُوعِ وَنَقْصٍ مِّنَ الأَمَوَالِ وَالأنفُسِ وَالثَّمَرَاتِ
وَبَشِّرِ الصَّابِرِينَ)
- “
Waxaan idinku imtaxaani doonaa wax cabsi la yiraahdo iyo gaajo iyo nusqaan
naf iyo maal iyo miroba leh, ee sabrayaasha u bishaaree.” Suuradda
al-Baqarah:Aayada 155.
Wuxuu
kaloo yiri kor ahaaye:
(إِنَّمَا يُوَفَّى الصَّابِرُونَ
أَجْرَهُم بِغَيْرِ حِسَابٍ)
- “Sabrayaasha
waxaa la siin ujuuradooda xisaab la’aan.”Suuradda az-Zumar:Aayadda 10.
Wuxuu
kaloo yiri kor ahaaye:
(وَلَمَن صَبَرَ وَغَفَرَ إِنَّ ذَلِكَ
لَمِنْ عَزْمِ الْأُمُورِ)
- “Kii
sabra oo iska cafiya, taasaa arrimaha tooda la go’aansado ah”. Suuradda
ash-Shuuraa:Aayadda 43.
Wuxuu
kaloo yiri kor ahaaye:
(يَا أَيُّهَا الَّذِينَ آمَنُواْ
اسْتَعِينُواْ بِالصَّبْرِ وَالصَّلاَةِ إِنَّ اللّهَ مَعَ الصَّابِرِينَ)
- “Kuwa
xaqa rumeeyoow! kaalmaysta Samirka iyo Salaadda. Alle wuxuu la jiraa kuwa
Samree”. Suuradda al-Baqarah:Aayada 153.
Wuxuu
kaloo yiri kor ahaaye:
(وَلَنَبْلُوَنَّكُمْ حَتَّى نَعْلَمَ
الْمُجَاهِدِينَ مِنكُمْ وَالصَّابِرِينَ وَنَبْلُوَ أَخْبَارَكُمْ)
- “Waa
idin imtixaanaynaa jeer aan soo saarno kuwiinna jihaadaya iyo kuwa
sabraya”. Suuradda Muxammad:Aayada 31.
Waxaa jira Aayado badan oo ka hadlaaya
wanaaga sabarka iyo ajarkiisa iyo inay isfaraan muslimiintu.
- Abuu Maalik Xaaris ibn Caasim al-Ashcari (A.K.R.) wuxuu
yiri: Nabigu (S.C.W.) wuxuu yiri: Daahirnimadu (naddaafadu) waxay u
dhigantaa imaanka barkiis. Inaad tiraahdo’ Alxamdu Lillaah’ oo macnaheedu
yahay (ammaan iyo mahad oo dhan Alle baa leh) waxay ka qayb qaadataa
miisaanka camalka qofka inuu cuslaado; ku dhawaaqidda’ Subxaanal-laah
(Alle baa ceeb iyo nusqaan ka hufan oo kaamil ah) iyo Alxamdu Lilaah
(Ammaan oo idil waxaa leh Alle) baa ku filan inay buuxiyaan cirarka iyo
dhulka inta u dhexeysa (ookhayr iyo barako ka buuxiyaan). Salaadduna waa
nuur, sadaqaduna waa cadeyn (muujineysa iimaanka qofka) in aad sabartana
waa wax wanaagsan sida iftiinka, Qur’aankauna waa kuu xujo. Qof kasta
wuxuu subaxa ugu baryaa isagoo u diyaar ah inuu naftiisa iib geeyo
markaasay noqdaan mid soo xoreeya, iyo mid soo halliga”.
(Muslim)
Firo
gaar ah: Waagu
markuu baryaba qofku wuxuu ku mashquuli maalintiisaasi shaqooyinkeeda hadii uu
xusuusnaado Alle oo labadiisa indhood hor dhigo maalinta qiyaame markuu wax
qabanayaba, oo xumaha ka dhowrsado, samahana u dheereeyo. Markaa wuxuu ka
xoreynayaa cadaabta maalintaa; haddii uu ka doortana danahiisa adduunka (iyo
kasabkeeda) tan aakhiro, markaa waa shaki li’I kan khasaaray ee nafti haligga
ah.
