Friday, December 16, 2016

Akhriso Xikmado Qaali Ah & Qormooyin Cajiib Ah, Kobci Maankaaga

Ilaahay wuxuu aduunkan ku abuuray bani’aadam, kuwaas oo uu ilaahay siiyey ku noolaanshaha iyo waliba ku tasarufkiisa, Wuxuu ilaahay ka dhigay kuwo ka kooban rag iyo dumar waxaa kale oo ay ku kala duwan yihiin xagga midabka, xaga dhaqanka, luuqadaha, iyo diimahaba, laakiinse waxay ka siman yihiin dadka kan adduunka ku nooli inay arkaan indhahoodu dhagahooduna maqlaan wax kasta oo la odhan karo waa wanaag amaba way wanaagsan yihiin.

In kasta oo ay ku kala aragti duwan yihiin, Laakiinse waxaynu odhan karnaa dhamaan dadka adduunka ku nooli waxay jecel yihiin inay noolaadaan waliba si fiican u nooladaan, laakiinse waxay ku kala duwan yihiin, Muminku wuxuu u noolayahay nolosha adduunyadu in uu badbaado aakhiro, halka dadka kale ee intaa ka soo hadhay ay iska noolyihiin iyagoon u aabo yeelin waadi kasta oo ay ku halaagsamayaan iyo waliba meel kasta oo ay addunyadu la gasho.
Waxaan intaas uga baxayaa muhiimada hadalkeena oo ah qodobo dhawr ah oo qofkii si dhab ah ugu dhaqmaa uu nolosha ku noolaanayo farxad iyo raaxo kaligii iyo dadka dhexdiisaba aakhirana uu ka mid noqonayo kuwa guuleysnaya ee liibaaney.
Qobobadan waxaa inta badan laga soo turjumnay Risaalada qaaliga ah ee uu leeyahay Muftiga reer Suuriya iyo masar ee Dr. Mustafa Al-Subaaci Wuxuu sheikhu cinwaan uga dhigay Risaalada “sidaasay noloshu I bartey ” oo uu soo bandhigey sida uu tijaabo ahaan ugu arkay ku dhaqanka qodobadan iyo sida uu ugu liibaanayo nolosha qofka qaata qodobadan.
Waxaa uu sheekhu ku bilaabey sidan :
Sideed guud ahaan u noolaanaysaa?.
1: Ha quusan, quusashadu waa inaad ka gaalowday naxariistii Rabbi.
2: Ha cadhoodhin, cadhadu waa dilaaga wanaaga nafta.
3: Ha xaasidin qof kale, xaasidnimodu waxay xumeysaa nolosha quruxdeeda.
4: Ha murugoon, murugadu waxa ay sababtaa in uu jidhkaagu diciifo.
5: ku dadaal ilaalinta nadaafadaada.
6: Hana iska noolaan adigoon u aabo yeelin waxaa kaa ag dhacaya dunid.a
7: hana noqon mid markasta doorbida waxay naftiisu jeceshahay oo keliya.
8:isku day inaad u ixtiraamto dadka kale sidaad u jeceshahay in laguu ixtiraamo.
Sidee lagugu jeclaanayaa:-
1: ilaahay wuxuu kugu jeclaanayaa, inaad badiso cibaadiisa, akhlaaq wanaagsan.
2: dadku waxay kugu jeclaanayaan, deeqsinimo badan , wanaag aad u samayso.
3: deriskaagu wuxuu kugu jeclaanayaa , waji furfurnaan , dhaqan wanaagsan.
4: walaalahaa waxay kugu jeclaanayaan , inaad xusto wanaagooda iyo inaad Ilawdo khaladkooda
5: macalinka ardaydiisu waxay ku jeclaanayaan ku dadaalida fahamkooda, iyo u dabacsanaantooda.
6: Ardayga macalinkiisu waxu ku jeclaanayaan : fahamkaaga oo deg deg badan iyo ixtiraamkooda oo aad badiso iyo aragtidaada wanaagsan oo aanad la baqan.
7: Qoyskaagu waxay kugu jeclaanayaan si fiican oo aad ula dhaqanto iyo mashaakilkooda oo aad fahanto.
8: Madaxdaadu waxay kugu jeclaanayaan : shaqadaada oo wanaagsan iyo ixtiraamkooda oo aad badiso.
9: Ilaahay iyo ummadiisu waxay kugu jeclaanayaan in aad sameyso wax kasta oo wanaagsan iyo in aad ka fogaato wax kasta oo xumaan ah.
Iska Ilaali 6-dan Qoddob:Lixdan qodob ku dhaqankoodu wuxuu kugu sababi karaaa halaag adduunyo iyo mid aakhiro :
1: Rabitaanka naftaada ee xumaanta oo badata.
2: cilmi aanad u baran ilaahay dartii.
3: maal aad heshey oo ku dhaxalsiiya bakheylimo damac badnaan.
4: Wakhti firaaqo kugu soo mara oo aad uga faaidaysato macaasi.
5: Caqligaaga oo ku siiya khiyaameynta dadka.
6: In aad kula kacdo xaasidnimo qof uu ilaahey u nicmeeyey.
Sidee ayaad u bari kartaa Carruurtaadu inay kuu samo falaan:
1: In aad ula dhaqanto si wanaagsan.
2: in aad tustid khaldkooda.
3: in aad xusuusisid waajibkooda.
4: in aad tusto sida fiican ee aad u jeceshahey iyaga iyo hooyadood ama aabahood.
Dariiqa Tarbiyadda Wanaagsan:
1: Tus dariiqa wax jecleysiinta ka hor intaanad wax necbeysiinin.
2: Tus Dariiqa waanada ka hor intaanad canaanin.
3: Tus dariiqa canaanta intaand garaacin.
Xusuusnow Laba Meelood:
1:Laba meelood ku ilmee Cibaado ku dhaaftey ka aanad ka faaideysan Macsiyad aad fashey ka dib markii ay u soo martey.
2: laba meelood ku farax Wax wanaagsan oo laguu soo hadiyadeeyey Kheyr lagu tusay.
3: laba meelood khushuucda badi Janasada marka aad la socoto Dhacdooyinka waaweyn markaad aragto.
4: laba meelood ku dadaal Ilaalinta sharaftaada ilaalinta caafimaadkaaga.
5: laba meelood badi dadaalkooda Doonista cilmiga , Qabashada wanaaga.
6: laba meelood u kaydso aakhiro Cilmigaaga iyo maalkaaga.
7: laba meelood ilow naftaada Ilaahey marka aad is hor taagtid marka aad caawineyso cid kaaga baahan caawimo.
8: laba meelood ha istaagin Meel aad danbi hore ku gashey Meel aad wanaag hore cid ugu gashay iyana haku noqnoqon.
9: laba meelood ha kibrin Marka aad waajb samaynayso Markaad la fadhido qof is dhul dhigaya
10: laba meelood ha is dhul dhigin Marka aad cadawgaaga la kulanto Marka aad la fadhido qof kibir badan.
Sideed Ku Liibaanaysaa?.
1- Waajibkaaga u gud sidii illaahay raali ka yahay.
2- Ugu shaqee dadka sidii illaahay uu raali ka yahey.
3- U fur qalbigaaga wax kasta oo wanaagsan.
4- Ka xidh indhahaaga wax kastoo xumaan ah , waxaad noqon mid ka liibaaney dhulka iyo samadaba


6 Xaqiiqo Oo Ku Saabsan Farsamadda Bluetooth Oo Aanad Aqoon

Bluetooth waxa uu ka mid yahay farsamooyinka casriga ah ee talefannada gacanta lagu qaato iyo qaar badan oo ka mid ah qalabka tiknoolajiyadda ee kombiyuutarka ah ama sidiisa u shaqeeyaa ay ku xidhiidhaan iyaga oo aan isu marayn wax xadhig ah oo isugu tallaalan. 

