''Hooy
ina Abii Daaliboow! miyaadan kuraalli ahayn inaad ii joogta booskuu Haaruun u
joogay Muuse CS oo kale, oo aanan ka ahayn inuuna Nebi iga dambeyn''?
Sidaa
waxaa yiri Nabiga SCW.
Cali
bin Abuu Daalib (Cabdumunaf) bin Cabdulmudalib (Sheyba) bin Haashim (Camr) bin
Cabdumunaaf (Muqiirah) bin Qusay (Zeyd) bin Kilaab bin Murrah bin Kacab bin
Lu'ay bin Qaalib bin Fihir bin Maalik bin Nadar bin Kinaanah bin Khuzeymah bin
Mudrikah bin Ilyaas bin Mudar bin Nizaar bin Macad bin Cadnaan Al Qurashi Al
Haashimi.
Waxaa
loogu kunyoon jiray Abul Xasan, sidoo kale Abuu Turaab. Hooyadiis waa Faadimah
bint Asad bin Haashim bin Cabdulmunaf bin Qusey Bin kilaab. Waxay ku
kulmaan hooyadiis iyo aabahiis xagga nasab ahaanta odayga Cabdulmunaaf,
waana banii Haashimkii ugu horeyay ee is guursada (yacni Abuu Daalib iyo
Faadimah bint Asad). Wuxuu Cali kudhashay magaalada Makkah 13-kii Rajab
23 sano kahor hijrada oo kubeegan 17-kii Maarso 599 Miilaadiyada, sida ay qaar
kamid ah mu'arrakhiintu sheegaan. Waa mid kamid ah tobankii saxaabi ee
Jannada loogu bishaareyey iyagoo nool. Sidoo kale waa ina adeerkii Nabiga
SCW iyo khaliifkii afaraad ee khulafaa'uraashidiinka Illaahay haka raalli
noqdee.
Aabahiis
waa oday kamid ahaa saadaaddii Quresheed iyo adeerradii Nabiga SCW. Wuxuu
Abuu Daalib ahaa kii soo barbaariyey oo kafaala qaaday Rasuulka SCW
kadib dhimashadii Cabdulmudallib. Waxuu ahaa Abuu Daalib kan ugu naxariis badan
adeerada Nebiga SCW. Inkastoo uu kudhintay diintii jaahiliyada haddana waxuu
yaqiinsanaa Abuu Daalib inay diin xaqa tahay diinta uu layimid wiilkuu adeerka
u yahay ee Muxammed SCW.
Wuxuu
Cali ku Islaamay Makka horaantii Nabinimada, wuxuna ahaa qofkii kowaad
ama labaad ee Islaama, waana qofkii ugu horeyay ee ka Islaama xagga
carruurta, waayo wauuu markaasi jiray 8 ama 10 sanadood .
Islaamiddiisii
Imaam
Mujaahid waxuu yiri:- Qofkii ugu horeeyay (xagga Saxaabada) ee tukaday waxuu
ahaa Cali bin Abuu Daalib.
Cabduraxmaan
bin Zaraarah waxuu yiri:- Cali Markuu Islamayay waxuu jiray 9 sano.
Waxuu
yiri Xasan bin Zeyd:- Cali bin Abii Daalib waligiis sanamyada ma
uusan taaban umuuna dhawaan.
Cabdullaahi
bin Cabbaas waxuu yiri:- Qofkii ugu horreeyay ee Islama Khadiija kadib
waxuu ahaa Cali bin Abuu Daalib.
Waxuu
yiri Maxamed bin Camr:- Dadka waxaa ugu hor Islaamay Khadiija, kadib
agtayada waxan isku khilaafnaa saddex qofood koodii ugu horeyay ee Islamay
Khadiija kadib, Waana Abuu Bakar, Cali bin Abii Daalib iyo Zeyd bin Xaaritha.
Markii
Rasuulka SCW lasoo diray buu u yimid Cali oo kuray yar ah,
markaas buu ku yiri:- Caliyoow! Ilaahay xagiisaan kuugu yeeri ee
diintaan soo gal. Wuuna u sharxay, saa kadib Cali waxuu yiri:''
Abaa Daalib baan soo weydiin, waayo kama careysiin karo'e.
Markaas
buu Nabigu SCW yiri:- Mayee haddaadan qaadaneyn cidina ha usheegin oo
afkaada iska qabso. Kadibna Cali wuu iska amusay oo habeenkii buu
iska seexday isagoo arrinkii ka fekeraya kadib baa quluubtiisa Illaahay u wasiciyey
islaannimada, wuuna kusoo kallahay xaggii Nabiga SCW, waxuuna ku
yiri:- Ibar diintaadan. Halkaas buuna ku islaamay Cali. Waxaa ka sugnaatay Cali
xagiisa inuu yiri:- Waxaan ahaa qofkii ugu horeyay ee tukado (xagga
saxaabada).
Noolashahiisii
& Waqtigii Nebiga (SCW)
Cali
bin Abii Daalib intii magaallada Makka uu joogay, wuxuu ku noola gurigii
Rasuulka SCW, waayo, Rasuulka SCW ayaaba soo koriyey oo taasi kafaala qaaday.
Sababtuna waxay ahayd Abii Daalib wuxuu ahaa oday da' ah oo misna aanan hanti buuran
lahayn. Sidoo kale wuxuu lahaa carruur badan. Saa waxaa dhacday abaar
daran oo dadkii diif iyo macluul darani qabatay. Markaas buu Nebigu SCW u tegay
adeerkiis Al Cabbaas, oo ka dalbaday in ay israacaan oo u tagaan Abii Daalib oo
ka caawiyaan korinta carruurta. Waxay u tegeen Abii Daalib,
markiina ay arrintii u sheegeen, baa wuxuu Abuu Daalib yiri:- Caqiil mooyaane,
inta kale kaad doontaan kaxaysta.
Markaas
buu Rasuulku SCW Cali kaxaystay, Al Cabbaasna wuxuu kaxaystay Jacfar oo ay
sidaa ku kafaalo qaadeen. Wax badan kama soo wareegin markii uu Jacfar qaan
gaaray oo uu guursaday, goonina u degay. Calise isagu wuxuu ahaa mid ka
yar Jacfar da' ahaan 10 sanadood, wuxuuna sidaa daraadeed kusii nagaaday
gurigii Rasuulka SCW oo uu ka qaatay barbaarin iyo abaabin wanaagsan.
Habeenkii
Hijrada Rasuulka (SCW)
Maalintuu
damcay inuu xabiibkeenna Muxammed SCW u soo haajiro magaalada Yathrib (Madiina)
baa waxaa tashtey odayaashii iyo wax garadkii Quresheed si ay arrintaas isku
hor istaajiyaan. Waxayna shir aan kala go' laheyn kuyeesheen Daaru Nadwaa
(Golahoodii Fadhiga). Waxayna go'aan soo saareen inay dilaanba Nabiga
SCW, oo waxay isku raaceen in qola waliba oo Qureesh kamid ah laga soo
dhex saaro wiil shaab ah oo seef wata, kadiba albaabka in loo fadhiista
oo markuu damca Nebigu SCW inuusoo baxa halmar lagu wada dhufta seefaha
sida darba hamar uu nin ku dhuftay oo kale ah. Markaas kadib haddii ay banuu
Haashim (waa tolka Nabiga uu kadhashaye) ay kudoodaan sababta loo dilay waxaa
lasiin doonaa diyo. Haddii ay diyadu diidaana dee iskama celin
karaan Qureesh dhan waayo Qureesh dhan baa halmar ku dhufatay seefaha.
Arrinkaas bay isku waafaqeen Qureesh waxana fikradaas xun lahaa oo keenay
Abuu Jahal Camr bin Hishaam. Kadib waxaa yimid Malakol Jibriil CS oo markaas
uga warramay Nebiga SCW waxa ay Qureesh ku tashatay iyo inay doonayaan inay
dilaan, saa kadib Nebiga SCW wuxuu latashtay Cali bin Abuu Daalib
oo uu runtii aad u jeclaa, wuxuuna ku yiri:- Caliyow! Qureesh sidaas bay ku
tashatay. Kadib wuxuu amray inuu firaashkiisa seexdo caawo oo
Nebigu isku furto. Kadibna wuxuu amray in howlaha uu Rasuulku SCW
Muslimiinta iyo dadka u hayay oo amaano ah uu usoo kala gudo dadka
dadkii lahaa.
Cali
waxuu yiri:- Rasuul Alloow!! haddii aan caawo firaashkaaga seexdo naftaadu
miyay badbaadeysa oo cadawyada Quresheed miyaad ka bad baadeysaa? Saa waxuu
yiri Rasuulka SCW:- Haa oo nafteydu way bad baadeysaa inshaa Allaah.
Markaas
buu Cali sujuud la dhacay oo uu isagu isku furtay oo uu sidaas ku seexday
firaashkii Nabiga SCW. Nabigu SCW habeenkii buu gurigiisa kasoo
baxay iyagoo Qureeshtu ay dhooban yahiin albaabka aqalkiisa, lakiinse ma
aysan arkin oo Illaahay baa ka indha saabay dhammaantood. Saa markaa iyada ah
waxuu Nabiga akhrinayey aayad kujirta suuradda Yaasiin oo ah qowlka Alle kor
ahaaye
''Waxaan
ka yeelnay hortooda gidaar gadaashooduna gidaar oo waan indho daboolnay mana
arkayaan waxbo''. Suuratu Yassiin, aayadda 9aad.
Markaas
buu Rasuulku SCW cantooba carro ah qaaday oo xagooda ku tuuray manaysan
arag dhammaan. In qadar ah markuu ka maqanyahay baa sheydaan u yimid oo uu ku
yiri '' Hoogiinee Muxamed soo kan baxay? Markaas bay halmar wada kaceen oo
hambar hambar u dideen, deedatana ay soo wada laabteen, saa waxay
arkeen firaashkiisii oo meesha goglan iyo Cali oo dul hurda. Markaas bay
umaleyeen Nabiga SCW oo wali jiifa, waxayna sugaayeen ilaa uu kasoo
kacaya, saa waa berigii baa waxaa meeshii kasoo kacay Cali bin Abuu
Daalib. Markaas baa intay kusoo rooreen kudhegen oo ay yiraahdeen:- Maxamed
meeyay? Saa waxuu yiri:- Mooji oo garan mahayo anigu. Kadib way
isaga tegeen. Saa waxay yiraahdeen Qureeshtii: Qofkii keena Muxammed iyo
saaxiibkiis (Abu Bakar Siddiiq) nolal ama geeri waxuu yeelan doonaa abaal
marin 100 halaad oo geel ah. Saddex maalin oo uu god kujiray kadibna
Nebiga SCW waxuu soo abbaaray safarkii dheeraa ee Makka iyo Madiina
dhexdooda isaga iyo saaxiibkiisa Abuu Bakar Siddiiq. Markuu Nebiga SCW
yimid Magaallada Madiina isagoon weli ka dhaqaaqin deegankii banii Camr
bin Cowf buu Cali kadaba yimid isagoo soo gutay howshii looga soo tegay
.Waxuuna soo socday muddo gaaban marka loo eego masaafada iyo inta loo socon
karo, waxuuna socday habeenkii maalintiina wuu dhakan jiray si aan loo arkin
amaba loo dareemin isagoo markaa iyada ah geli jiray geedaha hoostooda.
Waxuuna kusoo degay Cali gurigii Kalthuum bin Hadam Al Ansaari. Cali waxuu ahaa
halyeey wayn oo nafsadiisa ku furtay nafta Nabiga SCW. Waana Qofkii
ugu horeyay ee uu Nabiga nafsadiisa ku furta.
Nolashiisii
Madiina
Markii
uu Cali ka daba tegay Rasuulka SCW magaalladii Madiina isagoo bad qaba, soona
guday howlahii uu Rasuulka SCW uga soo tegay, markaas buu Rasuulku SCW aad ugu
farxay oo soo dhaweeyay. Markiina Rasuulku SCW Muhaajiriin iyo Ansaar uu
walaaleynayay, waxaa la sheegaa in Sahal bin Xaniif iyo Cali uu walaaleeyay.
Werinnada qaar waxay xusaan in Nebigu SCW uu walaaleyay nafsaddiisa iyo Cali.
Balse waalaga culusyahay qowlkaas. Waayo Nebigu SCW iyo Cali si bay walaalo u
ahaayeen. Sababtoo ah waxay ahaayeen ilma adeer. Waxaa suurto gal ah marka in
uu Nebigu SCW ula dan lahaa in asaga iyo Cali ay walaalo yahiin. Balse markaasi
aanay ahayn xilligii la walaaleynayay Muhaajiriin iyo Ansaar. Qowlka ugu culus
wuxuu yahay in Sahal bin Xaniif lala walaaleeyay Cali Allaha ka raalli
noqdee markii la walaaleynayay Ansaarta iyo Muhaajiriinta.
Cali
wuxuu laasimay ka agdhawaanshaha iyo la joogidda Rasuulka SCW. Maalintii Dul
Cusheyrah waxuu la socday ciidamadii Rasuulka SCW, waxaanay isku awr fuuleen
Cammaar bin Yaasir Illaahay haka raalli noqdee oo ay duullaankaasi labo rafiiq
oo gaar ah wada ahaayeen.
Dagaalkii
weynaa ee Bader ayuu sidoo kale Cali ka qeyb qaatay. Nebigu SCW
asagoo Cumar la hadlaya wuxuu ku yiri:- Maxaad mooddaa Cumaroow!, waxaa laga
yaabaa inuu Illaahay reer Bader daallacday oo uu ku yiri:- Fala wixii aad
doontaan waan idiin dambi dhaafaye.
Gacan
cad ayuu Cali Allaha ka raalli noqdee ku lahaa maalintaa iyada ahi, iyo meeqaam
la mahadsho, wuxuu siday calanka Muhaajiriinta oo la oran jiray Al Caqaab.
