Friday, December 16, 2016


Madoobaad

·      
Dayuxu wuxuu ku meeraa dhulka, isaga oo halkii wareegba qaadanaya ilaa 29 maalmood. Halkii wareeg wuxuu ka dhigan yahay hal bil. 27-28 habeen ayuu dayuxu muuqdaa, habeen kastana meel gaar ah ayuu joogaa. Soomaalidu meelahan waxay u yaqaanaan midkiiba GOD (wadar: GODAD. 28 ka god magacyadooda hoos ka akhriso).

Marka bishu dhalato (godka ugu horreeya) waxaa isku toosan cadceedda, dayaxa iyo dhulka, oo dayaxa ayaa u dhexeeya cadceedda iyo dhulka. Haddii ay si qumman isugu toosaan oo ay xarriiq toosan ku wada beegmaan, dayaxa hadhkiisa ayaa dhulka ku dhaca waxaana ka dhalasha qorrax madoobaad. Qorrax madoobaadka buuxa waxaa laga arkaa meesha hadhka dayuxu ugu madoow yahay (ambara), halka inta kale laga arko qorrax badhmadoobaad (benambara).

Dayuxu marka uu buuxsamo habeenka 14 aad, wuxuu socday xagal 180 darajo ah, wuxuuna dhulka ka maraa dhanka kale. Sidaa awgeed, dhulku wuxuu u dhexeeyaa cadceedda iyo dayaxa. Haddii ay si qumman isugu beegmaan, hadhka dhulka ayaa ku dhaca dayaxa oo waxaa ka dhasha dayax madoobaad.

Sannadkii waxaa dhaca ugu yaraan laba qorrax madoobaad iyo laba dayax madoobaad, laakiin inta badan ma aha kuwo buuxa ee waa badhmadoobaadyo.
Maadaama si fiican loo yaqaanno wareegga dayaxa iyo hadba meesha uu joogo, way fududdahay in la ogaado marka ay isku beegmayaan, waxaana lagu keeni karaa xisaab cid kastaa baran karto. Ma aha cilmul qayb iyo wax la mid ah toona. Dadka iska xamaasadaysan ee diinta ku been abuuranayaa Alle ha ka cabsadaan. Ilaa iyo xilli aad u fog ayaa la sii saadaalin jirey waana wax sugan.
Ibnu Taymiyah -Alle ha u naxariisto’e- ayaa la weydiiyey arrintan. Wuxuuna ku jawaabay:
“Dayax madoobaadka iyo qorrax madoobaadku waxay leeyihiin xilliyo u go’an, sida dhalashada bishu ay u leedahay xilli u go’an… Sida aysan bishu uga badan karin soddon ayaa Alle caadada uga dhigay in qorraxdu madoobaato xilliga uu qarsoon yahay dayuxu (marka bisha cusubi dhalanayso), dayuxuna uu madoobaado marka uu buuxsamo.” Sheekhu isaga oo jawaabtiisii sii wada waxa uu yidhi: “dayax madoobaadka iyo qorrax madoobaadka waxaa ogaan kara qofkii yaqaanna xisaabta meeritaankooda (dayaxa iyo qorraxda), kan xisaabinayaa waxa uu sheegayaana ka ma mid ah cilmul qaybka…” Isla fatwadaa qayb kale oo ka mid ah wuxuu ku yidhi: “Waxyaalaha xisaabta lagu ogaan karo waxaa ka mid ah garashada wakhtiga xilliyada, sida: bilowga gu’ga, xagaaga, dayrta iyo jiilaalka, maxaa yeelay cadceeddu (? armay dayaxa tahay) waxay barbar taallaa xiddigaha… Fuqahada kuwa yidhaahda qorraxdu waxay madoobaan kartaa xilli aan ahayn marka dayuxu qarsoon yahay wuu khaldamay wuxuuna ka hadlay waxa uusan aqoon u lahayn…Haddii  dadka xisaabta yaqaannaa ay isku raacaan in uu dhacayo ku ma gefaan.”