Bluetooth waxa uu sida ugu badan u anfacaa Embarkation gacanta (Laptop) iyo talefannada gacanta waxa aanu u suurtogeliyaa in ay ka xidhiidhi karaan masaafad aan ka badnayn 10 Mitir.

Waa hubaal in dadka aaladahan isitcmaalaa uu yaqaanno xogtaas aynu Bluetooth ka sheegayno, laakiin waxaan akhristayaasha la wadaagaynaa macluumaad intaas ka badan oo aan soo ururinay, waxa aanay kala yihiin:


1. Magaca Bluetooth oo ka kooban laba erey oo macnahoodu noqonayo Badhamkii buluugga ahaa waxa uu ahaa magaca loo yaqaannay boqorkii dalka Denmark ee lagu magacaabi jiray Harald Blatand, boqorkani xilligiisii waxa uu mideeyey dalalka Norway iyo Denmark, kelmadda Bluetooth waxa ay ahayd macnaha magaciisa marka af Ingiriisi loo turjumo.


2. Adeegga Bluetooth waxaa markii ugu horreysay oo ahayd sannadkii 1994kii ikhtiraacay shirkadda isgaadhsiinta ee Sven Matisson and Jaap Haartsen oo laga leeyahay dalka Sweden.


3. Bluetooth in kasta oo uu ku bilaabmay keliya in uu dadka u fududeeyo in ay talefannadooda gacanta ama kombiyuutarradooda io aaladaha la mid ah wax isugu diraan iyaga oo aan xadhig isugu xidhayn, haddana muddadaas gaaban ee uu jiray marba marka ka dambaysa waa la sii casriyeynayey waxaana la sii fiicnaynayey adeegga uu qabanay, illaa uu hadda marayo heer uu qofku awood u yeelanayo in uu gaadhigiisa cusub ee Automatic ah uu kula xidhiidho talefankiisa gacanta isaga oo u maraya ama adeegsanaya Bluetoodh.


4. Bluetooth maanta waa adeeg ay cisbitaallada waaweyn ee casriga ahi u adeegsadaan qalabkooda caafimaadka si uu ugu fududeeyo la socoshada xaaladda bukaanka.


5. Waxaa jira qalab ay kombiyuutarro ka mid yihiin oo adeegga Bluetooth u sahlayo in ay xidhiidhaan mishiinka daabacista, iyada oo aan wax xadhig ah la adeegsanayna uu kombiyuutarka ama qalabka kalaba ay Bluetooth mishiinka daabacista ugu dirayaan hadba wixii qofku u baahan yahay in uu daabaco, sidaasna uu mishiinka daabacistu ku daabaco, sidoo kale talefannada gacanta, iyo qalabka kale ee la mid ah ayaa Bluetooth u adeegsan kara in ay kula xidhiidhaan mishiinka daabicista. Habkani waxa uu adeegsanayaa mishiinno daabiciseed oo loogu tala galay lagun soo sameeyey adeegga Bluetooth.


6. Qalabka leh adeegga Bluetooth waxa uu awoodaa in lix qalab oo Bluetooth leh uu mar keliya la wada xidhiidho iyada oo aanay weliba mawdajaha uu marayaa is dhexgalayn ama mushkilado iyo is-jiidhis samaynayn.