Ansaartuna waxaa calanka u waday Sacad bin Mucaad. Calanka guudna waxaa loo
dhiibay Muscab bin Cumeyr. Cali wuxuu ahaa mid kamid ah raggii
maalintaasi mubaarasada ka soo baxay dhanka Muslimiinta. Wuxuuna ahaa kii ugu
yaraa saddexdii nin ee dhanka Muslimiinta kasoo baxday. Waxayna saddexdaasi
kala ahaayeen Cali iyo adeerkiis Xamsa, iyo ina adeerkiis Cubeydah bin Xaarith.
Waxay ahaayeen saddexduba hal qoys oo weliba ahlu beydka Rasuulka SCW ah. Waxay
u baxeen saddex kale oo iyana hal qoys ah. Waxayna kala ahaayeen Sheyba
bin Rabiica, Cutbah bin Rabiica iyo Waliid bin Cutbah bin Rabiica.
Cali
wuxuu maalintaasi dilay ninkii ku soo haggaagay mubaarasada, kaasoo ahaa Waliid
bin Cutbah. Sidoo kale waxay asaga iyo adeerkiis Xamsa is raaciyeen oo ay
dileen Cutbah oo dhaawac ah kadib markay raggoodii ka soo faaruqeen, Cubeyda oo
dhaawacna horey bay usoo qaateen.
Cali
wuxuu dagaalkaasi Bader ku laayay in badan oo kamid ah gaalladii Qureesheed,
waxaana kamid ahaa dadkii uu meeshaasi ku laayay:
1.
Waliid bin Cutbah (oo uu ku dilay mubaariso).
2.
Cutbah bin Rabiica bin Cabdishams (asaga iyo adeerkiis Xamsa ayaa isla dilay,
taa kahorna Cubeydah ayaa dhaawacay).
3.
Al Caas bin Saciid bin Al Caas bin Umayah (wuxuu ninkani la dhashay saxaabiga
Jaliilka ee Khaalid bin Saciid, sidoo kale Cuthmaan bin Cafaan bay ilma adeer
ahaayeen)
4.
Cuqbah bin Abii Mucayd (goobta Cirqud Dabiyah ayuu ku dilay kadib markii lasoo
qafaashay. Rasuulka SCW ayaana amray).
5.
Nadar bin Xaarith (Sidoo kale dhexda ayuu ku dilay amaraka Rasuulka SCW -
goobta Safraa).
6.
Ducaymah bin Caddiyi (asaga- Cali iyo adeerkiis Xamsa ayaa isla dileen).
7.
Caqiil bin Al Aswad bin Muddallib (Cali iyo Xamsa ayaa isla dilay).
8.
Nowfal bin Khuweylid.
9.
Mascuud bin Abii Umayah bin Muqiirah Al Makhzuumi.
10.
Abul Qeys bin Faakiha bin Muqiirah Al Makhzuumi (Cali ama Cammaar bin Yaasir
midkood ayaa dilay).
11.
C/llaahi bin Mundir bin Abii Rafaacah.
12.
Xaajib bin As- Saa'ib bin Cuweymir Al Makhzuumi.
13.
Al Caas bin Munbih bin Xajjaaj Al Sahmi.
14.
Abul Caas bin Qeys bin Caddiyi bin Sacad.
15.
Aws bin Mucayr bin Lowdaan Al Jumaxi.
Iyo
kuwa kale oo aanan la ogeyn. Intani waa sida ay qoreen culimada siirada,
waxaase suurto gal ah in intani ay ka badnaayeen raggii uu Cali maalintii Bader
laayey.
Nebigu
SCW sanadkii labaad ee hijriga ayuu gabadhiisa Faadimah u guuriyey Cali.
Sanadkii 3aad ee Hijriga, wuxuu Cali ka qeyb qaatay dagaalkii weynaa ee Uxud,
wuxuuna hoggaaminayay ciidamada midigta, calanka ciidankana asaga ayaa siday,
kadib markii la dilay Muscab bin Cumeyr oo asaga horey u waday calanka dagaalka
ayaa loo dhiibay Cali. Ciidamada bidixda waxaa maalintaasi madax u ahaa Mundir
bin Camr, kuwa lugtanada Zubeyr bin Al Cawaam, waxaa kaloo la sheegaa Al
Miqdaad bin Camr. Cali wuxuu kamid ahaa maalintaasi raggii durba soo laabtay
kadib markii ay Muslimiinta jabeen, waayo hammigiisu wuxuu ahaa uun Nebiga SCW.
Wuxuu ka ag dagaallamayay Nebiga SCW oo difaacay difaac wayn, wuxuuna
maalintaa muujiyey wacdaro xadka ka baxsan. Cali wuxuu ahaa ninkii Nebiga
SCW ka dhaqay dhiiggii wejiga markii uu dhaawaca culusi iyo waxyeellada ba'ani
ay kusoo gaadhay dagaalkaasi Uxud. Nebigu SCW aad buu u jeclaa
Cali. Taasi Cali qudhiisa ayaa marqaati ka ahaa, waayo waxay asaga iyo Faadimah
ku doodi jireen:- Rasuulku SCW aniguu iga kaa jecelyahay. Dagaalkii Uxud markuu
dhammaaday, wuxuu Rasuulka SCW amray Cali inuu baacsada Mushrikiinta Qureesheed
oo hubiyo inay toos u abbaareen Makka iyo inay doonayaan inay aadaan dhankii
Madiina. Cali wuu dhaqaaqay oo markii uu arkay inay Makka abbaareen oo awrta
fuuleen, farduhuna kaxaysteen buu kasoo laabtay oo Nebiga SCW uga warramay
xaalkooda.
Wuxuu
kaloo ka qeyb qaatay dhammaan dhaqdhaaqyadii uu Nebigu SCW hoggaaminayay.
Maalintii Axzaab, wuxuu dilay mid kamid ah mashaahiirtii iyo geesiyaddii
Carbeed. Wuxuu kaasi ahaa Camr bin Cabdiwuddi Al Caamiri, oo oday Qureeshta iyo
Carabta kaleba dhaxdeeda caan ka ahaa. Ninkaan wuxuu ahaa nin fardo fuulka iyo
dagaalka aad ugu xeel dheeraa, wuxuu ahaa geesi ka sheegan Carabtii waqtigaa
jirtay. Hubka dhawaajiya aanan wadnuhu galaw oran ayuu ahaa. Dagaalkii Bader
ayuu ka badbaaday inuu ku naf waayo, waxaase taas cagsigeeda soo gaaray
dhaawacyo culus, oo u diiday in sanadkii saddexaad ee hijriga uu ka qeyb qaato
dagaalkii waynaa ee Uxud. Sanadkii shanaad ee hijriyada, dagaalkii Axsaab
buu soo baxay asagoo sidii hore ka roon. Wuxuu soo baxay Mubaariso.
Asxaabtu aad bay uwada garanayeen, dib bayna u hakadeen. Cali oo waaga
nin dhalin yaro ah baa soo baxay. Nebigu SCW wuu u duceynayay, asxaabta oo
idilna way u naxsanaayeen. Markaa iyada ahi Camr bin Cabduwuddi, wuxuu
fuushanaa faraskiisa. Markii uu Cali arkay ayuu ka dalbaday inuu iska
laabto, wuxuuna u sheegay inuusan dooneyn inuu Cali dilo. Calise wuxuu u
sheegay inuu asaga doonaya inuu dilo. Markaas buu inta Camr carooday
faraskiisii boqna jaray oo inta lugta seefta uga hoos qaaday, buu soo
dhaqaaqay, markay is heleen asaga iyo Cali, baa si dhaqso leh looga
tallaabsaday meydkiisa oo laga takhallusay. Halkaas ayuu Cali ku dilay
gaalkii Camr bin Cabduwuddi ahaa, saa Rasuulka iyo saxaabaduba takbiir halmar
ku wada dhufteen farxad darteeda iyo waynayn ay Alle wayneynayaan.
Maalintii
Baycatu Ridwaan, ayuu Cali goobjoog ahaa. Raggii ka qeyb qaatay baycadaasi
Illaahay wuu ka raalli noqday. Sidoo kale wuxuu ahaa ninkii qorayay heshiiskii
Xudeybiya ee maalintaasi dhacay. Wuxuu kaloo ka qeyb qaatay Cumradii la
qalleeyay (Cumaratul qadaa), maalintaas ayuuna Rasuulku SCW Cali ku yiri:-
Adigu iga mid baad tahay, aniguna kaa mid baan ahay. Sanadkii 7-aad ee Hijriga,
wuxuu ka qeyb qaatay dagaalkii Kheybar. Rasuulku SCW wuxuu maalintaasi
markii Kheybar la furi waayay yiri:- Waxaan u dhiibi doonaa calanka beritoole,
nin jecel Alle iyo Rasuulkiisu, isaguna ay jecelyahiin Alle iyo
Rasuulkiisuba.
Habeenkaasi
dadkii waxay baryen ayagoo wada rajeynaya in qof waliba asaga loo dhiibo.
Subaxii buu Rasuulka SCW Cali u yeeray. Waxaa loo sheegay inuu indhaha ka
sheeganayay. Wuxuu dalbaday Nebiga SCW in loo keeno. Markii loo keenay buu
indhahii kaga tufay, dib dambena uma aanay xanuunin. Cali calankii buu
sidaa ku qaaday oo furtay. Wuxuu Cali dagaalkii Kheybar mubaariso
ku dilay Marxab oo hub ka dhawaajiyahii Yahuudda ugu geesisanaa ahaa.
Furashadii Makkana wuu ka qeyb qaatay, iyo sidoo kale dagaalladii Xuneen
iyo Daa'if. Dagaalkii Xuneen wuxuu kamid ahaa ahlu beydkii Nebiga SCW
kusoo haray kadib markii ay saxaabadii jabeen. Wuxuu dagaallamay dagaal kulul
oo difaacay Rasuulka SCW,
Jicraanah
ayuu cumra ka xirtay asagoo la xirtay Nebiga SCW.
Ka
Dib Noqoshadiisii Duullaanka Tabuuk
''Ma
wadaan ku raalli ahayn inaad ii joogto halkuu Haaruun CS u joogay Muuse CS, oo
aanan ka ahayn inuuna Nebi iga dambeyn? ''
Kamuusan
harin Cali duullaan ama dagaal uu kuqaaday Nebiga SCW acdaada Alle. Sida Badar,
Uxud, khandaq, Kheybar, Fatxul Makkah, Xuneyn, Daa'if iyo dhammaan duullaamadii
uu qaaday Nabiga SCW aanan ka ahayn duullaankii Tabuuk, Kaasina
sababta ka reebtay Cali inuu ka qeyb galo waxay aheyd Nabiga SCW baa
masuul uga dhigay xagga ehelkiisa. Saa waxaa dhacday inay Munaafaqiintii ka
faa'ideystan fursadaas ay Cali la heleen oo ah inuu duullaan ka baaqday, Markas
bay dacaayad raqiisa ugeliyeen bulshadii dhexdeeda oo ay yiraahdeen:-
Cali wuu cusleeyay Nabiga SCW oo sidaas buu isaga reebay markuu
dhibsaday dabadeed.
Saa
markuu warkaas Cali soo gaaray buu aad uga carooday oo uu hubkiisii soo qaatay
oo uu abbaaray ciidankii Muslimiinta si uu u raaco isagoo dhibsaday lajoogida
ehelka iyo caruurta oo doorbiday inuusan ka dib dhicin duullaan uu qaadaya
Rasuulkii Alle SCW. Markii uu Nebiga SCW u tegay buu weydiyay waxa soo
kaxeyay. Markaas buu Cali usheegay dhacdadii Munaafaqiinta iyo wixii ay
lawareeganayeen oo been iyo shar ahaa. Waxuu yiri Nabiga SCW:- Ina Abuu
Daaliboow! ma waadan ku raalli noqoneyn inaad ii joogta booskii uu
Haaruun CS u joogay Muuse CS oo aanan ka ahayn Nabinimo, waayo anigu Nabi
igama dambeeyo'e?
Markaas
buu Cali aad u farxay oo laabtay. Waxuu ka qeyb qaatay Cali dhammaan duulamadii
Nabiga uu qaaday marka laga reebo Tabuuk oo uu ehelkisa uga tegay. Waxuu Cali
kula ballamay Nabiga SCW maalintii Uxud dhimasho kadib markay dadkii
carareen ,waxuuna muujiyey geesinimo xad dhaaf ah. Cali waxuu aha geesi halyay
ah oo nin mubaarasa u soo baxa ma uusan sii noolaan. Waxuu Nabiga SCW u
diray camal ahaan meelo badan oo ay kamid ahayeen sirriyaddii ama wardoonkii uu
udiray banii Sacad ee Fadak isagoo wata 100 nin. Wuxuu kaloo Nabigu
SCW madax uga dhigay wardoonkii uu udiray dhanka Al Falaas ee banuu
Dhayyi. Waxaa kaloo uu u diray Nabiga SCW Yemen amiir ahaan, iyo si uu
dadka diinta u baro. Sanadkii Xajjatul wadaaca, ayuu Nebigu SCW usoo
wafdiyey oo kula kulmay magaalladii Makka. Kamuusanna harin duullaan uu Nabiga
duulay SCW aanan ka aheyn Tabuuk sidaan horeba usoo xusnay
Sidaynu
ognahay Cali, wuxuu ahaa mid kamid ah raggii Nebiga SCW aaskiisa ka qeyb
qaatay.Rasuulkuna SCW wuxuu geeriyooday isagoo Cali ka raalli ah. Wuxuu Cali
kamid ahaa dadkii ugu dambeeyay ee Nebiga intuuna dhiman la kulmay. Sidoo kale
wuxuu ka qeyb qaatay dhaqiddii Nebiga SCW. Sidoo kalena wuxuu ahaa mid kamid ah
raggii qabriga dhigay.