Fatwadaa oo dhammaystiran halkan ka akhri
Haddii aynu intaa isla ogaannay, sannadkan 2016 goorma ayaa la saadaalinayaa in qorrax madoobaad iyo dayax madoobaad dhacaan? Hoos ka eeg taariikhaha la filayo:
Saadaasha Madoobaadyada 2016:
9 Maarso 2016: Qorrax madoobaad dhammaystiran (meelaha qaar)
23 Maarso 2016: Dayax badhmadoobaad
1 Sibtambar 2016: Qorrax madoobaad
16 Simbtambar 2016: Dayax badhmadoobaad
Godadka Dayaxa
1.     Godan (Faraaci)
2.     Listan
3.     Urur (Laxo/ Lixo)
4.     Cadaad (Lax-mar/ Galgaal)
5.     Agaalli-Waranley (Agaalli-Cas)
6.     Agaalli-Caanood
7.     Afaggaal
8.     Naaf-Cadde
9.     Naaf-Madoobe
10.  Tar
11.  Majin
12.  Kuxdin Awr
13.  Kuxdin-Naaso-Gaal
14.  Dirir
15.  Garbo
16.  Bayaxow
17.  Gudban
18.  Lib-Cas
19.  Xoorrey
20.  Mareego-Dheer
21.  Madhan
22.  Faruur-Cirir
23.  Jed Kabarre
24.  Jed Dhirigle
25.  Jed Gacanle
26.  Jed-Durruqle
27.  Duuganti
28.  Farangaag (Meecaad)
Fiiro gaar ah: gobollada qaarkood way ku kala duwan yihiin magacyadan qaarkood iyo sida ay u kala horree
                                                     
‘Dayax Madoobaad’ qormo xiiso leh
Waa shan dhalinyaro ah oo 25 jirro ah, oo ay wejiyadooda ka muuqato ladnaan, aqoon, iyo ilbaxnimo qaan-gaadhay, waxay qabteen shir jaraaid maalin uun ka hor 25 guuradii ka soo wareegtay curashadii jamhuuriyadda. Cinwaanka shirkooda jaraaid wuxu ahaa: dekadayada lama maal-gelin karo, lamana kirayn karo. Haaa, waa halkaa halka ay ka bilaabmayso dib u noqoshada xusuustayda Arbacadii 18-kii May 1991.
Goobtu waa Burco, waqtiguna waa May 1991 kii, afar bilood uun baa laga joogaa dhicista Generalkii diktaatoorka ahaa ee Maxamed Siyaad, 6 biloodna waxan ka sii maqanahay xabsi ka mid ah xabsiyadiisii naxariista darnaa; Laba bilood uun baan markaa magaalada Burco joogaa, subax kasta waxan ku kallahaa goobta shirku ka socdo, shirkee? Waa shirkii aaya ka tashiga beelaha deggan gobolada Woqooyi. Shirkan waxa guddoominaya Xasan Ciise Jaamac, waa guddoomiye ku xigeenkii u dambeeyey ee SNM noqona doona madaxweyne ku xigeen. Saddex qolo baa loo qaybsan yahay, saraakiil raba in aan dib loogu noqon jamhuuriyaddii burburtay, wufuud ka socota beelaha Harti oo ay hoggaaminayaan Garaad Saleebaan Garaad Maxamed ( Garaadka Ugaadh-yahan), Garaad Abdiqani Garaad Jaamac (Garaadka Guud ee Dhulbahante), siyaasiyiin isugu jira kuwa hore iyo kuwo cusub sida Cali Khaliif Galaydh, Maxamud Bayr, Caateeye, Baashe, waxa gadaal kaga soo biiri doona qammaamuurtii Naaleeye Axmed sida Fagadhe, Sakhraan, Cabdi Dhiboo, Saleebaan Af Qarshe, Fuaad Adan Cadde iyo kuwo kale. Intuba waxa ay sidaan dhambaal cinwaankiisu yahay Anti-Hawiye. Waxa xooggoodi ku biiriyey hal-door ka soo kicitimay Awdal oo ay u horeeyaan Jaamac Rabiile Good, Galbeedi, Quraab, Cabdilahi Sh. Cali Jowhar, Suldaan Goodaad, Suldaan Gurey, oo raba in Woqooyi laga badbaadiyo in ay ka dhacaan wax u eg ama ka’daran waxa markaas ka socday Muqdisho iyo Kismaayo.
Qolada saddexaad waxay ahaayeen indheer-garad aan ku qanacsanayn siyaasaddii baarashuudka in la goosto ee Burco ka’ socotay. Waxan xusuustaa nin ka mid ahaa macalimiintii Lafoole oo indhihiisa ilmo ka daada’naysay oo lahaa SNM waxay luminaysaa fursaddii ugu qaalisanayd ee soo marta Isaaq. Fursaddaas oo ahayd in 50 sano ay xukumaan Soomaalida, dhibaatadii loo geystayna u isticmaalaan (victimization position).