GABAY-- ( ARDAY NOQO )-- Abwaan Cadceed


Ogobey Murtidu waa Ii Irmaan Aydin Aan dhaqo e
Waa Agab Dhulkani Leeyahoo La Intifaacaaye
Waa oday kasoo gaadh U mudan Aradka Soomaale
Waa dhaxal Afkii Kuunyaysoo Lagu Ilaashaaye
Dhayalna Kuma Abqaale Murtida waw Abtiriyaaye
Ubadkaan Sidiisii Naxwaha U Isir Raacaaye
Ka Amuuma Caawana Tanaan Soo Abaabulaye
°°°° °°°°°° °°°°°°° °°°°°° °°°°°
Afartaa Sidii Aw muftiya Oog maka Cadeeyey
Ma Asteeyey Suugaantu Waa Aalad Gooniya
Ma Ekeeyey Arartaydu Waa Lama Ilaawaane
Afarkale Aroosyada Sidood mawgu Alalaasay
°°°° °°°°°° °°°°°°° °°°°°° °°°°°
Waa Ayaamo Dunida Misana Laga Ordaayaaye
Qof Aroora Joogaba Dhakhsaa Iilka Loo diriye
Axad Iyo Arbaca Kama Badniyo laba isniinoode
Arin Inaad Ku Reebtaa Haboon Idhanto Sooyaale
Ajashaadu Goortay Dhacdee Laguna Aasaayo
Astaan dunida Waa Inaad Dhigtaa Oofinta Horteede
Hadiise aad Agnaan tahay Qalbiga Oodo Laga Saaray
Ama Aadan Diintiyo Aqoon Maadi lagu iisho
Cidi kuuma oydee Qabraa Lagugu Awdaaye
Arday Noqo Markaasaad Ahaan ruux amaan mudane
°°° °°°°°° °°°°°°° °°°°°° °°°°°
Afartaa Sidii Aw muftiya Oog maka Cadeeyey
Ma Asteeyey Suugaantu Waa Aalad Gooniya
Ma Ekeeyey Arartaydu Waa Lama Ilaawaane
Afarkale Aroosyada Sidood mawgu Alalaasay
°°°° °°°°°° °°°°°°° °°°°°° °°°°°
Oday Sii Gaboobiyo dhalaan Ababintii Jooga
Arbiciin kolkii aad Tahay Amase Eytiinka
Da' kastay Ahaataba Cilmiga Waa la ururshaaye
Udgoonow rasuulkiyo Siday Diintu odhanayso
Iglan iyo Ilaa Shiinaha Laga Ilbaadshaaye
Orod iyo Guclaa Lagu Helaa Lagu Adkaystaaye
Waa la ijtihaadaa hurdada kuugu iman waaye
Arday Noqo Markaasaad Ahaan ruux amaan mudane
°°°° °°°°°° °°°°°°° °°°°°° °°°°°
Afartaa Sidii Aw muftiya Oog maka Cadeeyey
Ma Asteeyey Suugaantu Waa Aalad Gooniya
Ma Ekeeyey Arartaydu Waa Lama Ilaawaane
Afarkale Aroosyada Sidood mawgu Alalaasay
°°°° °°°°°° °°°°°°° °°°°°° °°°°°
Qaaradahan Is Aayirahayiyo Uumiyaha jooga
Orobada Galbeed Raashankiyo Aasiyada Hoose
Amriikada Is taawinahaysee Aarmi Lagu kuunyey
Ustareeliyada Barafkale Amase Ifriiqdeena
Nin Waliba Aqoontuu Bartuu Soo Itaalsadaye
Nukliyeerka Uunkij Jaree Eberka Qaar geeyey
Aalaad Cajiibiyo Hubkoo Kuman Uluufaada
Waa Igadh Salaaxii Cilmiga Waxad Arkaysaaye
Aqoon buuran ruuxaan Lahayn Waa Ardaal Tabane
Arday Noqo Markaasaad Ahaan ruux amaan mudane
°°°° °°°°°° °°°°°°° °°°°°° °°°°°
Afartaa Sidii Aw muftiya Oog maka Cadeeyey
Ma Asteeyey Suugaantu Waa Aalad Gooniya
Ma Ekeeyey Arartaydu Waa Lama Ilaawaane
Afarkale Aroosyada Sidood mawgu Alalaasay
°°°° °°°°°° °°°°°°° °°°°°° °°°°°
Islaam Weeye Soomaaliduba Wadar Ahaanteede
Hayeeshee Waxay Aamineen Eyo Dooralehe
Amarkoodu Wuxuu Hoos tubmay Igad La sheegaaye
Kii Loo Amaamudo Xilkee Aamin Loo Tiriyo
Afarqaadka Jaantuu Tagaa Meel Agtooda ahe
Sidii Igadh Maqaar loo dhigay Gaal u ololaane
Shacabkiina Waa Kala Irdhow Eega maanta ahe
Isumay Ugaan Baarqabada Idanka Haystaaye
Iyagaaba Kala Oodayoo Kala Ahaysiine
Adkaartiyo Haday Garanayaan Diinta Alabkeeda
Ama ay shareecada Ogyiin Waxay Ku Oogayso
Galbeed Abasax uma Ay Noqdeen Uurka Gaaladuye
Idhankeenu Diintuu Ahaa Inaan Adeecnaaye
Albaqriyo Watiinbuu ahaa inaynu oognaaye
Amlaydaan wataan Gaaladiyo ubadka soo raacay
Oofaha intaan lagu jarin lagu unuun goynin
Ama Aysan Aakhiro Cadaab noqon Abaalkaaga
Waa Inaad Ixsaankiyo Sharciga Ku Ismanaataaye
Waa Inaad Aqoon Maadiyiyo Diinta Ulataaye
Arday noqo Markaasaad Ahaan Ruux Amaan mudane 
°° الحمد لله °°



Madoobaad

·      
Dayuxu wuxuu ku meeraa dhulka, isaga oo halkii wareegba qaadanaya ilaa 29 maalmood. Halkii wareeg wuxuu ka dhigan yahay hal bil. 27-28 habeen ayuu dayuxu muuqdaa, habeen kastana meel gaar ah ayuu joogaa. Soomaalidu meelahan waxay u yaqaanaan midkiiba GOD (wadar: GODAD. 28 ka god magacyadooda hoos ka akhriso).

Marka bishu dhalato (godka ugu horreeya) waxaa isku toosan cadceedda, dayaxa iyo dhulka, oo dayaxa ayaa u dhexeeya cadceedda iyo dhulka. Haddii ay si qumman isugu toosaan oo ay xarriiq toosan ku wada beegmaan, dayaxa hadhkiisa ayaa dhulka ku dhaca waxaana ka dhalasha qorrax madoobaad. Qorrax madoobaadka buuxa waxaa laga arkaa meesha hadhka dayuxu ugu madoow yahay (ambara), halka inta kale laga arko qorrax badhmadoobaad (benambara).

Dayuxu marka uu buuxsamo habeenka 14 aad, wuxuu socday xagal 180 darajo ah, wuxuuna dhulka ka maraa dhanka kale. Sidaa awgeed, dhulku wuxuu u dhexeeyaa cadceedda iyo dayaxa. Haddii ay si qumman isugu beegmaan, hadhka dhulka ayaa ku dhaca dayaxa oo waxaa ka dhasha dayax madoobaad.

MAAHMAAHYO IYO XIKMADO

Maahmaahyo
Maahmaahdu waa hadal murtiyeed ,inta badan ka dhasha waayo aragnimo ama dhacdo qof soo martay dabadeena uu ka reebo erayo xikmadaysan oo cabiraya dhacdadiisa saamayna ku leh nolol maalmeedka bulsho waynta uu af ahaan iyo dhaqan ahaanba la hal maalo. Soomaalidu waxay ku jirtaa dadka aad loogu tilmaamo inay leeyihiin luqad hodan ah oo u suurto galisay inay reebi karaan odhaah nuxur leh oo xambaarsan macna xeel dheer,jirina karta inta ay jiraan dad isticmaala luqadaa. Haddaba waxaa nasiib daro wayn ah , dagaaladii xaq u dirirka ahaa ka dib, luqada soomaaliyeed gaar ahaan suugaanta hadal iyo hawrarba lahayd sida gabayadii, buraanburkii, googaalaysigii, maahmaahyihii , sheekhooyinkii dhalaanka iwm in ay ka baxeen nolol maalmeedka ummada . Maahmaahuhu waxay si aad ah uga muuqan jireen nolol maalmeedka bulshada ,oo had iyo jeer qurxin jiray haasaawaha, gogol fadhiga , iyo hadal maalmeedka joogtada ah eey umaddu is waydaarsanayso. Si loo daweeyo dhibaatadan waxaanu halkan ku soo bandhigaynaa maahmaahihii inta aanu ka ururin karnay ilaa iminka, wixii kalee aanu ka ururinana waanu ku daraynaa.
Maahmaahyo Cusub:
-Maahmaahyo Cusub iyo Cali Seenyo
Abwaan Cali Axmed Raabi(Cali Seenyo) oo furay albaab cusub ka dib , markuu alifay maahmaahyo cusub ,iyadoo aan looga horayn hawshan iyada ah. Qofkii dood ka qaba ama dhiirigelin raba inuu soo jeediyo ha la soo xidhiidho xubnaha bahda Farshaxan.
Bahda Farshaxan
-Maahmaahyo saddex saddex ah iyo Maxamed “Stanza”
Stanza halkan wuxuu ku soo bandhigay maahmaahyo saddex saddex ah oo uu isagu isku dubariday
Xarafka A
1. Aadmi la aragyaaba, dhib la arag.
2. Aan wada hadalno waa aan heshiino.
3. Aar qoyey dacawo la mood.
4. Abaal dad galaa badan, dad gudaase yar.
5. Abaal raaga rag baa leh, mid baaqdana haween baa leh, mid soo dhakhsadana xoolaa leh.
6. Abeesada taan sanqarta iyo tan aammusan, tan aamusan baa la qaatay.
7. Abeesana dhul u eki bay wax ku dishaa, waadaadna dad u eki.
8. Abgaal calool la deguu leeyahay, ee cidhif la dego ma leh.
9. Abkeey dooli diloow, dad nool maas u dahaa
10. Aboorku inta aanu kugu tufin ayaa lagu tufaa
11.
12. Abuur iyo waano ,abuur baa horreysey.
13. Adduun i khatal.
14. Adduunyo ka kabo li’id, aakhirana u salaad li’id.
15. Adhi been wuu didaa beense ma dhutiyo.
16. Adhi jiri ma kala abaal waydo.
17. Adhi jiri xil bay wadaagtaa.
18. Adhi magantii ma barriiyo.
19. Adhi shidho laga daayo.