Carruurtiisii
& Dumarkiisii
Waxuu
Cali dhalay carruur badan, waxuu guursaday gabadhii Nabiga SCW uu dhalay ee
Faadimah oo u dhashay Xasan, Xuseyn, Muxsin, Zeynaba Al Kubraa iyo
Ummu Kalthuum. Intuu Faadimah qabay Cali ma uusan guursan haweeney kala.
Wuxuu Faadimah guursaday sanadkii 2aad ee Hijriga. Waxayna ka dhimatay
sanadkii 11aad ee Hijriyada.
Waxaa
kaloo uu guursaday Khowlah bint Jacfar bin Qeys bin Maslamah bin Thaclabah bin
Yarbuuc bin Thaclabah bin Al Dowl bin Xaniifah bin Lujeyn bin Sacab bin Cali
bin Bakar bin Waa'il oo ka dhalatay nasab ahaan reer Xaniifah. Waa qoladii uu
Museylamah Al Kaddaab kadhashay, kaasoo ahaa ninkii Nabinnibada sheegtay.
Markii weerarka lagu qaaday Museylamah oo lajebiyey baa lasoo qafashay
dumarkii iyo carruurtii reer Xaniifah. Saa waxa kamid aheyd dumarkaas khowlah
bin Jacfar oo reer Xaniifah kamid aheyd. Markii loo keenay Abuu Bakar buu
siiyey Cali bin Abii Daalib, kadibna waxay u dhashay Maxamed
bin Cali oo loo yaqiinay Maxamed ibnu Xanafiyah.
Sidoo
kale waxuu Cali dhalay Cubeydah, waxaa Cubeydah dilay Al Mukhtaar bin Abu
Cubeyd (Mukhtaar Al Kaddaab) oo ku dilay Al Madaar. Wuxuu kaloo dhalay Abuu
Bakar bin Cali oo lala dilay Xuseyn bin Cali (goobta Karballaa sanadkii
61aad ee Hijriga), waxaana u dhashay Cubeyda iyo Abu Bakar haweeney la oran
jiray Leylaa bint Mascood bin khaalid bin Thaabit bin Ribciy bin
Balama bin Jundal bin Nahshal bin Daaram bin Maalik bin Zeyd
bin Mannaah bin Tamiim.
Waxa
kaloo uu dhalay Al Cabbaas Al Akbar, Cuthmaan, Jacfar Al Akbar iyo Cabdullaahi,
dhammaan intan waxa lagu dilay goobta Karballaa iyagoo la socda walaalkood
Xuseyn bin Cali, Hooyadooduna waa Umul Baniin bint Xazaam bin khaalid bin
Jacfar bin Rabiicah bin Al Waxiid bin Caamir bin Kacab bin Kilaab
Waxaa
kaloo uu dhalay Cali Maxamed Al Asqar, waxaana lala dilay Xuseyn,
hooyadiisna waa umu Walad.
Sidoo
kale waxuu Cali dhalay Yaxyaa iyo Cown hooyadooduna waa Asmaa bint Cumeys Al
Khuthcumiyah.
Sidoo
kale wuxuu dhalay Cumar Al Akbar iyo Ruqaya, hooyadoodna waa Ummu Xabiib
Assahbaa bint Rabiicah bin Bujeer bin Cabdu bin Calqamah bin
Al Xaaritha bin Cutbah bin Sacad bin Suheir bin Jusham bin Bakar
bin Xabiib bin Camr Ibnu Qanam bin Taqlab bin Waa'il oo kamid
ah banuu Taqlab, waxaana soo qafaashay Khaalid bin Waliid dagaalkii Ceynu
Tamar, saa waxaa saami loo siiyey Cali oo guursaday.
Sidoo
Kale waxuu dhalay Cali bin Abii Daalib Maxamed Al Awsadh oo ay u dhashay
Umaamah bint Abul Caas Bin Rabiica bin Cabdulcuza bin Cabdshams bin
Cabdumunaaf bin Qusay bin Kilaab. Gabadhani waxaa dhashay Zeynaba Bint
Rasuulillaah. Waana gabadhii uu aadka u jeclaa Nebiga SCW, waxaa dhici jirtay
jeceylkuu Rasuulka SCW jeclaa gabadhan Umaamah halkii uu gaarsiisanaa, heer
isagoo salaadda kujira inuu kor uqaadi jiray, Waxaa Cali kula
dar-daarantay inuu Umaamah guursado Faadimah bint Rasuulillaah SCW
markay dhimata kadib.
Sidoo
kale waxuu dhalay Cali bin Abii Daalib Umul Xasan iyo Ramlatul Kubraa,
hooyadooduna waa Umu Saciid bint Curwah bin Mascood bin Muctab bin Maalik
Ath- Thaqafiyu oo reer Thaqiifa kamid ah. Waxaa kaloo uu dhalay Umu Haani,
Meymunah iyo Zeynabatu Suqraa, Ramlatu Suqraa, Umu Kaltuum Suqraa, Faadimah
Umaamah, khadiijah, Umul Kiraam, Umu Salama, Umu jacfar, Jamaanah iyo
Nafiisah. Dhammaan hablahan hooyooyinkoodi Mu'arakhiintu waxay yirahdeen:-
Magacyadooda nalooma magacaabin. Isku soo duuboo awlaada Cali wiilashu waa 14,
halka gabdhuhuna ay yahiin 19 gabdhood.
Qaar
Kamid Ah Fadliga Cali
Waxaynu
ogsoonnay amaba aanu ka dhadhansan karnaa taariikhda Cali inuu ahaa saxaabi aad
iyo aad u fadli badan, waxaynaan soo koobi karin, heerka iyo halka uu
gaarsiisnaa fadliga Cali, waayo wuxuu fadliga Cali ahaa mid inbadan dheer
saxaaba badan oo jiray waqtigii Nebiga SCW. Waxaa dhab ah in ummadani uu
ugu fadli badnaa Abii Bakar Sidiiq, marka laga soo tego Nebiga SCW, dabadiina
Cumar, kadibna Cuthmaan, dabeetana Cali.
Haddaba
waxaynaan soo koobi karin dhammaan fadaa'isha Cali, balse intuu Rabbi inooga
qaddaro ayaanu ka dhawaajin doonnaa hadduu Alle idmo. Waxaa kamid ah Nebigu SCW
inuu yiri:- Alloow! wali ka dhigo qofkii wali ka yeesho (Cali) oo la
colleytan qofkii la colleytama.
Sidoo
kale Nebigu SCW wuxuu yiri:- Cali aniguu iga mid yahay aniguna asagaan kamid
ahay.
Sidoo
kale wuxuu yiri:- Adigu waxaad tahay walaalkeyga if iyo aakhiro.
Sidoo
kale wuxuu yiri:- Qofkii dhibo Cali aniguu i dhibay.
Waxaa
kaloo uu Nebigu SCW yiri:- Waxaan berritoole u dhiibi doonaa raayadda qof ay
Alle iyo Rasuulkiisu jecelyahiin, asaguna jecel Alle iyo Rasuulkiisa.
(Markaasuu u dhiibay Cali bin Abii Daalib maalintii Khaybar). Waxaa kaloo
ka mid ah in Nebigu SCW janno ugu bishaareeyay asagoo dunida guudkeeda uu
fuulo.
Wuxuu
kaloo Nebigu SCW yiri:- Hooy! ina Abuu Daaliboow! ma waadan ku raalli noqon
inaad ii joogto halkii uu Haaruun CS Muuse CS u joogay oo aanan ka ahayn inuuna
Nebi iga dambeyn?
Sidoo
kale wuxuu Nebi SCW yiri:- Ruuxii Cali jeclaada, aniguu i jeclaaday, Qofkii
aniga i jeclaadana Alle buu jeclaaday. Qofkii Cali u caroodana aniguu ii
carooday, qofkii aniga ii caroodana Alle buu u carooday.
Sidoo
kale wuxuu yiri:- Umaddeydu waxaa ugu ogaal badan xagga qaddaha iyo xukunka
Cali.
Fadaa'isha
Cali intani waa ay ka badan yahiin, laakiin waxaa jira aqwaal iska raqiis ah oo
aan sal iyo raad toona lahayn oo ay Shiicada u sameeyaan ka badbadin, illaa
ayba dembi iyo gafaf waa weyn ku dhaceen. Waana halka ay ku nacladaan
qaar badan oo kamid ah asxaabtii suusuubanayn. Calina wuxuu qiray in uu
ummadani kii ugu fadli badnaa uu ahaa khaliifadii Rasuulka Alle SCW ee Abuu
Bakar, marka laga yimaada Nebiga SCW.
Cali
Oo La Shaqeynaya Dowladdii Abuu Bakar
Ibnu
Jariir siduu xusay Cali Waxuu la mubaayacooday Abuu Bakar Siddiiq laba goor,
taasoo ah markii hore ee lala mubaayacoonayay Abuu Bakar oo uu xilka qabtay iyo
markii ay dhimatay Faadimah bint Rasuulillaah kadib goor dhimashadii aabaheed
(Muxammed SCW) laga jooga lix bilood. Waxuu Abuu Bakar siiyey Cali laba dumar
ah oo kamid ah dumarkii lagusoo qafaashay duulamadii uu Khalid bin Waliid ku
qaaday dadkii diinta ka riddoobay, sidaan horeba u soo xusnay. Waxaa wax
kama jiraan ah qowl ay shiicada yiraahdaan oo ah Cali inuusan la mubaayacoon
Abuu Bakar Siddiiq ,arrintaasi waa iska hadal raqiis ah oo aan miisaaniyad iyo
sixa tooni lahayn, waayo waxaa soo aroortay in uu xuruubtii ugu
horeeysay (dagaalada) ee uu Abuu Bakar ku qaaday murtaddiintii sida
duullaamadii Dil xazaa iyo Dil Qassaa oo uu isla Abuu Bakar hoggaaminayay Cali
ayaa ku dhegay daabbadii uu saarnaa Abuu Bakar oo yiri:- Khaliifkii Rasuulkoow!
ha bixin ee meeshaada joog oo beddelkaada qof kala dir waayo, haddi
lagu asiibo (oo lagu dilo) Muslimiintu way isku dhex yaacayaan.
Waxuu
ahaa Cali saxaabiga ugu xukunka iyo qadaha aqoonsan saxaabada. Waxuu yiri Ibnu
jariir:- Cali marka hore ee uu la mubaayacooday Abuu Bakar waa markii ladoortay
marka labaadna waa markay dhimatay Faadimah kadib. waayo Cali waxuu ku
mashqulsanaa xanuunkii Faadima haayay lixdii bilood ee ugu horeeyay Xukunkii
Abuu Bakar Siddiiq. Markii uu geeriyooday Abuu Bakar Siddiiq, Cali
baa inta usoo galay uduceyay oo misne yiri:- Illaah nagama xarrimo ajarkaada.
Cali
oo La Shaqeynaya Dowladdii Cumar
Cali
wuxuu ahaa ninkii Abuu Bakar kula talinayay sida gaarka ah in xilka khilaafada
uu u dardaarmo Cumar, sidaa daraaddeed isagoo Abuu Bakar la hadlaya ayaa
hadalladiisii waxaa kamid ahaa:- Khaliifkii Rasuulka Alloow!! kuma raalli noqon
cidaanan ahayn Cumar.
Haddaba
markii uu geeriyooday Abii Bakar Siddiiq, oo khilaafadiina uu qabtay Cumar,
wuxuu Cali ahaa mid kamid ah dadkii ugu horreeyay ee la mubaayacooday Cumar.
Sidoo kale wuxuu Cali ahaa lataliyahii Cumar iyo mid kamid ah lixdii nin ee
ahlu shuuraha ahaa ee uu latashan jiray Cumar bin Khadaab, sidoo kale
waxuu ahaa ninkii uu Cumar ugu tegi jiray masuuliyadda magaallada Madiina,
markuu Cumar u baxaaya arrimo magaallada dibaddeeda ah. Waxuu oran jiray Cumar:-
Ragga waxaa ugu xukun iyo qaddo wanaagsan Cali bin Abii Daalib. Markii la
dhaawacay Cumar ee uu hayay xanuunkii geerida, waxuu necbeystay inuu xilka uga
tego qof kamid ah Muslimiinta oo markaas khalad yar intuu ka dhaco isaga loo
qabsada dharaarta Qayaamaha. Sidaa daraaddeed waxuu door biday inuusan
amiir usamaynin Muslimiinta. Waxuuna oran jiray:- Haddii aan amiir sameeyo
waxaa sameyay (aniga hortey) mid aniga iga kheyr badan (yacni Abuu Bakar
oo isaga amiir ahaan u doortay), haddiisa aan sameynin amiir waxaa (aniga
hortey) aanan sameynin amiir mid aniga iga kheyr badan (yacni Nebiga
SCW). Cabdullaahi bin cumar waxuu yiri:- Goortaas baan garowsaday inuusan
Cumar cidna kudoorsaneyn Nabiga SCW oo uunan magacabeynin amiir. Kadib
Cumar waxuu soo saaray lix ahlu shuura ah oo ka mid ah tobankii jannada loogu
bishaareyay intii ka nooleyd marka laga reebo Saciid bin Zeyd bin Camr bin
Nufeyl Al Cadawi oo Cumar qaraabadiisa ahaa, waayo Cumar waxuu oran jiray:-
Reer Cumar arrimaha Muslimiinta halaga weydiiya maalinta Qiyaama nin qura
(yacni aniga Cumar ah kaligey hala iga weydiiya arrimahii Musliiminta oo
madoonaya in qof ehelkeyga uu xil ka qabta). Sidaas darteed Cali wuxuu kamid
ahaa lixdii nin ee ehlu shuuraha ahaa. Kuwaasoo kala ahaa
1.