Laakiin SNM uma dhammayn fikirka go’itaanka, hoggaanka ugu sarreeya jabhaddu wuxu u janjeedhay fikirka ah wax wada yeelasho, waxna kala yeelasho, keliya waxa ay ku kala duwanaayeen Siilaanyo oo aaminsanaa Federal xoog badan sida Nigeria iyo Cabdiraxman Tuur oo qabay Federal daciif ah oo laba dowladood ah sida EU da oo kale.
Kaddib maxaa dhacay!
Afartii galabnimo baa 7 tikniko ah oo shilkayaal iyo Suug u badan naga soo galeen dhinaca Berbera, illaa hadda ma xaqiijin karo cidda soo abuubushay laakiin 7-daa tiknakada ahi waxay beddeleeen taariikhda Soomaalida muddo ku siman 25 sanadood. Ku dhawaaqa, ku dhawaaqa Dowlad xor ah ama waanu idin laynaynaa bay ahayd odhaahda keli ah ee ka soo baxaysay.
Inankii galabtaa shilkaha waday waxa laga yaabaa in aanu maanta noolayn sida aanu u noolayn inankii ingiriis ee Mark Sykes ee qalin beensalkiisa ku sameeyey xuduudaha Careebiya ee la eeday. Mark 1916 kii buu xuduudaha lagu kala qoqobay Carabta jeexay, 3 sano kaddib 1919 kiina hargab buu u dhintay.
Hawlyaraa shuqulku.
Shantii galabnimo waxa goobtii shirka bannaanka uga soo baxaya Guddoomiyihii jabhadda Cabdiraxman Tuur oo uu weheliyo Duqii Magaalada Burco Maxamuud Xaashi oo hadda ah Wasiirka Madaxtooyada. Waannu aqbalnay wixii aad tidhaahdeen ee iska kala taga! Maxay aqbaleen, waxay daqiiqado ku aqbaleen wax dunidii ku aqbali kari weyday rubuc qarni.
Haaaa, maalintaa waxa ka soo wareegay 25 sano. 
Dabcan hore ayaa loo dhaqaaqay waxna waa la’ qabtay, shakina kuma jiro in hore loo dhaqaaqay, tusaale ahaan: Dhalinyarada reer Somaliland 1991kii wax kayar 5% ayaa degree jaamacadeed haystay, maantana dhalinyarada 25% waxay haystaan degree iyo wax ka sareeya, 1991 Somaliland waxa joogay wax aan ka badnayn 30 dhakhtar, maantana 300 dhakhtar baa ka diiwaan gashan ururuka dhakhaatiirta. 1991 Somaliland hal College Iyo hal jaamacad toona kuma ool, maantana Komishinka tacliinta sare Waxa u diiwaan gashan 28 jaamacadood. 1991 Somaliland hal guri oo qiimihiisu yahay 100,000 dollar kuma ool, maantana jagada ama booska bannaan baa ah boqolaal kun. Dabcan waa horumar la taaban karo iyo horukac muuqda, laakiin bal aan barbar dhigno waddamada kale ee gobolka. 25 sano ka hor Ethiopia oo sideena oo kale jabhadi qabsatay wuxu ahaa waddan jiritaankiisu halis ku jiro, maantana waa hoggaamiyaha dhaqaalaha Africa, Sidoo kale tirada dadkiisu waxay ahayd 60 million, maantana waa 100 million. Jabuuti 1991 kii waxay ahayd xeeb yar oo kulul oo bilaa koronto ah, maantana waa haldoorka dhaqaalaha, horumarka iyo istaraatiijiyada gobolka. Ruwanda 20 sano kahor waxay ahayd meel in lagu noolaada aanay suurta gal ahayn oo lagu dilay hal malyuun oo qof, maantana waa tusaalaha tacliinta, tiknooljiyada iyo kabashada Africa.
Sababtu wax kale maaha ee 25 sano waa waqti aad u badan.
Sababta ugu weyn ee ay Somaliland u badbaaday muddadaas may ahayd in tiirarka qaranimo ee hayey ay adkaayeen, waxase marag-ma-doon ahayd in sababtu ahayd qaybihii kale ee Jamhuuriyadda oo xasilooni-darro la kufaa kacayey.
Fursadihii soo maray Somaliland
Somaliland waxa soo maray fursado badan oo dahab ah, qaamuuska English ka ah ee Oxford Dictionary wuxu ku macneeyaa fursad: A time or set of circumstances that makes it possible to do something) oo macneheedu yahay waqti iyo duruuf suurtagal kaaga dhigta in aad samayso arrin kula gudboon.