Aqoonta Iyo Xikmada


Bismilaah mahad oo dhan alle ayaa iska leh waxaan salaamaya dhaaman umadda soomaliyeed meel kastay joogan marka xigta waxan sigaar ahaaned usalaamaya intii magacayga iyo muuqayga garanaysa.
Maqaal kan waxeynu ku milicsan doona qeybaha loo qeybiyo wax barashada, xidhiidh ka kadhexeeya aqoonta iyo xikmada ,sidoo kale, waxeynu ku eegi doona faa,idada akhris ku u leeyahay aqoon raadiyaha.
Aqoonta markaad maqasho waxyaabo badan ayaa maskaxdaada kusoo dhacaya. Aqoon macnaheedu waa faham ka ama barashada wax lagaranayo, aqoonta waxa loo bartaa si aad wax ogaatid waxyaabaha kugu hareeraysan . tusaale hawo ayaa inagu gedaaman waxeyna ka koobantahay saddex curiye oo kala ah , ogsijiin , kaarbon dhay ogsaydh iyo nitrojiin.
Haddaba aqoontu waxey salka ku haysaa in wax cusub kusoo kordhisi koon ka, soomaali ahaan aqoonta weynu barana , laakin, iskuma deynu iney wax cusub soo kordhino.
Waxbarasho ma dhamaato intaad nooshahay, sidoo kale, aqoontu waa wax lasoo ururiyey, la keydiyey, kadibna loo soo gudbiyo jiilasha.
Waxbarashada wax loo qeybiyaa labo :-
1. Waxbarashada toos ka ah ama rasmiga ah ( formal learning )
2. Waxbarashada aan toos ahayn( informal learning)
Waxbarashada toos ka ahi waa mid ubaahan iskuul, macalin, iyo ardey. Tusaale : waxbarashada toos ka ahi waxey ka bilaabantaa fasal ka 1aad ilaa heer jaamacadeed.
Waxbarashada aan toos ka aheyni waa aqoon aan ubaahneyn macalin,iyo iskuul. Aqoonta noocan ahi waxa la gerdaadiyaa markaad wax kala garato, laga bilaabi xiligaas waxaad wax kabaranaysaa dhacdooyin ka nolosha. Tusaale : sida dad ka loola dhaqmo, sida loo noolaado iyo sida masuuliyad loo qaado.
Haddaba ujeedada ugu weyn ee waxbarashada aan toos ka aheyni waa inaad barato sida aad unoolaan laheyd , dad kana udhex gashid.
Xidhiidh ka kadhexeeya aqoonta iyo xikmada badanaa dad ku waxey isku qaldaan labadaas. Barasho( learning ) macnaheedu waa si aad uheshid aqoon waxna uga baratid caalam ka, bili,aadam ku waa xayaawaan ka keliya ee wax barta.
Aqoonta waxa lagu qeexa warbixin aad fahamtey ama xirfad aqooneed oo kugu lamaan, sidoo kale, Aqoontu waa waa laydh kuu iftiiminaysa madow ga si ay kuu tusto wadiiqada toos ka ah.
Hadaf ka ugu weyn ee aqoonta loo bartaa waa in naftaada ku fahamto iyo iney wax kaa barto dabeecadaha kala duwan ee makhluuqaad ka, aqoontaad baratey waa iney kuu noqoto jiheeye ( compass) kugu hagaya wadada sax da ee nolosha.
Xikmadu waxey ku taxaluq daa aqoonta oo aad si wanaagsan u adeegsatid ama u isticmaashid, xikmadu waxey awood kuu siineysaa inaad noqoto qof fahamkiisi aad usareeyo iyo inaad go,aan qaadato adoo kala doorasho wacan adeegsanaya.
Bulshada aqoonta iyo xikmada usaaxiib ka ahi wey ka caqli badan yihiin bulshada aan looga sanqadhin aqoonta, aqoontu ma dhammato marxalado kala weji ah ayaad u martaa si aad wax u baratid laga bilaabo dugsiga hoose, dhexe, iyo ka sare markaad dhamaysato waxaad uban baxeysa heer jaamacadeed adoo aqoon taada balaadhinaya waxaad baranaysaa kuliyadahan. Sida injineer nimada, dhakhtar nimada, xisaabiye, maamule, dhaqaalayahan,taarikh yahan iyo qoraa.
Intaad wadaada cilmiga ku jirto waxyaabo badan ayaad baraneysaa halkaas na waxa si maldahan usoo galaya aqoonti aan toos ka aheyn (informal learning).
“ inbadan oo aad wax barataa, waxey kuu saamaxeysaa inaad noloshaada nidaamiso iyo inaad la qabsato deegan kasta”.
Saddex da weji ee bar bilow ga u ah aqoon ta.
1. Xaqiiq da ( facts) : macnaha xaqiiq waa wax run ah ama dhab ah. Tusaale haddii maanta qof wax kaaga sheego cilmiga dhakhtar nimada isna takhasus kiisu yahay injirneenimada, lagama yaabo inaad muhiimad badan siisayso odhaahdiisa waa sida ay dad ku ubadan yihiine.
2. Fikrad ama ra’yi ( concept): waa fikrad ku saleysan xaqiiq dhab ah, sidoo kale waa ka fiirsasho xeel dheer ayaa sameysa fikrad taam ah.
3. Guud ahaan sho( generalization): waa odhaah, xeer ,fikrad, laakiin, kuwo kamid ah aan xaqiiq ku saleys neyn. Tusaale , waxaad rabta inaad ogaatid waa maxey sabab ta afrika unoqotay qaarada ugu faqiirsan caalam ka? Baadhitaan ka dib waxaad ogaatey saddex dan shey iney saldhig uyihiin dib udhacaas.
1. Qadar ka jaahilnimo oo kor ukacay
2. Iyadoo aaney dimiqraadiyad jirin, iyo
3. Musuq-maasuq aafeeyay, iyo khilaafad ka dhex aloosan.
Saameyn intee leeg ayay warbixina iyo macluumaad ka aad helayso ku yeelanaysaa aqoonta, (information and data).
Aqoontu waxey ka kooban tahay warbixino iyo macluumaad la uruuriyey, si ay aqoon taadu xaqiiq unoqoto kalsoonidaaduna u korodho waa inaad iska hubiso warbixina iyo macluumaad ka aad ka helayso.
Qoddob ka ugu horeeya ee aad isku hubisid waa inuu noqdaa warbixinta ama warar ka aad ka heshay inuu xaqiiq da ku fadhiyo iyo in uu been raad leeyahay. Baahiyaha ( TV) ama idaacadu ( radio ) waa ilaha laga helo warbixinta, sidoo kale internet ku isna waa il laga helo warbixinta.
Macluumad ku waa isha laga aamini karo in warbixintaasi dhab tahay iyo inkale. Tusaale waxa jira buugaag iska hor imanaya midba wax gaara ayuu kuu sheegaya, laga yaaba inaad ku wareerto kaad qaadan lahayd ama aad aamini laheyd. Marxaladaas waxaad samey karta mid kasta gaar ayaad ubaadhaysa adoo ka foojignaaya inaad isla markiiba aad aaminto labaad iskhilaafaya midkood.
Saddex da hab ee macluumad loo ururiyaa waa :
1. Hab su,aalo weydiin ah ( questionnaires)
2. Indho-indheyn ( observation )
3. Iyo in koox doodeysi ah lasameeyo ( group discussion)
Faai,dada akhrisku uleeyahay aqoonta.
Akhris ku wuxuu udhexeeya akhriyaha iyo waxa la akhrinayo, waxyaabaha aad akhrsi waxey noqon karaan buug,jaraa’id, kitaab IWM.
Ujeedada aad wax u akhrinaysaa waxey noqon kartaa, madadaalo,cilmi korodhsi, wakhti lumin IWM. Dad ka wax kale gedisan akhriyaa waxa lagu tilmaama dad ka caqliga usaaxiib ka ah. Sidoo kale waxa la tilmaama qof ka wax akhriyaa wuxuu jiraa saddex qarni. Cajiib ! side ujiraa waxa weeya.
1. Qarni tegay wuux akhrinaya buugtii laga qoray wuu la noola dad kaas.
2. Qarniga jooga wuux akhrinaya buug ta laga qoray ama se indhiisa u macalina ah.
3. Qarniga kasoo socda oo waa uu saadaalin karaa rajada aayaha.
Sidoo kale haddaad rabto inaad noqoto qore wanaagsan waa inaad ahaata akhriye wanaagsan. “ maalinta aad iskuul ka aad joogto ama jaamacada waa iney noqotaa maalin wax cusub soo korodhsato, sidoo kalena, wakhtiga aad ka maqantahay goobaha waxbarashada waa iney noqotaa wakhti aad wax baraneyso – si aad tan usameyso waa inaad wakhtigaaga maamusha”
gunti iyo gebi-gebidi, waxan naftayda iyo nafihiinaba kula talinaya in alle towbada ina waafajiyo kuwi alle ka raali noqdana inaga dhigo wa bilaahi tawfii