Cabduraxmaan bin Cowf Az- Zuhri
2.
Zubeyr bin Al Cawaam Al Asdi
3.
Cali bin Abu Daalib Al Haashimi
4.
Sacad bin Abuu Waqaas Az- Zuhri,
5.
Dhalxa bin Cubeydillaah At Taymi iyo
6.
Cuthman bin Cafwaan Al Umawi.
Si
ay nin dhexdooda isaga dhex doortaan muddo saddex cisho ah kadib dhimashada
Cumar. Ugu dambeyn Cumar waxuu u yeeray Abu Dalxa Al Ansaari oo uu amray in uu
gurigiisa ku kulmiyo nimankaas oo uu lasocda Cabdullaah bin Cumar oo isagu goob
joog kaliya ahaanaya oo aan talada waxba kulaheen.waxuu Cumar amray Abuu Dalxa
Al Ansaari iyo Al Miqdaad inay soo kaxeystaan 50 nin oo ay waardiyo ka
qabtaan lixdaas nin oo haddii ay muddo 3 casha gudahood nin kudooran waayaan uu
lixdaba kurka ka jaro. Muddo kadib waxaa la doortay Cuthmaan.
Waxuuse yiri Cumar:- Markay ka baxayeen Allaylahe! haddi ay doortaan Cali
Jidka toosan ayuu ku hanuunin. Saa waxa la joogay wiilkiisii Cabdullaahi
oo yiri:- Oo amiirkii Muminintow! maxaa kuu diidaya inaad Cali magacawdo?
Waxuu yiri Cumar:- Waxaan diidayaa in masuuliyadaas ay dusheyda ahaato markaan
dhinto kadib.
Cali
oo La Shaqeynaya Dowladdii Cuthmaan
Markii
ladoortay Cuthman bin Cafaan, Cali waxuu kamid ahaa dadkii ugu horeyay ee la
mubaayacooday waxuuna kamid ahaa dadkii uu Cuthman la tashan jiray oo uu kala
tashan jiray arrimaha dagaalka iyo howlaha kalee dowladda. Waxaa uu Cali
had iyo goor usoo jeeday garab istaaga amiirka Mu'miniinta oo uu mar
walba ag fadhin jiray lana waday howlaha, in uu dan ama howla gaar
kumaqan yahay mooyaan. Markii ladilayay Cuthman waxuu Cali kamid ahaa dadkii ugu
dambeyay ee usoo galayay intii xisaarka lagu hayay, bal e waxuuba ahaa ninkii
ugu dambeyay ee biyo uu caba u keenay Cuthmaan markii xisaarka ay ku sameeyeen
kuwii soo weeraray. Waliba Cali goortaasi waxuu u soo diray difaacidda
amiirka Mu'miniinta wiilashiisii oo uu kusoo daray 700 oo kamid ah dhalanyartii
saxaabada. Waxaa wiilashaasi kamid ahaa Xasan iyo Xuseen, Maxamed
bin Dalxa bin Cubeydillaah, Cabdullaah bin Cumar bin Al Khaddaab iyo
Cabdullaahi bin Zubayr iyo kuwa kale. Wuxuu Cali usoo diray wiilashaasi
si ay u ilaaliyan Cuthmaan oo uga difaacaan nimanka fidna wadayaasha.
waxana hogaaminayay dhalinyartaas Cabdullaahi bin Zubayr.
Sannaddaas waxuu Cuthman amaray inuu Cabdullaahi bin Cabaas dadka xajka u
kaxeeyo, wuuse ka cududaartay Cabdullaahi bin Cabbaas, wuxuuna ka
dalbaday inuu ka qeyb qaato difaacidda amiirka Mu'miniinta, balse Cuthman
baa ku adkeyay inuu baxo. Markii Cuthman la dilay Cali wuu ka fogaaday
inuu qabta xilkan, balse waxaa ku qasbay Muslimiintii reer Madiina,
markaasuu sidaas kuqabtay.
Khilaafadii
Cali Bin Abii Daalib
Shan
ama afar casho ayay magaalladii Madiina masuul ka ahaayeen fidna wadayaashii
dilay Cuthmaan, oo uu madax u ahaa Qaafiqi bin Xarbi kadib dilkii Cuthmaan, asaga
ayaana salaadda tujinayay, in kastoo mararka qaar ay haddana Cali hor marin
jireen, oo ay ka dalbanayeen inuu tujiyo. Intaasi raggii fidna wadayaasha
ahaa waxay raadinayeen ciday u dhiibaan xilka. Fidna wadayaashii ka yimid
Masar, waxay doonayeen in xilka ay u dhiibaan Cali, kuwii Kuufa ka yimidna
waxay doonayeen in xilka khilaafada loo dhiiba Zubayr bin Al Cawaam, halka kuwa
Basra ka yimidna ay rabeen in loo dhiibo Dhalxa bin Cubeydullaah. Kuwii
Masar ka yimid baa markaa waxay u tegeen Cali, saa wuu ku gacan seyray. Kuwii
Basra kayimidayna waxay dooneen Dhalxa, saa wuu diiday, kuwii Kuufiyiintuna
Zubeyr bay raadiyeen oo way soo waayeen. Markaas bay yiraahdeen:- Saddexdani
midna uma dhiibeyno. Dabadeed waxay aadeen Sacad bin Abii Waqaas oo ay ka dalbadeen
inuu xilka qabto, ayagoo ku oranaya:- Waxaad kamid tahay ahlu shuuraha. Balse
iasaguna wuu ka diiday, oo ku gacan seyray. Dabeeto, waxay u tegeen C/llaahi
bin Cumar bin Khaddaab oo ay u bandhigeen inuu qabto, saa kamuuna yeelin.
Arrintii waxay kunoqotay afkii baa juuqda gabay, yaab iyo amakaag badanna waa
ay ku reebtay, waayo haddii ay dileen Cuthmaan oo ay goballadii ku laabtaan
iyagoonan wax khaliif ah sameynin, xaalladu waxay noqon doontaa dhib iyo
qalalaaso, hadafkoogii horena sidaa inuu ahaa ayunbaa loo wada arki doonaa,
markaasina ayaga uun baa la ugaarsan doonaa. Talo baa ku caddaatay nimankii
fidna wadayaasha ahaa. Waxay falaanna way garan waayeen. Markaasi bay ku
gooddiyeen inay layn doonaan dhammaan nimankii ahlu shuurada ahaa haddii aanay
aqbalin arrinkan, sidoo kale reer Madiinana inay layn doonaan ayay ku
goodiyeen. Markaas baa reer Madiina ay Cali ka dalbadeen inuu xilka qabto.
Dabadeed raggii fidna wadayaasha ahaa waxay aadeen dhankii Cali, oo
markaa ka hor ka galay beer kutiillay magaallada Madiina. Kadibna Ashtar An-
Nukhaci ayaa gacantiisa qaaday oo la mubaayacooday dadkiina la mubaayacoodeen.
Reer Kuufa waxay sheegan jireen in qofkii ugu horreeyay ee Cali
lamubaayacooda uu ahaa Ashtar An- Nukhaci. Ammintu waxay ahayd sida uu
Sayf bin Cumar xusay maalin Khamiis ah 24-kii bisha Dul Xajjah ee sanadkii
35aad ee Hijriga. Markii Jumcahii la gaaray oo ahaa maalintii xigtay
maalinta Cali uu Ashtar la mubaayacooday buu mimbarka fuulay, oo dhammaan
dadkii la mubaayacoodeen. Waxaa ugu horreeyay ee la mubaayacooday Dhalxa bin
Cubeydillaah, dabeetana Zubayr baa yimid oo la mubaayacooday. Dabeeta reer
Madiina oo idil baa la mubaayacooday.
Al
Waaqidi wuxuu xusay in Ansaartii Madiina oo idil ay la mubaayacoodeen Cali, in
yaroo inta Cali lala mubaayacoon Shaam u baxsatay mooyaane. Werinnada
qaar waxay sheegaan, in raggani Ansaarta ahi aanay Cali lamubaayacoon Xassaan
bin Thaabit, Kacab bin Maalik, Maslama bin Mukhlid, Abuu Saciid Al Khudri,
Maxamed bin Maslama, Nucmaan bin Bashiir, Zayd bin Thaabit, Raafic bin Khadiij,
Fudaalah bin Cubayd iyo Kacab bin Cujrah, wallaahu aclam.
Markii
uu Cuthmaan geeriyooday, masuuliyiintiisii goballadu waxay ahaayeen sidan:
1.
Kuufa waxaa salaad tujinta u xil saarnaa Abii Muusal Ashcari, dhanka howlaha
dagaalkana Al qacqaac bin Camr.
2.
Basra waxaa masuul ka ahaa Cabdullaahi bin Caamir.
3.
Masar waxaa masuul ka ahaa Cabdullaahi bin Sacad bin Abii Sarax, balse Maxamed
bin Abii Xudeyfa ayaa kaga adkaaday gacan kuheynteeda.
4.
Guud ahaan Shaam waxaa masuul ka ahaa Mucaawiyah bin Abii Sufyaan.
5.
Ximis waxaa masuul ka ahaa C/Raxmaan bin Khaalid bin Waliid.
7,
Qinnasriin waxaa masuul ka ahaa Xabiib bin Maslamah
8.
Urdun waxaa masuul ka ahaa Abul Acwar Al Sulami.
9.
Falastin waxaa masuul ka ahaa Xakiim bin Calqamah.
10.
Aderbiijaan waxaa masuul ka ahaa Ashcath bin Qeys Al Kindi.
11.
Qirqiisiyaa waxaa masuul ka ahaa Jariir bin Cabdillaahi Al Bujali.
12.
Xulwaan waxaa masuul ka ahaa Cutaybah bin Nihaas .
13.
Qeysaariyah waxaa masuul ka ahaa Maalik bin Xabiib.
14.
Hamdaan waxaa masuul ka ahaa Xubaysh bin Nasiir.
15.
Yeman waxaa masuul ka ahaa Yaclaa bin Umayah.
Qaadiga
magaallada Madiina wuxuu ahaa Zayd bin Thaabit, beytul maalkeedana waxaa masuul
ka ahaa Cuqbah bin Camr- Abii Mascuud.
Markii
Cuthmaan la dilay, Nucmaan bin Bashiir baa wuxuu qaaday khamiiskii Cuthmaan
lagu dilay oo ay ku dhegan yahiin farahii xaaska Cuthmaan ee Naa'ilah bint
Faraafizah, wuxuuna la galay Shaam. Markii khamiiska Mucaawiyah loo
geeyey wuxuu dul suray mimbarka si ay dadka oo dhami u arkaan, dadkiina wuxuu
ku booriyey in la raadiyo dhiigga Cuthmaan oo la laayo wixii ka dambeeyey
dilkiisa. Reer Dimashiq hareerahii mimbarka ayay ku dul ooynayeen iyagoo marna
khamiiska kor uqaadaya marna hoos u dhigaya, waxayna isku dhaarsadeen inay
laayaan wixii ka dambeeyey dilkii amiirkii Mu'miniinta ee Cuthmaan bin Cafaan.
Muddo sanad ah ayay ku hoos barooranayeen khamiiska oo ay isku boorinayeen
inaanan loo fadhiisan ee la raadiyo dhiigga Cuthmaan. Wuxuuna reer Shaam iyo guud
ahaan Muslimiintii oo idilba sanadkani u ahaa sanad madow, rag badan baana ka
fogaaday haweenkooda oo u murugeysnaa dilkii Cuthmaan.
Qaar
kamid ah saxaabadii qiimaha badneyd ee ku sugnayd Shaam, ayaa ugu cadcaddaa
dadkii ku boorinayay reer Shaam in dhiigga Cuthmaan la raadiyo, waxayna
raggaasi saxaabada ahi kala ahaayeen Cubaadah bin Saamit, Abuu Dardaa Al
Ansaari, Abuu Umaamah, Camr bin Canbasah, iyo qeyrkooda. Sidoo kale rag aanan
saxaaba ahayn oo raggii suusuubbanaa ee taabicinta ahaa kamid ah baa iyana
kamid ahaa dadkii sida aadka ugu boorinayay reer Shaam in la raadiyo dhiiggii
Cuthmaan, waxaana raggaasi ka mid ahaa Shariik bin Xabbaasha, Abuu Muslim Al
Khowlaani iyo C/Raxmaan bin Qanam iyo qeyrkooda.
Dhanka
kale markii Cali lala mubaayacooday, oo baycadii Madiina dhammaatay, bay
madaxdii saxaabada sida Zubayr iyo Dhalxa u soo galeen Cali oo ka dalbadeen in
nimankii dilay Cali ee fidna wadayaasha ahaa uu xadka ka oofiyo. Saa Calina wuu
ka cududaartay, wuxuuna u sheegay in waqti xaadirkani aanay arrintaasi suuro
gal ahayn, waayo dowladdiisii baanan si qummaati ah u istaagin, goballadiina si
saani ah umaanay wada hoggaansamin, raggan fidna wadayaasha ahina, waxay
haysteen gurmadyo ku kala sugan goballada oo ayaga la fikrad ahaa. Sidaa
daraaddeed buu Cali u sheegay Dhalxa iyo Zubayr inaanay immikadaasi habbooneyn
suuro galna ahayn in xadka laga oofiya raggii fidna wadayaasha ahaa.