Markii Somaliland lagu dhawaaqayey shirkii Burco waxa u furnaa in uu isu rogo shirweyne Soomaaliyeed oo lagu dhiso dowlad ku meel gaadh ah oo Soomaaliyeed, cid diidi lahayd ama awood u lahayd in ay diiddo ma asyan jirin. Qolada reer Burco ee caasimadda u wajaqdayna waa maalintii ugu dhoweyd in ay helaan Capital City.
Waxan xusuustaa muddo toban sano ah 1991-2000) oo aan Soomaaliya dowladiba ka jirin xitaa wax magic dowladeed leh marka laga reebo Somaliland. Xilligaas xoghayayaashii hore ee Qaramda Midoobay Beutrous Ghali iyo Kofi Anan waxay kula taliyeen Madaxweyne Cigaal in uu fursaddaa ka faaiidayso oo qaato aqoonsiga iyo dowladnimaa baylahda ah ee cidlada taalla, Cigaal aad buu ula dhacay fikirkaas, laakiin waxa ku diiday kornayladii SNM ee hor iyo daba diidka ahayaa. 
Sanadkii 2004 waxa dalka Rwanda booqasho ku tegey Madaxweyne Riyaale iyo Ambassador Cawil, Madaxweyne Kgame wuxu weydiiyey sababta goosiga waxaanay u sheegeen in Soomaalida kale laysay: wuxu hawl-wadeenadii madaxtooyadiisa faray in ay soo tusaan halkii Milyan ee qof ee la xasuuqay, waxaanu u sheegay in meytidu aanay go’aamin masiirka kuwa nool. Wuxu kula taliyey in wada-hadal ay la furaan dadka wax ka dhexeeyaan, Madaxweyne Riyaale wuxu ku yidhi Kgame waxanu la hadli doonnaa marka ay dowlad noqdaan, hadda cid aannu la hadalnaa ma jirto, sida aan ka maqlay Ambassaddor Cawil,  President Kgame wuxu ku yidhi: caqligayga way ku cusub tahay in cadowgaaga aad sugto inta uu ka xoogaysanayo si aad ula hadasho.
Sanadkii 2009 Madaxtooyada Villa Soomaaliya waxa hareereeyey xoogagii hubaysnaa ee islaamiyiinta ahaa, magaalada Muqdishona waxay haysteen 80%, Labada Shariif oo markaa talada hayey waxa soo foodsaaray dhaqaale darro xun, dagaalkana way waayeen kharaj ay ku wadaan, toban malyuun oo dollar oo maalintaa Somaliland siiso waxay si aan ka tashi lahayn ugu beddelan lahaayeen in ay fasaxaan Somaliland noqdaana dowladda koowaad ee ictiraafta, sababta oo ah aad iyo aad bay u nuglaayeen xiligaas, mudnaantooda koowaadna waxay ahayd badbaado ama survival.
Reerka la yidhaahdo Isaaq oo ah reerka lagaga siibtay libaaxii ay 1991kii u dhiibeen reeraha darafyadu waxay tahli kari waayeen in ay ku qanciyaan walaalahoodii koonfurta ee ay isbahaysiga lahaayeen illaa xilligii jabhadaha in ay u sharaxaan ama ku qanciyaan faaiidada goosiga.
Hoggaamiye kooxeedkii la odhan jirey Cusmaan Caato wuxu odhan jirey illaa hadda waxan fahmi la’ahay mushkiladda Isaaqa, qofku ama xukun buu rabaa oo iskuma yareeyo sida TPLF ta Ethiopia ama ciil buu qabaa oo wuu aarsadaa sidii USC dii Muqdisho.
Intaaba waxa ka daran muddo 20 sanadood ah baa Soomaali oo dhami lahayd Isaaqow waxa qaadataan Madaxweynaha dalka, Baarlamaanka nus qaata, Caasimaddana ku darsada, dastuurkana idinku inoo qora, ummadda Soomaaliyeed na u taliya.