Prepared By: Cabdullaahi  Sheibkh Cabdi


Masiixu Dajaal iyo fidnadiisa


Anas Allha ka raalli noqdo e wuxuu yiri: nabiga SCW wuxuu yiri: nabi walba oo uu Ilaahay soo diray wuxuu umaddiisa uga digayay, nin hal ill leh oo beenaale ah…war ill buu la’yahayeey!, Rabbi giinna kor ahaa ye ma il la’ a, laba diisa il dhexdooda waxaa uga qoran: ” ك . ف . ر” [oo macna hoodu yahay gaal ama Kaafir]. Xadiis saxiix ah.
Asxaabti nabiga scw ayaa yiri: ergey gi Allow; nin kaan sheeka diisa waad nagu badisay, waana cabsannay, waxaan ba u maleynay in uu nagu soo dhaw yahay oo uu wax yar ka dib ka soo bixi doono dhanka geed timireed kaan. Nabiga scw wuxuu yiri: “ma wax aan dajaal ahayn baa ba idin ka ga baqayaa, intaan noolahay haddii uu yimaado aniga ayaa idin ka dhicinayo oo la doodayo, lakin haddii uu soo baxo aniga oo aan joogin qof walba iyo naf tiisa weeyo, ilaahay ayaana khaliif iiga ah qof walba oo muslim ah. Nabi Allow noo tilmaam sida uu u egyahay?! Waa nin dhalinyaro ah oo xooggan, tin adag, ishiisa midig wey kuusan tahay oo soo baxsantahay, waxaad moodda mir canab ah oo kartay, il buu la’yahay, wuxuu sheeganayaa in uu ilaah yahay, gaal; ayaa uga qoron wajiga..qofka mu’min ka ah si fiican ayuu u arka yaa qoraal kaas. Xaggee buu ka soo baxayaa rasuul allow!? Wuxuu ka soo bixi doonaa waddo u dhaxayso shaam iyo ciraaq, dhul ka ayuuna fasahaadin doonaa. Imasa sano, maalmo, ama bil ayuu joogi doonaa?! Afartan (40) beri: hal maalin waxay la mid tahay sanad, maalinna bil, maalinna todobaad, maalmihiisa kalana waxay la mid noqon doonaan maalmihiina caadiga ah. Nabigi allow, maalintiisaas la midka ah sanadka ma nagu filnaan doontaa shan salaadood? Maya ee u qiyaasa, maalin kaas sanad oo kale ayuu idiin yahay salaadihii sanad ka oo dhan u qiyaasa. Yaa raaci doono ninkaas ergeygi allow? Waxaa raaci doona todobaatan kun (70000) oo ka mid ah yahuudda reer asfahaan. Dhulka si dee buu ku wada gaari doonaa? Sida roob ay dabayl waddo ayuu u socon doonaa! Wuxuu na mari doonaa dhulka oo dhan. Maka iyo madiino ma ogiye inta kale dajaal cagta ayuu saari doonaa, malaa’ig ayaa isku hareereen doonto maka iyo madiino. Haddii uu madiino soo gaaro wuxuu dagi doonaa sabkha oo u dhaw madiino. Magaalada madiino waxay gilgilan doon taa saddex goor waxaa na ka soo bixi doono dhammaan gaalada iyo munaafiqiin ta.
Maxaan samay naa haddii uu soo baxo inta aan nool nahay? Buuraha ka fuula, ha na hor istaagina, abuuris ti aadan cs ilaa qiyaamaha arrin ka culus dajaal ma imaan doonto ee qof kii la kulma ha ku akhriyo billowga suurat kahfi. Dad buu u imaan doonaa, markaas ayay rumeyn doonaan, una hoggaan sami doonaan. Cirka ayuu amri markaas ayay soo di’i kadibna dhulka ayuu amri markaas ayuu dooggu soo dhalan, xoolaha ayaa u cayili doono oo u wayn waynaan doona. Wuxuu soo mari dhul abaar ah oo dadki ay waa hore iskga tageen, wuxuu ku amri in uu dhulka soo saaro kayd kiisa, markaas ayuu barwaaqo isku rogi doonaa, markaas ayay dadki raac sanaa sii fitnoobi doonaan. Dad kale ayuu soo mari doonaa markaas ayuu ugu yeeri in ay rumeeyaan oo ay soo raacaan, wey diidi doonaan, ilaahay ayaa ku sugi doono diintooda, markaas ayuu iskaga tagi doonaa, lakin wey cayroobi doonaan, xoolaha iyo hantida ayaa ka dhammaan doona, dhulkana wuu abaaroobi doonaa roob kana wuu ka gu’i doonaa. Allaha sugo. Wuxuu wataa biyo iyo dab lakin waxa ay dad ka u malayn nayaan biyaha waa dab, dab kuna waa biyo qabow oo macaan ee qof ki la kulma ha galo waxa uu u malaynayo dabka waa biyo macaan e. Nabiga allow, miyaanan la doodi karin oo aan u sheegi karin in uu been low yahay!? Qofna yuusan u malayn in uu awoodo arrin taas, haddii aad aaddo wuu ku fitnayn, kadib na waad rumaysan oo aad raaci, sidaas ayaad na ku gaaloobi oo aad ku lumi. Xilli gaas qof kee ugu shahaado sarreeyo? Waxaa ugu shahaaho sarreeyo, wiil u soo bixi doono, ciidan kiisa ayaa joojin doono, waxay ku oron doonaan xaggeed u socotaa? Wuxuu ugu jawaabi waxaan u socdaa nin kaas sheeganayo in uu ilaahay yahay…waxay la yaaabi doonaan