Markaas
buu Zubayr ka dalbaday Cali inuu u dhiibo masuuliyadda Kuufa, si uu ciidama
culus ugu soo diro, sidoo kale Dhalxana, wuxuu ka dalbaday in asagana uu u
dhiibo masuuliyadda Basra si uu ciidamo culus ugu soo diro, dabeetana la boqno
jaro fidna wadayaashii dilay Cuthmaan iyo wixii ka dambeeyay dilkiisuba. Calina
wuxuu ka dalbaday inay u ogolaadaan inuu ka soo fiirsada arrinkaasi. Waxaa
kaloo la sheegaa inuu ka diiday oo uu ka codsaday inay asaga la joogaan si ay
howlaha ula wadaan. Sidoo kale waxaa la sheegaa in Cali uu daliishaday xadiis
uu Rasuulku SCW ku tilmaamayay in qofkii xukum ama masuuliyad weydiista inaanan
la siin. Isku soo duubo Cali umuuna dhiibin labadaasi saxaabi goballadii ay ka
dalbadeen. Dabeeto Dhalxa iyo Zubayrba waxay Cali ka dalbadeen inuu u idmo inay
aadaan Makka, saa wuu u idmay.
Muqiirah
bin Shucbah baa u soo galay Cali oo ku yiri:- Waxaan arkaa inaadan
masuuliyiintaada goballada aadan baddalin, markii ay kuu wada hoggaansamaan
baddal kaad doonto oo daa markaasi midka aad rabto.
Cali
wuxuu ahaa nin go'aan adag leh, wuxuuna isagu markaasi damacsanaa in
masuuliyiinta goballada oo idil uu baddelo si uu dowlad cusub u aasaaso.
Fikirkiisii ayuuna laasimay oo uu ku adkeystay. Maalintii xigtay ayuu Muqiirah
mar kale usoo galay Cali oo ku yiri:- Waxaan arkaa inaad casisho (dhammaan
masuuliyiinta goballada) si aad u ogaato midka ku adeecaya iyo kan ku caasiyaya.
Cali
wuxuu arrintaasi uga warramay Cabdullaahi bin Cabbaas, saa wuxuu C/llaahi ku
jawaabay:- Shalay wuu kuu naseexeeyay, maantana wuu ku qashqashay.
Markuu
Muqiirah maqlay ta'wiilkii Ibnu Cabbaas, baa wuxuu yiri:- Haaheey! waan u
naseexeeyay oo markiina uu iga yeeli waayay, baan qashqashay. Dabadeed
Muqiirah wuu baxay oo wuxuu aaday magaalladii Makka, halkaasoo uu kula kulmay
Dhalxa iyo Zubayr iyo jamaaco kale. Dabadeed Cabdullaahi bin Cabbaas ayaa
Cali kula taliyey in masuuliyiinta goballada uuna baddalin oo uu sidooda ku
daayo, haddii uu baddalayana, wuxuu ka dalbaday in Mucaawiyah uuna baddalin.
Cali wuxuu usheegay inuuna asagu fikirkaasi qabin, wuxuuna ku yiri:-
Orodoo aad Shaam, adigaan kuu wakiishaye. C/llaahi bin Cabbaas arrintaasi wuu ka
cududaartay, wuxuuna ku adkeeyey inuuna Cali casilin masuuliyiinta goballada,
balse Cali fikir aanan kaas ahayn buu qabay.
Sanadkaasi
35aad ee Hijriga, ayuu boqor Qusdandiin iyo ciidama culus oo uu wato soo
weeraray dhulkii Muslimiinta ee galbeedka Shaam, wuxuuna watay 1000 markab oo
ciidamo ah. Illaahay baa inta dabbeyl duufaan ah usoo diray halligay dhamman
ciidamadiisii, waxaana ka badbaaday boqorkii iyo in yaroo fara ku tiris ah.
SANADKII
36AAD
Muddo
yar ka dib baycadii Cali waxa la galay sanadkii 36aad ee Hijriga. Wuxuuna Cali
sanadkan casilay qaar kamid ah masuuliyiintii goballada, una magacaabay
masuuliyiin cusub. Yeman wuxuu madaxa uga dhigay Cabdullaahi bin Cabbaas, Basra
wuxuu madaxa uga dhigay Samurah bin Jundub (ama Cuthmaan bin Xaniifa), Kuufana
wuxuu u dhiibay Cammaarah bin Shihaab, Masarna wuxuu madaxa uga dhigay Qeys bin
Sacad. Shaam oo idilna wuxuu madax uga dhigay saxaabigii Jaliilka ahaa ee Sahal
bin Xaniifah, asagoo kubaddalaya Mucaawiyah oo muddo halkaasi masuul ka ahaa,
reer Shaamna ay aad u barteen.
Sahal
wuxuu aaday dhankii Shaam si uu xilkiisa u guto, markiina uu maraya Tabuuk ayay
ka hor yimideen ciidama dhanka Mucaawiyah kasocda oo dib usoo celiyey. Saa
magaalladii Madiina ayuu dib ugu laabtay.
Qeys
bin Sacad wuxuu asaguna aaday Masar, markiina uu galay, wuxuu kala wareegay
Maxamed bin Abii Xudeyfa, saa intii badneyd dadkii Masar, waa ay la
mubaayacoodeen in yar mooyaane oo diidday in ay lamubaayacoodaan, in marka hore
xadka laga oofiyo raggii Cuthmaan dilay mooyaane. Kuwaasuna cidi waxba uma
aanay dhimeyn. Sidaa buu Qeys ku istiqraariyey dhulkii Masar oo Calina baycadii
uga soo qaaday.
Ammaa
Cammaarah bin Shihaab, wuxuu aaday dhankii Kuufa oo ah halkii loo diray,
markiina uu ku dhawyahay ayaa waxaa ka hor yimid Dhalxa bin Khuweylid oo dib
usoo celiyey. Abuu Muusa Al Ashcari ayaa reer Kuufa inta u khudbeyey ka
dalbaday inay u hoggaansamaan Cali oo ay la mubaayacoodaan, saa way la
mubaayacoodeen oo u hoggaansameen, in yar mooyaane. Markaas buu Abuu Muusa reer
Kuufa ka qaaday baycadii oo warqad u diray dhankii Cali asagoo ogeysiinaya inay
u hoggaansameen daacadda oo ay la mubaayacoodeen.
Amiirkii
Mu'miniinta ee Cali bin Abii Daalib, warqado ayuu si joogta ah isaga daba
dirayay oo uu u dirayay dhanka Mucaawiyah, balse wax kajawaab ah kamuuna helin.
Teer iyo markii la doortay illaa bishii saddexaad ee sanadkan ayuu
warqado u dirayay oo uu wax war ah iyo jawaabna tooni ka la'aa.
Goballadii
oo idil ayaa u hoggaansamay Cali marka laga reebo Shaam oo Mucaawiya uu diiday
inuu masuulkii uu Cali soo magacaabay kuwareejiyo masuuliyadda Shaam, sidoo
kalena diiday inuu la mubaayacooda, intaasina waxaa laga la'aa wax jawaab ah
warqadihii uu qorayay amiirkii Mu'miniinta. Teeda kale waxaynu soo xusnay
murugadii fuushay sanadkii tegay Muslimiinta, kadib markii la dilay Cuthmaan
bin Cafaan, waxaana soo xusnay in reer Shaam ay har iyo habeenba ay ku hoos
barooranayeen mimbarka uu dul surnaa khamiiskii Cuthmaan bin Cafaan.
Cali
markuu wax jawaab ah ka la'yahay buu go'aansaday in Shaamna uu
kusoo dabbakha daacadda iyo midnimada, wuxuu go'aansaday inuu aado dhanka Shaam
isagoo wato ciidama culus. Wuxuu warqad u diray Qeys bin Sacad oo ahaa
masuulkii Masar, asagoo ka dalbanaya inuu ciidama usoo diro. Sidoo kale
Abii Muusa Al Ashcari oo uu Kuufa kaga raalli noqday kadib markii ay reer
Kuufa dalbadeen inaanan laga baddalin ayuu asagana warqad u qortay asagoo ka
dalbanaya inuu ciidamo usoo diro.
Cali
bin Abii Daalib wuxuu sameeyey diyaar garowgii ugu dambeeyey asagoo doonaya inuu
Shaam aado oo la dagaallama ciddii ku caasida, dabeeta wuxuu ka dhaqaaqay
magaalladii Madiina, asagoo magaalladiina ku dhaafay Quthum bin Al Cabbaas
masuul ahaan. Kadib waxaa la kulmay wiilkiisii Xassan oo ka dalbaday aabahiis
inuuna bixin oo uusan aadin dhanka Shaam, balse Cali muuna yeelin taladaasi,
wuxuuna go'aansaday inuu soo edbiyo reer Shaam oo muddo uu ka la'aa wax jawaab
ah, xaalkooduna dhan usoo tuuro. Wuxuu dhisay ciidamadiisii, asagoo
calanka u dhiibay wiilkiisa Maxamed Ibnu Xanafiyah, C/llaahi bin Cabbaasna
wuxuu madax uga dhigay ciidamada midigta, Cumar bin Abii Salamana wuxuu u
dhiibay kuwa bidixda, waxaa kaloo la yiraahdaa:- Ciidamada bidixda wuxuu madax
uga dhigay Camr, bin Sufyaan bin Cabdil-asad, ciidamada hore wuxuu madax
uga dhigay Abii Leylaa bin Camr bin Cabdillaahi bin Jarraax (oo uu dhalay Abuu
Cubeydah Caamir bin C/llaahi bin Jarraax walaalkiis). Dabeetana wuu
dhaqaaqay oo uu ka baxay magaalladii Madiina, asagoo ku jiheysan dhanka Shaam.
C/llaahi bin Salaam ayaa daabbadii uu fuulay Cali hoggaankeeda qabtay oo kula
taliyay inuusan bixin, wuxuuna usheegay haddii uu Madiina ka baxa inay khilaafa
dambe dib ugu soo laabaneyn. Cali wuxuu ku adkeystay ra'yigiisii ahaa inuu baxo
oo aado dhanka Shaam, si uu xaalkooda dhan ugu tuuro, oo ay u hoggaansamaan.
Dabeetana wuu sagootiyey wuuna ka haray C/llaahi bin Salaam Illaahay haka
raalli noqdee. Sidaa ayuu Cali ku abbaaray dhankii Shaam.
Dhacdadii
Jamal
Tani
waxay ahayd xaallad Rabbaani ah oo Ilaahay qaddaray. Sababtuna waxay ahayd,
markii uu dhacay dilkii Cuthmaan baa dad badan oo kamid ah reer Madiina ay u
baxeen Makka. Sanadkaasi asaga ahi hooyooyinkii Mu'miniinta (waa dumarkii
Rasuulkee SCW) waxay u baxeen Xajka ayagoo ka cararaya fitantii ka dhacday
magaallada Madiina. Markii ay howlahoodii Xajka ahaa guteenna waxay ku sii
nagaadeen Makka, ayagoo waaga ka war dhowraya, oo fiirinaya waxa ay dadku
falaan. Markii Cali lala mubaayacooday, baa qaar kamid ah sanaaddiidii
saxaabadu ay ku taliyeen in uu xadkii ka oofiyo raggii ka qeyb qaatay dilkii
Cuthmaan iyo kuwii ka dambeyeyba, Calise wuxuu ku cududaartay in xaaladda lagu
jira darteeda aysan munaasib ahayn in xilligaasi uu xadkii ka oofiyo, wuxuuna
cuskaday in raggaasi ay gurmad iyo ciidama leeyahiin, oo ayba ka feejagan
yahiin in ummadda Muslimiintu dhan isu raacdo. Cali wuxuu doonayay in marka
hore goballadu hoggaansamaan, dowladdiisuna si saani ah uga caga dhigato oo ay
shaqeyso, intaa dabadeedna uu markaa xadka ka oofiyo wixii dilay Cuthmaan iyo
kuwii ka dambeeyayba. Sidaa daraaddeed bay dad badan oo reer Madiinah ah aadeen
dhanka magaallada Makka ayagoo ra'yigaasi Cali kaga soo horjeeda.
Cali
markii uu go'aansaday inuu aado Shaam sidaynu soo xusnay, baa wuxuu la hadlay
reer Madiina, oo uu ka dalbaday inay raacaan, iyana badankoodii ma aanay
yeelin. Dabeeto wuxuu u tegay Cabdillaahi bin Cumar oo uu ka dalbaday inuu
raaco. Cabdullaahise wuxuu ku jawaabay:- Anigu waxaan ahayn nin kamid ah
reer Madiina, haddii ay ku raacaan, aniguna waan ku raaci, anigoo ku maqlaya oo
ku adeecsan. Balse sanadkani ma doonaya inaan dagaal u baxo (waayo waa xilli
fitan).
Dabeeto
Cabdillaahi bin Cumar, wuu diyaar garoobay, wuxuuna aaday magaalladii Makka,
halkaasi sanadkaas waxaa isugu tegay wujuuhdii Muslimiinta iyo sanaaddiidii
saxaabada oo ay kamid ahaayeen, Dhalxa bin Cubeydillaah, Zubayr bin Al Cawaam,
C/llaahi bin Cumar, C/llaahi bin Zubeyr, Caa'isha, iyo hooyooyinkii
Mu'miniinta, iyo qaar kaloo badan. Sidoo kale waxaa Makka markaasi tegay
Yaclaa bin Umayah, oo ahaa masuulkii Cuthmaan u joogay Yeman, wuxuuna watay 600
oo awr iyo 600 000 oo Dirham. Sidoo kale waxaa yimid C/llaahi bin Caamir oo
isaguna ahaa masuulkii Cuthmaan u joogay Basra oo uu Cali ka casilay.