Tobanaankaa fursadood ee wada dahabka ah iyo qaar kale oo badan oo aynaan halkan ku soo koobi karin dhammaantood waa la’ diiday, sababta ugu weyn ee loo diidayna waxay ahayd hoggaamiyayaasha isaaqa oo kala baqayey, halkii ay dadka ka hoggaamin lahaayeena iyagu dadka daba socday, iyo ajandaha siyaasadeed ee masiiriga ah oo ay hagayeen 3-da waraaqood ee madmadow ee bilaa midabka ah ee aan cidi akhriyin ee loo yaqaanno joornaalada, oo 25 kaas sanadood daabacayey bogag badan oo madhalays ah oo ay ku xardhan yihiin erayadii Guul-darada sida;
§  Xamar buu innagu wadaa
§  Dalkeena nimcaa fadhida
§  Waxaasi waa wixii loo soo dagaalamay
§  Waxaasina waa wixii laga dagaalamay
§  Wixii lagu heshiiyey lagama hadli karo
§  Waxaasi waa khiyaamo qaran
§  Qaranimada Somaliland waa muqaddas
§  Gashaanti yar oo fariida ah oo Faransiis ah baa buuggeeda jaamacada ka dhigaysa guulaha Somaliland
§  Shirkii Burco shir kama dambayn karo
§  Afti-dii dadweynaha waynagii keligeen iska qaadnay
§  Meeqaamkeenii oo hoos loo dhigay
§  Waxa la inagu ammaanay inaynu nahay mucjiso yar oo ka soo baxday Afrika
§  Xoghaynta ku xigeenka u qaybasanaha safaarada Sweden ee Kenya arimaha dumarka iyo wefdi ay hoggaaminayso oo dalka soo gaadhay, lana kulmay Madaxweynaha
§  Ma maantaa Xamar laynagu celinayaa
§  Nabadgelyadeena aan ilaashano
§  Jariirada Guardian baa boggeeda 49aad inagu soo hadal qaadday
§  100 sanona ha qaadatee yeeli mayno midnimo dambe
Haddaba, haddii 25-kaas sanadood oo inta badan saaxaddu ay ahayd mid Somaliland keligeed ku ciyaarayso lagu xaqiijin kari waayey yoolkii iyo hadafkii qaranimo ee caadifadda iyo qoriga caaradiisa lagu unkay 1991kii, Hadda oo saaxaddii ay soo galeen awoodo siyaasadeed oo sharciyad huwan muxuu noqon karaa mustaqbalka soo socda.
Maanta fursadihii oo dhami way sii dhammaanayaan, icitiraafkiina: sacabkaas oo tima-yeeshiyo waa dameer san-madow oo sina loo arki hayn, midnimadii beelaha Somaliland na way sii daciifaysaa, saacadduna way qaylinaysaa oo waxay inoo sheegaysaa in aynaan haysan waqti badan.
Sidaa darteed waxa loo baahan yahay:
Afar tallaabo oo degdeg ah
1.     In Somaliland wada-hadalka dedejiso oo lagu saleeyo laba qaran (two state solution) oo raba in ay wada-hadal ku dhammeeyaan wixii dhexdooda ah. Inkasta oo ogaalkay aanay waqtigan Villa Somalia xiise badan u qabin laba waddan oo wada hadlaya, taladuna dhex-taalo gole madaxtooyo oo ka kooban 7 madaxweyne goboleed Golaha Amnigu aqoonsan yahay.
2.     In la muddeeyo afti dadweyne oo aan ka dambayn 2022 si (xuddun iyo nagaad weyne) uu mid uun ugu dhaco xiddigga Somaliland.
3.     In la garwaaqsado in fursaddan wadahadalku tahay tii ugu dambaysay fursadahii badnaa ee soo mara Somaliland.
4.     Kolleyba waa lama-huraane in aynu col hortiis iclaamino dagaal ka dhan ah Jamhuuriyadda Federalka Soomaaliya oo aynu kula dagaalano cir, dhul iyo bad. Taas oo laga yaabo in ay soo dedejiso wada-hadal micno leh iyo xal deg-deg ah.
Sida aan xog-ogaalka u ahay in badanna aan u soo joogay Somaliland afartaas qodob midna ma yeeli doonto, sababta oo ah weli waxa xoog badan qodobadii caadifadda, is quweynta, is aqoonsiga, isu bogida, war la’aanta dunida iyo dhiirasho la’aanta ee aan kor ku soo xusay.
Intaasi marka ay dhacdo, kaddib maxaa bilaabanaya; (muhiim maaha Cirro iyo Muuse ka madaxweyne noqon doona 2017 amaba haddii dhammaadka 2016 Cabdiraxman Zaylici noqdo Madaxweynaha Somaliland. Sababta oo ah waqtiga ay ku soo beegmayaan baa ah casar-liiq ama bilowgii Dayax madoobaadka).