- Abuu Saciid Sacad bin Maalik bin Sinaan al-Khudri
(A.K.R.) wuxuu yiri: Dad ka mid ah ansaarta baa waxay ka codsadeen Nebiga
(S.C.W.) inuu wax siiyo, wuuna siiyey; haddana way weydiisteen mar labaad
wuuna siiyey jeer ay ka dhamaadeen wixii uu hayey. Dabadeedna wuxuu yiri
nabigu: Hadii aan wax hayoba, kama labo laabaynayo inaan idin siiyo.
Ogaadase: Qofkii isdhawraba Allaa dhawra; qofkii isdeeqtoonsiiyana Alle
waa deeqtoonsiiyaa, qofkii sabrana Alle waa sabarsiiyaa. Qofnana lama siin
gallad ka wanaagsan oo ka khayr badan sabarka iyo isu dhiibidda
Alle’. (Bukhaari iyo Muslim)
- Abuu Yaxyaa Suhayb ibn Sinaan (A.K.R.) wuxuu yiri:
Nabigu (S.C.W.) wuxuu yiri: “ Arrinta qofka mu’minka ahi waa wax wanaagsan
oo la yaab leh. Waa u kheyr wax waliba. Sifada iyo tilmaantaana waxaa iska
leh mu’minka oo keliya cid kalena lama wadaagto. Hadii uu helo wax
wanaagsan’ wuxuu ku shukriyaa Alle taana waa u kheyr; haddii ay dhibaato
la soo gudboonaatona waa sabraa, qaddarka iyo qadaha Allena raalli ka
noqdaa, taasina sidoo kale waa u
khayr”.
(Muslim)
- Anas (A.K.R.) Wuxuu yiri: Markuu xanuunka nabiga
(S.C.W.) ku batay oo uu gaaray heer uu mar la miyir beelo. Faadumo
(A.K.R.) waxay kor u tiri: Aah, Daranaa xanuunka haya aabahay. Aabihii
sharafta iyo darajada badnaa wuxuu ku yiri: Dhibaato kale ma arkaayo
aabahaa manta dabadeed. Markii uu dhintay bay waxay tiri: Aah, aabahay!
Wuxu maqlay yeeritaanka Rabigii; Aah’ aabbow! Waxaynu u sheegeynaa malag
Jabriil geeridaada. Markii qabriga la dhigayna waxay tiri: Sidee bay
naftiinnu idiin siisay inaad rasuulkii Alle ciid ku rogtaan (macnaha
aastaan)?
(Bukhaari)
- Usaamah bin Zayd bin Xaarisah (A.K.R.) oo ahaa addoon
nebigu xoreeyey saxaabi uu aad u jeclaa rasuulku (S.C.W.) baa wuxuu yiri
Usaamah: gabadh uu dahalay nebiga (S.C.W.) baa u soo cid dirsatay nabiga
wiilkeedii oo sakaraad ahaa oo dhimasho ku dhow darteed. Wuxuu u diray
nabigu gabadhiisaas salaam iyo fariin ah: ‘Alle isagaa leh wixii uu bixiyo
oo galad ah, isagaana leh wixii uu qaato. Wax walbaana muddo go’an bay u
leeyihiin. Ee u sheeg inay u sabarto (qaddarka Alle) rajeysana naxariista iyo
ajarkiisa? Mar labaad bay u soo cid dirtay iyadoo ku adkaynaysa ( oo ku
baryyesa wejiga Alle) inuu u yimaado. Markaa buu kacay oo aaday gurigeeda
isagoo ay weheliyaan Sacad ibn Cubaadah (A.K.R.) Mucaad ibn Jabal (a.k.r.)
Ubayya ibn Kacab (A.K.R.) Zayd bin Thaabit (A.K.R.) iyo rag kale. Markii
uu gaaray halkii ay joogeen, baa wiilkii yaraa loo dhiibay nebiga (S.C.W.)
Wuxuuna saaray dhabtiisa, Markuu arkay nafta oo ka sii gurmaysa iyo siduu
sakaraad u yahay wiilku, waxay indhahii nabigu (S.C.W.) bilaabeen inay sii
daayaan ilmo. Markaasuu yiri Sacad (A.K.R.) Nebi Alloow waa maxay
waxakani? Nabigu (S.C.W.) wuxuu ku jawaabay: “waa naxariis Alle geliyey
quluubta addoomahiisa” werin kalena waxay oraneysaa: (qulluubta ciddii oo
doono oo addoommahiisa ka mida) Allena wuxuu u naxariista addoomahiisa
kuwa naxariista
leh.’)
(Bukhaari iyo Muslim
No comments:
Post a Comment