Ayadoy
xaalladu sidaasi tahay bay hooyadii Mu'miniinta ee Caa'isha dadkii ka dhex
istaagay oo ku booriday in la raadiyo dhiiggii Cuthmaan, oo la laayo wixii
dilay iyo kuwii ka dambeeyayba, waayo waxay ku dileen dhulkii xurmeysnaa,
iyagoo dilay bil kamid ah bilahii xurmeysnaa. Bulshadii reer Makka aad bay ugu
riyaaqeen hadalkii Caa'isha, waayo maskaxdoodii ayay waxyeello ku reebtay
dilkii Cuthmaan. Wax kale maanay dooneyn hooyadii Mu'miniinta aanan ka ahayn
wanaag iyo sama katalis Illaahay haka raalli noqdee. Waa afadii Rasuulka Alle
SCW ee if iyo aakhiro. Waxaa laga wada hadlay halkii marka hore laga
billaabi lahaa oo laqaban lahaa. Qaar baa waxay ku taliyeen in la aado Shaam,
haddana waxay yiraahdeen:- Mucaawiyah baa nooga filan. Qaar kale waxay
soo jeediyeen in la aado Madiina oo Cali la weydiisto inuu usoo gacan geliyo
wixii Madiina kusugan ee ka qeyb qaatay dilkii Cuthmaan dabeetana ay laayaan.
Fikraddaasi waxaa qabay Cabdillaahi bin Cumar oo isagu soo jeediyey in xaalladu
aanay noqon fowda iyo dhib, wuxuuna amray in la aado dhanka Cali. Qaar kale
waxay soo jeediyeen in la aado Basra, oo halkaasi lagu laayo wixii laga helo
kuwii ka dambeeyay dilkii Cuthmaan dabeetana Kuufa iyo Shaam looga sii gudbo.
Fikirkaasi dambe ayay qaateen oo la isku raacay. Dabeetana waxaa la diyaariyey
ciidamadii. Waxaa si mug weyn uga qayb qaatay diyaarinta ciidamadaasi Yaclaa
bin Umayah oo isagu ku bixiyey 600 oo awr iyo 600 000 Dirham. Sidoo kale
Cabdullaahi bin Caamir ayaa isaguna ka qeyb qaatay diyaarinta ciidankaasi, oo
bixiyey maal aad u tiro badan. Markii go'aankaasi dambe la isku raacay baa
dhammaan hooyooyinkii Mu'miniinta waxay isku raaceen inay iyagu ka haraan
safarkaasi, Caa'isha mooyaane, waxayna iyagu qabeen fikirkii Ibnu Cumar
mid lamid ah, waxayna yiraahdeen:- Aadi mahayno meelaanan Madiina ahayn.
Xafsa bint Cumar oo kamid ahayd hooyooyinkii Mu'miniinta ayaa damacday inay
baxdo, waxayna ku waafaqday ra'yigii Caa'isha, balse walaalkeed Cabdillaahi bin
Cumar ayaa taa ka reebay, oo ka celiyey.
Caa'isha
waxay saarneed awr la oran jiray Caskar oo huudaj loogu dul sameeyay. Waxaana
awrkaasi soo iibiyey Yaclaa bin Umaya, oo ka soo siiyey nin reer Cureyni ah 200
oo Diinaar, waxaa kaloo la la sheegaa inuu kasoo siistay 800 oo Diinaar.
Ciidamadaasi
waxay noqdeen 1000 fardooley ah ama 900 fardooley ah. Waxay ka baxeen
magaalladii Makka, hooyooyinkii Mu'miniintuna waa ay raaceen si ay u
sagootiyaan Caa'isha. Markii ay gaareen Daatu Cirqin ayay isasagootiyeen, oo
isku ooyeen, saa dadkii oo idil wada ooyeen. Waxaana maalintaasi loo bixiyey-
Yowmu Naxiib. Intaa dabadeed waxay hooyooyinkii Mu'miniinta oo idil
marka laga reebo Caa'isha aadeen dhankii Madiina. Sidoo kale Ibnu Cumarna wuxuu
aaday Madiina.
Ciidamadii
way dhaqaaqeen, waxayna aadeen dhankii Basra. Intii ay dhexda sii socdeen ayay
noqdeen 3000, salaaddana waxaa tujinyay C/llaahi bin Zubayr oo ay dhashay
Caa'isha walaasheed Asmaa bint Abii Bakar, Caa'isha ayaana amartay, aadaanka
waqtiyada salaadduna waxaa addimyay Marwaan bin Xakam. Goor habeen ah oo ay
marayaan meel biyo ah oo la yiraahda Xaw'ab ayay eydii meeshaasi joogtay ku
ciyday. Markaasay Caa'isha weydiisay:- Magaceed meeshani? Waxaa lagu yiri:- Waa
Xaw'ab. Markaasay gacanteeda gacanta kale ku dul dhufatay oo tiri:- Innaa
lillaah wa innaa ileyhi raajicuun. ma u maleynayo waxaanan ahayn inaan laabto.
Waxaa la weydiiyey:- Oo sabab? Waxay ku jawaabtay:- Waxaan maqlay Rasuulka Alle
SCW oo dumarkiisa ku oranaya:- Shallaytadeydee waa tuma middiina ay eyda Xaw'ab
ku ciyi doonto? Kadib awkii bay fadhiisisay, oo ay tiri:- I celiya!!
celiya!! waa aniga wallaahay midda ay ku ciyday eyda Xaw'ab.
Cabdullaahi
bin Zubayr ayaa ku yiri:- Qofkii kugu yiri:- Meeshani waa Xaw'ab been buu kuu
sheegay. Dabeeto waxaa la maqlay dhawaqa dad oranaya:- Bad baado bad
baado!!, waa kuwan Cali iyo ciidamadiisa. Dabeeta ciidamadii Caa'isha ay hor
kacaysay waxay u weecdeen dhankii Basra. Markii ay magaalladii Basra u
dhawaadeen ayay Caa'isha warqad u qortay Axnaf bin Qeys iyo madaxdii
magaalladaasi kusugnayd iyadoo ku war gelineyso inay timid.
Cuthmaan
bin Xaniifah oo markaasi oday saxaabi ahaa oo masuul ka ahaa magaalladaasi,
ayaa wuxuu soo diray Cimraan bin Xuseen iyo Abul Aswad Al Du'ali, si bal ay
usoo ogaadaan waxa ay u yimideen Caa'isha iyo Dhalxa iyo Zubayr. Markaasay u
tegeen hooyadii Mu'miniinta ee Caa'isha oo ay marka hore salaameen,
dabeetana weydiiyeen waxa ay u timid. Saa waxay usheegtay, wixii ay u timid oo
ah raadinta iyo u istaagidda dhiiggii Cuthmaan, oo la dilay asagoo la dulmiyey,
ladilayna bishii xurmeysneed iyadoo lagu dilay baladkii xurmeysnaa. Waxay
akhriday qowlka Alle kor ahaaye
''Kheyr
malahan in badanoo faqooda ah, marka laga reebo qof amraya saddaqo, ama wanaag
ama wanaajin dadka dhexdooda, qofkii sidaa u fala doonid raalli ahaanshaha
Alle, waxaanu siin doonnaa ajar weyn'' (Suuradda Al Nisaa aayadda 114).
Markaasay
ka ag dhaqaaqeen labadii nin oo waxay u tegeen Dhalxa,, oo ay weydiiyeen waxa
uu u yimid? Wuxuuna usheegay, inuu u yimid raadinta dhiigga Cuthmaan. Waxay
weydiiyeen:- Ma waadan la mubaayacoon Cali? Wuxuu ku jawaabay:- Haa oo seef baa
qoorta ii saarneed (macnaha qasab bay igu ahayd). Markaasay ka tegeen oo
u tegeen Zubayr bin Al Cawaam oo ay weydiiyeen wixii ay Dhalxa weydiiyeen oo
kale, asagiina sidii Dhalxa oo kale ayuu ugu jawaabay.
Dabeeta
labadii ergo way laabteen oo u tegeen Cuthmaan bin Xaniifa, oo uga warrameen
wixii ay kala soo kulmeen Caa'isha iyo Dhalxa iyo Zubayr. Markaas buu Cuthmaan
yiri :- Innaa lillaah wa innaa ileyhi raajicuun, way wareegtay rixadii Islamka
Rabbiga Kacabadaan ku dhaartaye.
Wuxuu
dabeeto Cuthmaan la hadlay Cimraan bin Xuseen oo uu ka dalbaday inuu la taliyo.
Wuxuuna Cimraan ku yiri:- Isaga fogoow (fidnadan oo gurigaaga fadhiiso)
aniguna gurigeyga ayaan fadhiisane. Cuthmaan wuxuu yiri:- Mayee
waan ka celin (magaallada) jeer uu yimaada amiirkii Mu'miniinta.
Dabeetana dadkii magaallada ayuu amray inay hubkooda soo xidhaan, oo
masjidka heegan ku noqdaan. Iyagiina sidii bay faleen. Markaas buu Cuthmaan
inta mimbarka fuulay u khudbeeyay. Asagoo khudbeynayo ayuu nin kamid ah reer
Basra istaagay, waxaana ninkaasi la oran jiray Qeys bin Caqadiyah Al Xumeysi,
wuxuuna yiri:- Haddii ay qowmkani u yimideen cabsi darteeda, dhab ahaan waxay
ka yimaadeen dhul ay shimbiruhu ku nabad helaan. Haddiina ay u yimideen inay
doonayaan dhiiggii Cuthmaan haddee annagu maynaan dilin, ee i adeeca oo ku
celiya halkii ay ka yimideen.
Kadib
waxaa istaagay Al Aswad bin Sariic As- Sacdi, oo yiri:- Waxay u yimideen inaanu
ugu gargaarno kuwii dilay Cuthmaan ee inaga midka ahi iyo kuwaan naga mid
ahaynba. Markaa bay koox dhan u jawaabeen oo meeshii buuq iyo sawaxan ka
dhacay. Markaas buu ogaaday Cuthmaan bin Xaniifa in raggii Curhmaan dilay ay
Basra wax ka joogaan kuna leeyahiin gargaar, markaa buu arrintaasi karhay
oo iska aamusay.
Hooyadii
Mu'miniinta iyo ciidamadeedii horey bay u soo dhaqaaqeen oo waxay soo degeen
Marbad. Reer Basra wixii doonayay inay u tagaan oo maceeda noqdaanna way u
tegeen. Cuthmaan bin Xaniifana magaalladii Basra ayuu ka soo baxay asaga
iyo ciidamadiisii, waxayna labada qola ku kulmeen Marbad. Markaas buu Dhalxa oo
hoggaaminayay ciidamada midigta ee Caa'isha hadlay oo dadkiisii ku booriyey in
la raadiyo dhiiggii Cuthmaan. Dabeetana Zubayr baa ka daba istaagay oo sidii oo
kale ku booriyey dadka in loo istaaga raadintii dhiigga Cuthmaan bin Cafaan,
saa waxaa u jawaabay qaar kamid ah ciidamadii Cuthmaan bin Xaniifa, oo
hadallo kulul kula hadlay, dabeetana way is dhagaxyeeyeen labada qolo, oo
markii dambana kala leexdeen. Koox kamid ah ciidamadii Cuthmaan bin Xaniifa
ayaa ku biiray ciidamadii Caa'isha, markaasay iyana bateen. Xaaritha bin
Qudaamah As Sacdi ayaa inta u tegay hooyadii Mu'miniinta ee Caa'isha ku yiri:-
Hooyadii Mu'miniintaay!! Illaahay baan ku dhaartaye dilka Cuthmaan baa ka fudud
inaad gurigaaga kaga soo baxdo awrkan, haddii aad inoo timid adigoo ah mid ina
adeeceyso, ku laabbo halkii aad ka timid iyo gurigaaggii.
Dabeeta
waxaa yimid Xakiim bin Jablah oo hoggaaminayay fardooleyda Cuthmaan bin
Xaniifa, wuxuuna weerarro ku qaaday dhankii ciidamada kale, sidaa oo ay tahayna
ciidamadii Caa'isha ma aanay dooneyn inay la dagaallamaan oo gacmahooda ayay
laabanayeen. Markaas bay Caa'isha amartay inay is difaacaan oo riixaan iskana
caabiyaan weerarrada. Saa way riixeen jeer ay ka dul rideen maqbarada banii
Maazin. Dabeeta waxaa kala dhex galay habeenkii oo qola waliba halkeedii
bay u hoyatay. Subaxii labaad ayay isu soo kallaheen oo dirir darani dhex
martay oo socotay illaa ay maalintii dhammatay. Waxaa in badan laga dilay
ciidamadii Cuthmaan bin Xaniifa, dhaawacuna labada dhinac wuu ku batay. Markaas
bay ku heshiiyeen in dagaalka la joojiyo oo Madiina qof loo diro si uu u soo
weydiiyo dadka reer Madiina in Dhalxa iyo Zubayr ay la mubaayacoodeen Cali
ayagoo raalli ah ama in ay qasab ku ahayd. Waxaa lagu heshiiyey haddii
Dhalxa iyo Zubayr ay qasab ku ahayd baycadii Cali in Cuthman bin Xaniifa uu ka
baxo magaallada Basra oo uu u daayo ayaga. Haddiina aysan qasab ku ahayn markii
ay la mubaayacoonayeenna inay markaasi Dhalxa iyo Zubayr u daayaan magaallada
masuulkeedii Cuthmaan bin Xaniif. Waxaa arrintaasi loo wakiishay
Kacab bin Suur oo loo diray dhanka magaalladii Madiina. Wuxuu magaalladii galay
maalin Jumca ah oo inta mimbarkii ka istaagay dadkii weydiiyey in Dhalxa
iyo Zubayr ay si qasab ah kula mubaayacoodeen Cali iyo in kale. Markaasi bay
dadkii oo idil wada aamuseen, Usaama bin Zayd mooyaane oo isagu yiri:- Waxay ku
ahayd qasab.