Sida ku xusan buugga The Rise and The Falls of Great Powers ee uu qoray Paul Kennedy: Afar arimood haddii ay ummad awood leh la soo gudboonaadaan way jabaan:; khilafaad gudeed, kharajka oo ka bata dakhliga, cidda ay is hayaan oo ka kayd iyo hayn roonaata iyo ugu dambayn fikirka xorta ah iyo talada oo inyar lagu koobo.
Haddaba marka la diido in afartaa qodob mid uun la yeelo oo aan ogahay in la diidi doono, bilowga dhammaadka Somaliland sidan buu noqon doonaa:
1.     Maaddaama Yurub iyo tahriibtii soo gabaabsiday dhalinyaradu iyaga oo nolol iyo shaqo raadis ah waxay u hayaami doonaan Koonfur
2.     Marka amniga iyo is-aaminku khalkhal galo, niyad-jabkuna xoogeysto waxa fursad heli doona ururada xag-jirka ah sida Daacish oo fadqalalo isku deyi doona.
3.     Ciidamada ayaa hiyi kici doona marka kii iyaga kamid ah ee Xamar tagaba loo diro kooras Milateri oo dibada ah.
4.     Sanadka 2017 Harti iyo Samaroon waxay ku dhawaaqi doonaan shirweyne aaya-ka-tashi oo Somaliland isugu timaaddo, iyaga oo ku garnaqsan doona Isaaqow 25 sanadood baanu idin siinay, socon weyday taladiinii, maanta annaga taayada nala eega, oo ah One State with two systems. Hadda xusuuso labadaa reer baa go’itaankiina ka dambeeyaye.5. Talada labadaa reer marka la diido kaddib Laascaanood iyo Boorame ayaa guux badani ka bilaabmi doonaa.
5.     Qolada Xamar waxa ka dhammaan doona dulqaadka ama isha dadban ee ay ku eegaan Somaliland, sida dastuurka federalku farayana waxay ka shaqayn doonaan midaynta dalka, waxaanay si buuxda u taageeri doonaan qof kasta iyo qabiil kasta oo midnimo doon ah7. Waxa sii yaraan doona xidhiidhkeenii awelba yaraa ee arimaha dibadda, cid kasta oo inala macaamilaysaana iyaga oo ixtiraamaya xeerarka caalamiga ah ee dunida intaanay wax inala wadaagin waxay marka hore ogolaansho ka soo qaadan doonaan Wasaarada Arimaha Dibada ee heer Federal. (Xusuusin: Laga bilaabo bishii 3aad ee sanadkan diyaarad kasta oo EU iyo UN leeyihiin waxa lagu amray in ay Muqdisho soo maraan, siina maraan marka ay ku socdaan Nairobi)
6.     Goor xedho iyo fandhaal kala dheceen baa qaar ka mid ah aqoon-yahanka iyo indheer-garadka Isaaqu taageeri doona shirwaynaha aayo-ka-tashi ee waxgaradka Samaroon iyo Harti ku baaqeen.
7.     inta kale iyo afarta joornaal baa diidi doona arintaasi sababta oo ah waa qayral dastuuri si cad uga soo horjeedda qodobka 2aad, faqraddiisa 3aad ee Daatuurka JSL.
8.     Intaa kaddib waxa bilaabmi doona mudahraad lagu taageerayo shirweynaha aayo-ka-tashiga
9.     Marka mudaharaadyadu xoogaystaan oo ku beegan bilowga 2018 Madaxweynaha Soomaaliya ayaa ka soo degi doona magaalada Boorama, iyada oo soo dhoweyntiisa aan Reer Awdal u kala hadhi doonin. Ha yaabin waa suurta-gal, maxaad ku samayn dadka, miyaad wada-layn oo baas baad ku furi!
10.   Intaa kaddib xaalku wuxu noqon doonaa allow-jid-u-bixi. Talo-kasta oo maalintaa Isaaq ku tashadaa aynu dib u jabhadaynana ha noqotee waa ‘talo caalwaa! Ama tusaale u eg kii ay ku soo gebe-gebowday jabhadnimadii, dowladnimadii iyo is-mahadintii Tamilka (LTTE) ee 33 sano oo dowladnimo aan aqoonsi haysan, madax-adayg iyo af-taag ah kaddib 18kii May 2009 ku soo afjarantay hazziimo, caloola-cad iyo jabkii ugu xumaa ee ummad ku dhacaa sanadahan


No comments:

Post a Comment