jawaab tiisa iyo dhiiranaan tiisa, waxay waydiin nayaan: miyaadan rumaysnayn rabbigeen?! Mar kaas ayuu oranayaa kani rabbi ma ahan, rabbi giin waa kan abuuray cirarka iyo dhulalka, laakin kani waa gaal ilaahay ku caasiyay. Markaas ayay ku xanaaqayaan, way isku wacanayaan si ay u dilaan, dajaal ayaa u sheegayo in aysan dilin oo ay u keenaan. Wiilka maarka uu indhaha ka qaado dajaal ayuu qaylinayaa asaga oo oranayo: war dadoow; yuusan idin duufsan shaydaankaan, waa dajaal ki uu nabiga scw nooga digay. Dajaal, aad buu u xanaaqayaa, ciidan kiisa ayuu ku amrayaa in ay qabtaan, way qaraacayaan oo jirdilayaan lakin wiilka iimaan kiisa waxba iskama badalayo. Kadib, dajaal wuxuu ku amrayaa raggiisa in minshaar madaxa laga saaro ilaa lugaha, oo ay laba u kala qaybiyaan. Laba qayb ayay ka dhigayaan wiilka, kala fogeeya ayuu leeyahay dajaal, laba di qayb ayay kala jiidayaan, halkaas iyo halkaas ayay kala gaynayaan…. Markaas ayuu dajaal soconayaa labadi qayb dhexdooda asaga oo ilaah nimo isku muujinayo, dadki ayaa sujuud la wada dhacayo. Dajaal, asaga oo lahadlayo labadi qayb ee wiilka ayuu oronayaa istaag, markaas ayay labadi qayb isku soo dhawaanayaan oo isku dhagayaan, wiilkina sidiisi ayuu ku soo noqonayaa, markaas ayuu dajaal wiilki ku leeyahay: hadda ma ii qirsantahay ilaahnimo? Wiilka na wuxuu ugu jawaabayaa: haddaan si fiican u sii xaqiiqsaday in aad masiix dajaalki beenaalaha ahaa tahay maxaa yeelay nabigaa noo sheegay in aad sidaan i yeeli doonto.
Wiilka ayaa codkiisa oo kor ah ku oronaya: “dadow ogaada, qof danbo oo uu wax yeeli karo ma jiro ninkaan, sixir kiisi wuu buray. Dajaal ayaa wiilka qabanayo mar kale si uu u qawraco lakin wuu awoodi waynayaa. Markaas ayuu ka qabanayaa lugaha iyo gacmaha oo uu tuurayaa, dadka waxay u malaynayaan in uu dab ku tuuray lakin jannada ayuu ku tuurayaa. Shahaadada rabbi agtiisa ugu wayn waa middaas.
Rasuulki allaw si dee buu Alle nooga badbaadin doonaa fitnada dajaal? Marka ay xaaladdu halkaas marayso, wuxuu Alle soo dirayaa walaalkey Ciise, oo ka taqalusi doono dajaal. Oo ciise xagguu joogaa? Samada ayuu rabbigiis u qaaday kadib marki ay yuhuuddu damacday in ay shirqoolaan oo ay dilaan. Sidee buu u imaan doonaa ciise nabigi allow? Wuxuu ku soo degi doonaa mannaaradda cad agteeda, waqooyiga magaalada dimashq, isaga oo xiran laba maro oo qurxan, laba malag ayaa soo dajin doonto, haddii uu madaxiisa hoos u raariciyo waxaa ka soo tifqayo biyihi waysada, caraftiisa waxaa u dhiman doono gaal walba oo ay gaarto. Miyaysan waqtigaa jirin koox muslimiin ah?! Haa way joogtaa koox muslimiin ah, kooxda mahdiga oo dhulka ka buuxin doona wanaag iyo caddaalad kaddib marki laga buuxiyay dhibaato iyo dulmi. Mahdiga ayuu muslimiinta ilaahay ugu gargaari doonaa, mahdigu waa qoyskeyga faraca xasan bin cali, waa ninka furan doona rooma, caasimadda roomaanka (talyaaniga). Oo sidee buu dajaal dhulka u qabsanayaa ayada oo muslimiintu xoog leeyihiin? Miyaanan idin dhihin; waa fitno wayn iyo imtixaan uu alle dadkiisa ku kala saarayo, dad badan oo muslimnimo sheeganaya na ay riddoobi doonaan. Yaa rasuulullah; hal kee buu joogaa mahdiga xilligaas? Qudus ayuu ka difaacayaa dajaal, wuxuu isku dayayaa dajaal in uu caasimad ka dhigto qudus lakin muslimiinta oo uu hor kacayo mahdiga ayaa la dagaalayo inta ay awoodaan. Nabi ciise muxuu samayn doonaa marka uu ka soo dego dimishq? Qudus ayuu soo aadayaa, wuuna galayaa, muslimiintana aad ayay ugu farxi doonaan soo degiddiisa. Nabiciise cs waxaa loo dhiiba yaa hooggaanka muslimiinta wuxuuna ku duulayaa dajaal.
Dajaal, marka uu maqlo in uu soo degay nabi ciise, wuxuu u cararayaa magaalada Lad oo ku taalo falastiin una dhaw qudus, nabi ciisa na wuu ka daba dhaqaaqi doonaa ilaa uu ka dabo tago oo uu dilo. Maalin kaas muslimiinta aad ayay u farxi doonaan, murugadi iyo cabsidi ayaa ka dhamaanayso, nabi ciisana wuxuu uga sheekeen doonaa sida ay jannada u kala dagi doonaan, gacan tiisa wanaagsan ayuu na wajiyada uga masaxi doonaa.
Muslim ayaa wariyey.
Riyaadh saalixiin.