Markaas
bay rag badan oo reer Madiina kamid ahi ku canaanteen Usaama sababtii uu
u hadlay oo waxay ku yiraahdeen:- Maxaad u aamusi weyday sidaanu u aamusnay oo
kale. Wuxuuna kujawaabay:- May Illaahay baan ku dhaartaye, waxaan filayay
in arrinku uuna intaa ku dhammaaneyn. Dadkii ku canaantay falkaasi waxaa
kamid ahaa Suhayb bin Sinaan iyo Abuu Ayuub Al Ansaari. Cali warqad ayuu
Cuthmaan horey ugu soo diray asagoo ku ogeysiinaya in Dhalxa iyo Zubayr ay
horey ula mubaayacoodeen. Markii Kacab uu farriintii reer Madiina u geeyey
Cuthmaan, baa haddana waxaa timid warqaddii Cali, markaasuu Cuthmaan yiri:-
Tanina waa arrin kale oo aynaan ku tashaneyn. Dhalxa iyo Zubayr waxay
usoo cid direen Cuthmaan bin Xaniifa ayagoo ka dalbanaya inuu magaallada u
banneeyo, saa asagiina wuu diiday. Dabeeta waxay soo direen rag goor
habeennimo ah, oo galeen masjidkii jaamaca ah, kuna tukadeen salaaddii Cishaha,
Cuthmaanna habeenkaasi ma uuna soo bixin, wuxuuna u wakiishay tujinta salaadda
Cabdiraxmaan bin Cataab bin Usayd. Dabeeto buuq iyo qalalaaso iyo
rabshado ayaa ka dhacday masjidkii, waxaana halkaasi ku geeriyooday kudhawaad
40 qofood. Dabeeto qaar kamid ah wax ma kastii ayaa inta Cuthmaan bin
Xaniifa soo qabteen ayay u geeyeen Dhalxa iyo Zubayr saa iyana waxay u geeyen
Caa'isha, markaasay amartay in lasii daayo.
Ciidamadii
Caa'isha magaalladii Basra ayay soo galeen, waxayna beytul maalka masuul uga
dhigeen C/Raxmaan bin Abii Bakar. Dhalxa iyo Zubayrna dadkii ayay hantidii u
qeybiyeen, waxayna u badiyeen kuwii adeecsanaa ee iyaga la socday. Dhalxa
iyo Zubayr markii ay istaqraariyeen magaalladii Basra, ayaa waxaa yimid Xakiim
bin Jablah oo wata 300 oo fardooley ah, wuxuuna ninkani dagaalladii hore
hoggaaminayay fardooleydii Ibnu Xaniifa sidaynu soo xusnay, sidoo kalena wuxuu
kamid ahaa raggii ku lug lahaa dilkii Cuthmaan bin Cafaan Illaahay haka raalli
noqdee. Wuxuu ninkani weerar ku qaaday ciidamadii Dhalxa iyo Zubayr, dabeetana
way ka adkaadeen oo isagiina waala dilay. Dabeeto waxay laayeen ku dhawaad 70 kamid
ahaa dadkii ka dambeeyey dilka Cali, wixii ay ka heleen magaallada Basra.
Waqtigaasi
wuxuu ahaa ayadoo shan casho ay ka dhimmantahay bishii Rabiicul Aakhir ee
sanadkan. Caa'isha waxay warqad u dirtay Zayd bin Sowxaan oo ay ka
dalbatay inuu la safta ayada. Haddiina uu sidaa yeelin, waxay ka codsatay inuu
gurigiisa iska fadhiista oo uuna la safan Cali. Markaas buu Zayd
yiri:- Illaahay ha u naxariisto hooyadii Mu'miniinta, Illaahay baa wuxuu amray
inay gurigeeda joogta, innaguna wuxuu ina amray inaanu dagaalka aadno,
markaasay kasoo baxday gurigeedii, saa waxay ina amreysaa inaanu guryahayaga
joogno, iyadoo naga mudnayd arrinkaas. Sidoo kale reer Kuufa iyo reer
Yamaamah ayay Caa'isha sidaa oo kale u qortay.
Haddaba
aynu u weecanno dhankii Cali, oo aynu ogeyn inuu ku jiheysnaa dhanka Shaam
asagoo kasoo kicitamay magaalladii Madiina. Waxaase uga soo hor martay inuu
Shaam galo arrintii Dhalxa iyo Zubayr iyo Caa'isha iyo xaalladdii magaallada
Basra. Habkii uu ciidamadiisii horey ugu soo dhisay ayuu kusoo dhaqaaqay Cali,
wuxuuse masuuliyaddii magaallada Madiina ka baddalay Quthum bin Cabbaas oo uu
amray inuu Makka masuul ka noqdo, Madiinana wuxuu masuul uga dhigay Tamaam bin
Al Cabbaas. Ciidamadiisu waxaa ku jiray Cammaar bin Yaasir, Abul Haytham
bin Taymaan, Abu Qataadah Al Ansaari, iyo Ziyaad bin Xandala iyo rag kaloo
saxaaba ah. Ciidamadiisu waxay ahaayeen 900 oo dagaalyahanno ah. Wuu soo
dhaqaaqay, ammintuna waxay ahayd bishii Rabiicul Aakhir dhammaadkeedii. Wuxuu
degay Rabdah, markiina uu soo gaaray wixii Basra ka dhacay buu Madiina u cid
diray si wixii hub ahaa ee u yiillay loogu soo qaado. Dabeetana wuu dhaqaaqay.
Dabeetana wuxuu Kuufa u diray Maxamed bin Abii Bakar iyo Maxamed bin Jacfar (oo
dhanka hooyada walaalo ka ahaa), si ay ciidama gurmad ah uga keenaan
halkaasi.
Markii
uu damcay Cali inuu Rabdah ka dhaqaaqo ayaa waxaa istaagay Ibnu Abii Rafaaca
bin Raafic oo yiri:- Amiirkii Mu'miniintoow! maxaad dooneysaa? iyo
halkee baad inoo waddaa?
Wuxuu
yiri:- Waxa aanu dooneyno ee aanu niyooneyno waa islaax, haddii ay naga
aqbalayaan oo ay naga yeellayaan.
Wuxuu
yiri:- Haddii ayan yeelin islaaxuna?
Wuxuu
yiri:- Waanu ka weecaneynaa inta ay naga tagayaan.
Wuxuu
yiri:- Haddii ay na dayninna?
Wuxuu
yiri: Waanu iska celineynaa.
Wuxuu
markaasi Ibnu Abii Rafaaca yiri:- Haddaba waa sidaas.
Dabeeta
Xajjaaj bin Qassiyah Al Ansaari baa istaagay oo yiri:- Waxaanu kuugu raalli
gelin doonnaa ficil sidaanu hadal kuugu raalli gelinnay, Illaahay baana ku
dhaartaye Illaahay wuu ii gargaari doonaa siduuba noogu magacaabay Ansaar
(gargaarayaal). Dabeeta waxaa u timid koox banii Dhayi ah oo ku biirtay, qaar
kalena hub bay u keeneen, Calina wuu soo dhaweeyay. Markii uu ka dhaqaaqay
Rabdah asagoo fuushan hal casaan ah, baa wuxuu misna mar kale dhexda kula sii
kulmay koox banii Asad ah iyo koox kaloo banii Dhayi ah. Kadib waxaa ka hor
yimid nin reer Kuufa ah oo la oran jiray Caamir bin Madar Al Sheybaani.
Markaasuu Cali weydiiyey xaalladda Kuufa, saa wuu uga warramay, dabeetana wuxuu
wax ka weydiiyey Abii Muusa Al Ashcari, wuxuuna ku jawaabay:- Haddii aad
dooneyso heshiis Abii Muusa ehel ayuu u yahay, haddiina aad dooneyso dagaal
Abii Muusa ehel uma ahan. Markaasuu Cali yiri:- Wallaahi baanan dooneyn
waxaanan heshiis ka ahayn.
Markii
uu u dhawaaday magaalladii Kuufa baa waxaa soo gaaray warkii u dambeeyey ee
Basra oo ah in Cuthmaan bin Xaniifa laga saaray Basra oo ay Dhalxa iyo Zubayr
qabsadeen. Markaas buu Cali arrintaasi aad uga xumaaday.
Markii
Cali uu gaaray Dii Qaar baa waxaa u yimid Cuthmaan bin Xaniifa oo wax tin ah
aanay wejigiisa ku oollin, markaasuu ku yiri:- Amiirkii Mu'miniintoow! waxaad
Basra ii dirtay anigoo gadh leh, imminkana waxaan kuu imid anigoo hoolan.
Taas ka hor makastii markii ay Cuthmaan bin Xaniifa soo qabteen bay
timihii gadhka ka rifeen, oo dabeeta Caa'isha markii loo geeyay ay iska
daysay.
Cali
wuxuu ugu jawaabay:- Waxaad asiibtay ajar iyo kheyr. Cali wuxuu degay
goobta la yiraahda Dii Qaar asagoo jawaab ka sugaya dhanka Abii Muusa Al
Ashcari oo horey uu ugu diray labo Maxammed,
Labo
Maxamed markii ay u tegeen Abii Muusa Al Ashcari oo ay u bandhigeen,
wixii ay ka rabeen ee Cali uu u soo diray oo ahayd inuu ciidamo ku daro, wuxuu
u sheegay inaanay wax dagaal ah ka qeyb qaadaneyn, reer Kuufana wuxuu amray
inaanay ka qayb qaadan arrinkaas, oo uu Abii Muusa ku macneeyey fidno qaraxday,
wuxuuna reer Kuufa ka dalbaday inay noqdaan dadka kuwa ugu kheyr badan oo aanay
waxba ka qayb qaadan fidnadaasi. Labo Maxamed aad bay ugu caroodeen Abii Muusa
dabeetana waa ay baxeen oo Cali ugu tegeen goobtii Dii Qaar oo uga warrameen
wixii ay Abii Muusa Al Ashcari kala soo kulmeen oo diidmo ahaa.
Markaas
buu Cali soo diray Ashtar An Nukhaci oo ay Abii Muusa Al Ashcari si wanaagsan
isu yaqaanneen, iyo Cabdillaahi bin Cabbaas si ay ciidama gurmad ah uga soo
qaadaan. Markii ay Abii Muusa u tegeen, sidiiyoo kale ayay iyana wixii ay
rabeen ka waayeen. Dabeeta waa ay laabteen oo Cali uga warrameen wixii ay
kala soo kulmeen. Markaas buu Calina soo diray mar saddexaad wiilkiisii Xasan
iyo Cammaar bin Yaasir, saa waxay u tegeen Abii Muusa oo dood dheeri dhex
martay. Dabeeto Zayd bin Sowxaan baa istaagay oo dadkii ku booriyey in ay u
gargaaraan Cali bin Abii Daalib, misna waxaa kaloo istaagay Al qacqaac bin Camr
oo sanaaddiidii Kuufa akhyaartii saxaabada kamid ahaa, wuxuuna ku booriyey in
la raaco amiirka Mu'miniinta ee Cali, wuxuuna sidoo kale ka dhawaajiyey in
ummaddu amiir la'aan aanay ahaan karin, iyo in loo baahan yahay marjac howl
waliba loo celin karo inuu jiro. Sidaa darteed buu Al qacqaac ku booriyey
raacidda iyo u gargaaridda amiirka Mu'miinta ee Cali bin Abii Daalib.
Xujr bin Caddiyi oo akhyaartii Kuufa kamid ahaa baa isaguna istaagay oo
dadkii ku booriyey in la aado amiirka Mu'miniinta oo loo gargaaro, wuxuuna
akhriyey aayadda 41aad ee suuradda Towbah. Dood iyo hadallo dheer kadib
baa wuxuu Abii Muusa ku soo daray Xassan iyo Cammaar 9000 oo dagaalyahanno ah.
Waxaa kaloo la sheegaa in Cali uu Abii Muusa casilay oo uu Kuufa masuul uga
dhigay Ashtar oo sidaa kusoo diray ciidamadaasi. Waxaa kaloo la sheegaa
inuu usoo diray 12001 dagaalyahanno ah. Wallaahu aclam.
Waxaa
kamid ahaa raggii mashaahiirta ahaa ee Cali kaga yimid Kuufa Al qacqaac bin
Camr, Sacad bin Maalik, Hindi bin Camr, Al Haytham bin Shihaab, Zayd bin
Sowxaan, Caddiyi bin Xaatim, Musayb bin Najbah, Yaziid bin Qeys iyo Xujr bin
Caddiyi iyo rag kaloo qeyrkooda ah. Dabadeed Cali wuxuu ka dhaqaaqay Dii
Qaar. Reer Cabdi Qeys ayaa iyana ayagoo kumanaan kun ah Basra iyo Dii
Qaar dhexdooda ku sugayay Cali ibnu Abii Daalib, si ay ugu biiraan. Kadib
Cali wuxuu diray Al qacqaac bin Camr oo uu udiray dhanka Dalxa iyo Zubayr iyo
Caa'isha si bal uu ula soo hadla una soo ogaada waxa ay u yimideen. Al qacqaac
wuu dhaqaaqay, wuxuu ka billaabay oo marka hore uu u tegay hooyadii Mu'miniinta
ee Caa'isha, wuxuuna ku yiri:- Hooyooy! maxaa halkaan ku keenay? Waxay ugu
jawaabtay:- Maandhoow! waxaan u imid islaax inaan dhigo dadka dhexdiisa. Wuxuu
ka codsaday inay ugu yeedho Dhalxa iyo Zubayr si ay agteeda u yimaadaan, waa
way u cid dirtay oo iyana yimideen. Markaasuu ku yiri:- Hooyadii
Mu'miniinta ayaan weydiiyey, waxay u timid, saa waxay tiri:- Inaan dadka
dhexdooda islaaxiyo. Markaasay Dhalxa iyo Zubayrna yiraahdeen:- Annaguna sidaa
oo kale baanu u nimid.
Wuxuu
ku yiri:- Waxaad iiga warrantaan islaaxanna, wejiga uu leeyahay, iyo waxa aad
islaaxineysaan?