Shirkadda GOOGLE, ayaa Mashruuc Internet oo lacag la’aan ah ka Hir-galinaysa laga Dalka Hindiya

Shirkadda GOOGLE, ayaa Mashruuc Internet oo lacag la’aan ah ka Hir-galinaysa laga Dalka Hindiya si ay u hesho dad badan oo isticmaala adeegeeyada shirkaddan.
Adeegan Internet oo lagu Magacaabo Google Station, ayaa Wi-Fi siin doona Saldhigyada Tareennada, iyadoo la doonayo in lagu sii ballaariyo dukaamada iyo maqaayadaha.
Sidoo kale, Google ayaa hadda bixisa adeegyo Internet aad u dhaqso badan oo lacag la’aan ah, kuwaasoo ay siiso 52 saldhig oo kuwa Tareenada ah oo ku yaalla ee Hindiya. waxayna shirkaddu sheegtay in mashruucan Internet la gaarsiin doono illaa 100 saldhig tareen marka la gaaro dhamaadka sanadkan.
“Mashruucan wuxuu ka mid noqonayaa mashaariicda Internet-ka ugu wayn ee shacabka Hindiya ka dhexeyn doona, sidoo kale wuxuu noqonayaa midka ugu weyn Adduunka ee ay dad badan isticmaalaan,” ayuu yiri Madaxa Google ee Gobolka Sundar Pichai ee dalka Hindiya.
Wuxuuna intaas ku daray. “Markii la gaarsiiyo 100 saldhig Tareen mashruuca internet-ka, waxaana la qiyaasayaa inay isticmaali doonaan shacab ka badan illaa 10-milyan oo qof, kuwaasoo maalin walba isticmaala tareennada.”.
Adeegan Internet ee Google ay ka hirgelinayso Hindiya ayaa marka hore ku billaaban doona si lacag la’aan ah, balse shirkadda ayaa sheegtay inay wado qorshe cusub oo ay ku doonayso mustaqbalka inay lacag ka dhigto. kaddib marka ay gaarsiiso 400 oo Saldhigyada Tareennada ah, Waxayna sidoo kale qorsheynaysaa in ay mashruucaan la kaashato shirkado kale si loo gaarsiiyo xarumaha ganacsiga sida; Dukaamada, Maqaayadaha iyo Meelaha kale ee ay ka mid yihiin kuwa kubadda cagta laga daawado.
, oo ah gudoomiye ku xigeenka qaybta loogu talogalay bilyanka qof ee macaamiisha mustaqbalka, oo lagu beegsanayo waddamada dhaqaalahoodu soo karayo: “Ilbiriqsi kasta saddex qof ayaa soo gala internetka, waxaan doonaynaa, inaan hubino inay helaan adeeg fiican.
“Saddex qof ayaa gala il-biriqsi kasta Internet-ka, balse mustaqbalka wuu ka duwanaan doonaa sidan. waxaana rajeynaynaa inay dad badan isticmaalaan si ay ula xiriiraan caalamka intiisa kale,” ayuu yiri Ceasar Sengupta oo ka mid ah saraakiisha shirkadda Google ee dalka Hindiya.
Ugu dambeyn, Dalka India ayaa waxaa Internet-ka Isticmaala dad tiradooda lagu qiyaasay illaa 350-milyan oo qof, Waxaana la filayaa inay noqdaan 600 oo milyan – saddexda sano ee soo socota.




Sabarka iyo Adkeysiga

Alle kor ahaaye wuxuu yiri:                                             
(يَا أَيُّهَا الَّذِينَ آمَنُواْ اصْبِرُواْ وَصَابِرُواْ وَرَابِطُواْ وَاتَّقُواْ اللّهَ لَعَلَّكُمْ تُفْلِحُونَ)
  1. Kuwa xaqa rumeeyoow sabra, oo sabarka ku tartama, oo heegan ahaada iyo kuwo adkeysi badan, xilka Alle idin saarayna dhowra aad liibaantaane”. Suurada aali Cimraan:Aayada 200.
Wuxuu kaloo yiri kor ahaaye:
(وَلَنَبْلُوَنَّكُمْ بِشَيْءٍ مِّنَ الْخَوفْ وَالْجُوعِ وَنَقْصٍ مِّنَ الأَمَوَالِ وَالأنفُسِ وَالثَّمَرَاتِ وَبَشِّرِ الصَّابِرِينَ)
  1. “ Waxaan idinku imtaxaani doonaa wax cabsi la yiraahdo iyo gaajo iyo nusqaan naf iyo maal iyo miroba leh, ee sabrayaasha u bishaaree.” Suuradda al-Baqarah:Aayada 155.
Wuxuu kaloo yiri kor ahaaye:
(إِنَّمَا يُوَفَّى الصَّابِرُونَ أَجْرَهُم بِغَيْرِ حِسَابٍ)
  1. “Sabrayaasha waxaa la siin ujuuradooda xisaab la’aan.”Suuradda az-Zumar:Aayadda 10.
Wuxuu kaloo yiri kor ahaaye:
(وَلَمَن صَبَرَ وَغَفَرَ إِنَّ ذَلِكَ لَمِنْ عَزْمِ الْأُمُورِ)
  1. “Kii sabra oo iska cafiya, taasaa arrimaha tooda la go’aansado ah”. Suuradda ash-Shuuraa:Aayadda 43.
Wuxuu kaloo yiri kor ahaaye:
(يَا أَيُّهَا الَّذِينَ آمَنُواْ اسْتَعِينُواْ بِالصَّبْرِ وَالصَّلاَةِ إِنَّ اللّهَ مَعَ الصَّابِرِينَ)
  1. “Kuwa xaqa rumeeyoow! kaalmaysta Samirka iyo Salaadda. Alle wuxuu la jiraa kuwa Samree”. Suuradda al-Baqarah:Aayada 153.
Wuxuu kaloo yiri kor ahaaye:
(وَلَنَبْلُوَنَّكُمْ حَتَّى نَعْلَمَ الْمُجَاهِدِينَ مِنكُمْ وَالصَّابِرِينَ وَنَبْلُوَ أَخْبَارَكُمْ)
  1. “Waa idin imtixaanaynaa jeer aan soo saarno kuwiinna jihaadaya iyo kuwa sabraya”. Suuradda Muxammad:Aayada 31.
Waxaa jira Aayado badan oo ka hadlaaya wanaaga sabarka iyo ajarkiisa iyo inay isfaraan muslimiintu.
  1. Abuu Maalik Xaaris ibn Caasim al-Ashcari (A.K.R.) wuxuu yiri: Nabigu (S.C.W.) wuxuu yiri: Daahirnimadu (naddaafadu) waxay u dhigantaa imaanka barkiis. Inaad tiraahdo’ Alxamdu Lillaah’ oo macnaheedu yahay (ammaan iyo mahad oo dhan Alle baa leh) waxay ka qayb qaadataa miisaanka camalka qofka inuu cuslaado; ku dhawaaqidda’ Subxaanal-laah (Alle baa ceeb iyo nusqaan ka hufan oo kaamil ah) iyo Alxamdu Lilaah (Ammaan oo idil waxaa leh Alle) baa ku filan inay buuxiyaan cirarka iyo dhulka inta u dhexeysa (ookhayr iyo barako ka buuxiyaan). Salaadduna waa nuur, sadaqaduna waa cadeyn (muujineysa iimaanka qofka) in aad sabartana waa wax wanaagsan sida iftiinka, Qur’aankauna waa kuu xujo. Qof kasta wuxuu subaxa ugu baryaa isagoo u diyaar ah inuu naftiisa iib geeyo markaasay noqdaan mid soo xoreeya, iyo mid soo halliga”.               (Muslim)
Firo gaar ah: Waagu markuu baryaba qofku wuxuu ku mashquuli maalintiisaasi shaqooyinkeeda hadii uu xusuusnaado Alle oo labadiisa indhood hor dhigo maalinta qiyaame markuu wax qabanayaba, oo xumaha ka dhowrsado, samahana u dheereeyo. Markaa wuxuu ka xoreynayaa cadaabta maalintaa; haddii uu ka doortana danahiisa adduunka (iyo kasabkeeda) tan aakhiro, markaa waa shaki li’I kan khasaaray ee nafti haligga ah.
  1. Abuu Saciid Sacad bin Maalik bin Sinaan al-Khudri (A.K.R.) wuxuu yiri: Dad ka mid ah ansaarta baa waxay ka codsadeen Nebiga (S.C.W.) inuu wax siiyo, wuuna siiyey; haddana way weydiisteen mar labaad wuuna siiyey jeer ay ka dhamaadeen wixii uu hayey. Dabadeedna wuxuu yiri nabigu: Hadii aan wax hayoba, kama labo laabaynayo inaan idin siiyo. Ogaadase: Qofkii isdhawraba Allaa dhawra; qofkii isdeeqtoonsiiyana Alle waa deeqtoonsiiyaa, qofkii sabrana Alle waa sabarsiiyaa. Qofnana lama siin gallad ka wanaagsan oo ka khayr badan sabarka iyo isu dhiibidda Alle’.       (Bukhaari iyo Muslim)
  2. Abuu Yaxyaa Suhayb ibn Sinaan (A.K.R.) wuxuu yiri: Nabigu (S.C.W.) wuxuu yiri: “ Arrinta qofka mu’minka ahi waa wax wanaagsan oo la yaab leh. Waa u kheyr wax waliba. Sifada iyo tilmaantaana waxaa iska leh mu’minka oo keliya cid kalena lama wadaagto. Hadii uu helo wax wanaagsan’ wuxuu ku shukriyaa Alle taana waa u kheyr; haddii ay dhibaato la soo gudboonaatona waa sabraa, qaddarka iyo qadaha Allena raalli ka noqdaa, taasina sidoo kale waa u khayr”.                                                  (Muslim)
  3. Anas (A.K.R.) Wuxuu yiri: Markuu xanuunka nabiga (S.C.W.) ku batay oo uu gaaray heer uu mar la miyir beelo. Faadumo (A.K.R.) waxay kor u tiri: Aah, Daranaa xanuunka haya aabahay. Aabihii sharafta iyo darajada badnaa wuxuu ku yiri: Dhibaato kale ma arkaayo aabahaa manta dabadeed. Markii uu dhintay bay waxay tiri: Aah, aabahay! Wuxu maqlay yeeritaanka Rabigii; Aah’ aabbow! Waxaynu u sheegeynaa malag Jabriil geeridaada. Markii qabriga la dhigayna waxay tiri: Sidee bay naftiinnu idiin siisay inaad rasuulkii Alle ciid ku rogtaan (macnaha aastaan)?                                (Bukhaari)
  4. Usaamah bin Zayd bin Xaarisah (A.K.R.) oo ahaa addoon nebigu xoreeyey saxaabi uu aad u jeclaa rasuulku (S.C.W.) baa wuxuu yiri Usaamah: gabadh uu dahalay nebiga (S.C.W.) baa u soo cid dirsatay nabiga wiilkeedii oo sakaraad ahaa oo dhimasho ku dhow darteed. Wuxuu u diray nabigu gabadhiisaas salaam iyo fariin ah: ‘Alle isagaa leh wixii uu bixiyo oo galad ah, isagaana leh wixii uu qaato. Wax walbaana muddo go’an bay u leeyihiin. Ee u sheeg inay u sabarto (qaddarka Alle) rajeysana naxariista iyo ajarkiisa? Mar labaad bay u soo cid dirtay iyadoo ku adkaynaysa ( oo ku baryyesa wejiga Alle) inuu u yimaado. Markaa buu kacay oo aaday gurigeeda isagoo ay weheliyaan Sacad ibn Cubaadah (A.K.R.) Mucaad ibn Jabal (a.k.r.) Ubayya ibn Kacab (A.K.R.) Zayd bin Thaabit (A.K.R.) iyo rag kale. Markii uu gaaray halkii ay joogeen, baa wiilkii yaraa loo dhiibay nebiga (S.C.W.) Wuxuuna saaray dhabtiisa, Markuu arkay nafta oo ka sii gurmaysa iyo siduu sakaraad u yahay wiilku, waxay indhahii nabigu (S.C.W.) bilaabeen inay sii daayaan ilmo. Markaasuu yiri Sacad (A.K.R.) Nebi Alloow waa maxay waxakani? Nabigu (S.C.W.) wuxuu ku jawaabay: “waa naxariis Alle geliyey quluubta addoomahiisa” werin kalena waxay oraneysaa: (qulluubta ciddii oo doono oo addoommahiisa ka mida) Allena wuxuu u naxariista addoomahiisa kuwa naxariista leh.’)                         (Bukhaari iyo Muslim