Waxay
yiraahdeen:- Kuwii dilay Cuthmaan (inaanu dilno) haddaynu ka tegnana, waa ka
tegidda Qur'aanka.
Wuxuu
yiri:- Waxaad disheen wixii ka dambeeyey dilka Cuthmaan, kuwoodii
aad ka hesheen magaallada Basra, maanta ka hor ayaad dadka agtooda soo
dhaweyn iyo maqaamna ku lahaydeen, waxaad disheen 600 oo nin, waxaana u
carooday daraadood 6000, oo idinka fogaaday, kana dhex baxay dhexdiinna. Waxaad
raadiseen Xurquus bin Zuhayr, saa waxaa idinka hor istaagay 6000 oo haddii aad
iska daysaanna, waxaad ku dhacdeen wixii aad lahaydeen. Haddii aad la
dagaallantaanna waxaa idinku dhacaya wixii aad ka digeyseen. Sidee buu idinkaga
fakaday Xurquus bin Zuhayr?
Wuxuu
kaloo Al qacqaac u tibaaxay sida ay Dhalxa iyo Zubayr ugu suuroobi karin inay la
dagaallamaan 6000 kun oo ciidan oo kasoo horjeeda, ay cududdaar ugu haystaan
inuu Calina cududdaar ugu haysto inuu ka tego inuu xadka waqtigaas ka oofiyo.
Wuxuu kaloo usheegay Dhalxa iyo Zubayr iyo Caa'ishaba in khalqi
badan oo reer Rabiica iyo Mudar ah ay isu aruursadeen inay iyagu la
dagaallamaan, iyagoo u careysan dadkii ay Basra ku laayeen.
Marka
bay hooyadii Mu'miniinta ee Caa'isha hadashay oo ku tiri Al qacqaac: Maxaad
adigu ka leedahay? Wuxuuna Al qacqaac u tilmaamay in la doonaya arrinkani in la
dejiyo, oo la midoobo, fidnaduna degto goballaduna hoggaansamaan, dabeeto si
fudud hadhowta looga aargoosta fidnawadayaashii ka dambeeyey dilka Cuthmaan.
Caa'isha fikraddaasi way u riyaaqday, wayna soo dhaweyeen ayada iyo Dhalxa iyo
Zubayrba, waxayna Al qacqaac ka codsatay in Cali uu sidaasi ka dhaadhiciyo.
Dabeeto Al qacqaac wuu baxay oo u tegay Cali oo u sheegay wixii soo
dhexmaray asaga iyo Caa'isha iyo Dhalxa iyo Zubayr. Calina aad buu ugu
farxay falkii uu Alqacqaac sameyey, wuuna u mahad celiyey. Caa'isha farriin bay
usoo fartay ayadoo ogeysiineyso inaanay u iman wax aanan ka ahayn islaax iyo
wanaaag doon.
Dabeetana
Cali ciidamadisii ayuu ka dhex istaagay oo u khudbeeyey, wuxuuna xusay
jaahilliyadii iyo tafaraaruqii jiray iyo shaqaaqadeedii, sidoo kalena wuxuu
xusay Islaamka iyo sacaadadiisa iyo in Alle uu soo diray Nebi Muxammed SCW
oo umaddana ku kulmiyey bacdigiisa khaliifadiisii Abuu Bakar, dabeetana
Cumar, misna ku kulmiyey Cuthmaan, markaasoo ay yimideen dad adduunyo jecel oo
nimcooyinka Alle addoomadiisa u galay xasdaya oo kala geeyey jamaacaddii,
keenayna fidno iyo tafaraaruq iyo kala tegsanaan. Dabeeta wuxuu yiri:- Hoydaay!
anigu beritoole waan raran doonaa ee yuunan i raacin qof wax ka geystay dilkii
Cuthmaan.
Markaas
bay isu tegeen qaar kamid ah madaxdii fidna wadayaashii ka dambeeyey dilkii
Cuthmaan sida Ashtar An Nukhaci, Shureyx bin Owfaa, C/llaahi bin Sabaa (Ibnu
Sowdaa), Saalim bin Thaclabah, Calbaa (ama Qilaab) bin Al Haytham iyo rag kaloo
qeyrkooda ah, waxayna tiradoodu ahayd 2500 ku dhex jirtay ciidamada Cali. Waxay
ka tashanayeen sidii arrini ay yeeli lahaayeen. Waxay isku yiraahdeen:-
War ra'yigani muxuu ahaa? Wallaahay Cali baa uga ogaal badan kitaabka Alle kuwa
dalbaya dhiigga Cuthmaan. Wuxuu yiri wixii aad maqasheen, berri ayayna dadku
idiin kulmi doonaan, cidda ay qowmku oo idil rabaanna waa adinka, ee sidee baad
ku tahiin adinkoo tiro yar, marka loo eego tira badnidooda?
Ashtar
baa hadlay oo yiri: Dhab ahaan, waanu ogaannay ra'yiga Dhalxa iyo Zubayr
sida uu dhexdayada ka yahay. Ra'yiga Cali-se ma aynan ogaan teer iyo maanta.
Haddii ay xaaladdu sidaa noqoto, Cali waxaynu ka daba geyneynaa Cuthmaan,
markaana dadku waa ay inaga aamusayaan, oo iska kaayo dayn doonaan.
Ibnu
Sowdaa ayaa hadlay oo yiri:- Waxaa baas lahaaday waxaad ra'yi moodday, haddii
aynu dilno waa la ina layn, ee annaga kulanka kuwii dilay Cuthmaanoow! waxaynu
nahay 2500, Dhalxa iyo Zubayr ciidamadooduna waa 5000 oo wax awood ahi uma
haysaan, iyana adinka uun bay idin doonayaan.
Qilaab
(ama Culbaa) bin Haytham baa isaguna hadlay oo wuxuu tilmaamay inay goballada
aadaan oo dagaalladan oo idil isaga baxaan, kuna dhuuntaan halkaasi, si ay ku
nabad helaan.
Saa
C/llaahi bin Saba (Ibnu Sowdaa) baa hadlay oo yiri:- Waxaa baas lahaaday waxa
aad tiri, haddayba markaasi dhacaysaa in dadku ina kala dafaan.
Dabeeto
Illaahay ha dulleeyo'e Ibnu Sowdaa wuxuu raggiisii u tilmaamay fikir ay uwada
riyaaqeen, wuxuuna u sheegay inay kala galaan labada ciidan, ciidamada Cali iyo
kuwa Dhalxa iyo Zubayr oo markaasi ay weerar ku kala qaadaan labada dhinac si
ay dagaal u huriyaan oo labada qolo aanay u heshiin, si markaasi ay iyaga u
badbaadaan, iyo si dabeeto loo illaawo falkii ay geysteen ee ahaa dilkii
Cuthmaana, waana ay u hirgashay hadafkii ay wateen fidna wadayaashaasi, markii
ay ra'yigii Ibnu Sowdaa meel mariyeen. Illaahay ha dulleeyo, dhammaan wixii ka
dambeeyey dilkii amiirka Mu'miniinta ee Cuthmaan bin Cafaan iyo wixii ka qeyb
qaatayba.
Cali
waa uu soo dhaqaaqay subaxii markii uu waagu baryay, wuxuunna soo abbaaray
dhankii Kuufa asagoo doonaya inuu la kulmo Dhalxa iyo Zubayr iyo Caa'isha.
Dhexda wuxuu kusoo maray reer Cabdi Qeys oo iyagu sugayay dabeetana ku biiray
ciidamadiisii. Marba marka ka dambeysana way sii kordhayeen ciidamadii amiirka
Mu'miniinta. Cali wuxuu sii degay Zaawiyah, oo misna ka dhaqaaqay oo aaday
dhankii Basra. Saa markii ay labadii qolo kulmeen, wuxuu Cali taa ka hor Dhalxa
iyo Zubayr u diray in la is magan geliyo oo wax weerar iyo dagaal ah la
fulinin, iyana sidoo kale aad bay arrintaasi u soo dhaweyeen. Labadii qolo way
isasoo hor degeen, markaa bayna qaar kamid ah ciidamadii Dhalxa iyo Zubayr kula
taliyeen in ay ka faa'ideystaan fursaddaasi oo ay laayaan raggii fidna
wadayaasha ahaa ee ka dambeeyey dilkii Cuthmaan kuwooda ku jira ciidanka Cali.
Dhalxa iyo Zubayrse waxay tilmaameen in aanay arrintaasi habbooneeyn, maadaama
ay ayaga iyo Cali kuwada heshiiyeen in arrintu nabad iyo heshiis lagu
dhammeeyo.
Ciidamada
Muslimiinta qolaba qolada kale ayay u tagayeen oo ergaduna la is dhaafsanayeen,
waxaana qola kasta ay ku faraxsaneed midnimada iyo walaaltinnimada Islaamka,
iyo in wax waliba si midnimo iyo wada hadal lagu dhammeeyo. Waxay u ahayd arrin
ay dhammaan labada dhinacba ku faraxsanaayeen, marka laga reebo raggii fidnada
waday ee iyagu ka dambeeyey dilka Cuthmaan bin Cafaan Illaahay haka raalli
noqdee. Cali wuxuu dhanka Dhalxa iyo Zubayr u diray C/llaahi bin Cabbaas, iyana
waxay u soo direen Maxamed bin Dhalxa bin Cubeydullaahi oo loo yaqaanay Maxamed
As- Saajid. Ergadu sidaas ayay isu dhaafsaneyeen oo ay isu dhex galayeen.
Habeenkii subaxiisa la doonayay in wada kulmo, Cali iyo asxaabtiisa,
waxay u ahayd habeen farxadeed oo kheyr lagu baryay, dhanka Dhalxa iyo Zubayrna
sidoo kale, habeen ay farxad iyo kheyr ku baryeen ayuu ahaa. Kuwiise fidnada
waday ee dilkii Cuthmaan ka dambeeyey, wuxuu habeenkaasi u ahaa habeen madow
iyo murugo, mana ay seexan ee waxay ka fikirayeen sidii ay wax yeeli lahaayeen,
ayagoo markii horeba qorshe diyaarsaday. Kaasoo ahaa inay ku kala biiraan
labada qolo oo weerar ay isku qaadaan, dabeetana ay sidaasi dagaal ku huriyaan.
Cali ibnu Abii Daalib ciidamadiisii wuu la hadlay asagoo amraya inay af
iyo addinba ka laabtaan walaalahooda reer Basra, iyana way u hoggaansameen
amarradii amiirka Mu'miniinta. Taas ka hor Axnaf bin Qeys baa Cali u
yimid oo u keenay 10 000 oo seefood.
Markii
uu bidhaamay kaahii arooryaad, ayay fidna wadayaashii labadii ciidan ku kala
biireen, oo weerarro qaadeen, ciidamadii reer Basra arrintaasi markay ka war
heleen oo ay weydiiyeen, waxaa loo sheegay in ciidamada Cali ay soo weerareen.
Kuwii Calina markii ay buuqa iyo sawaxanka la yaabeen oo ay weydiiyeen, waxaa
loo sheegay in ciidamadii Basra ay soo weerareen. Markaas baa labada dhinac
hubkii loo kala orday oo seefta laysla dhacay, waramaduna layska dhex dusiyey,
gamuunnaduna laysla helay, dagaalkiina wuu huray oo dirirtiina darnaatay labada
qolo, ayadoo fidna wadayaashuna ay ka soo horjeedeen inuu inyarna istaago
dagaalka, si aanan loo ogaan, iyaga ayaana hurinayay dagaalka labada dhinacba.
Gacmo iyo lugo badan ayaa faniinay, mashaahiirtii geesiyada ahayd ayaa isu ban
baxay oo seefaha is daray, garaangirtii dagaalkuna waa ay wareegatay. Majirin
horeyna looma arag macrikadani macrika kaga gacan iyo lug faniin badan, waayo
gacmo badan iyo lugo badan baa dharaartaasi go'ay. Taasina waxay ahayd arrin uu
Allaha Qaadirka ahi qadaray oo uu horey u xukmiyey. Fa innaa lillaahi, wa innaa
illeyhi raajicuun.
Cali
bin Abii Daalib, wuu dhawaaqayay asagoo lahaa:- War hoydaay! joojiya, war
hoydaay! joojiy. Cidse majirin dheg jalaq u siineysay hadalladiisa. Kacab
bin Suur oo ahaa qaadigii magaallada Basra markii uu masuulka ka ahaa Cuthmaan
bin Xaniifa ayaa u tegay hooyadii Mu'miniinta oo ka dalbaday inay umadda u soo
baxdo, si ay ula hadasho oo Alle dagaalka sabab uga dhigo inuu joogsado.
Markaas bay soo baxday oo howdajkeedii ay dhex gashay, dabeetana awrkeedii loo
dul saaray. Markaas bay saaxadii dagaalka soo gashay, ayadoo marba dhinac
istaageyso, meelahii uu dagaalka kasocday, oo dadka amreyso inay dagaalku
joojiyaan, saa ma jirin cid dheg jalaq usiiso.
Qaar
kamid ah mashaahiirtii caanka iyo geesiyaashii labada dhinac ayaa mubaaraso ku
kulmay, waxaana kamid ahaa dadkii mubaarasada ku kulmay Zubayr oo halyey geesi
ahaa iyo Cammaar bin Yaasir oo waaga 90 jir ahaa. Zubayr ma uuna jecleysan inuu
Cammaar dilo, markaasuu arkay Cammaar oo seeftiisii ka wiligsiinaya una jeeda
dhanka Zubayr. Markaasi buu Zubayr yiri:- Ma waxaad dooneysaa inaad i disho
Abal Yaqdaanoow!? Wuxuu Camaar ku jawaabay:- Maya Abuu Cabdullaahiyoow!.
Zubayr
wuxuu horey u maqlay Rasuulka Alle SCW oo Cammaar ku oranaya:- Waxaa ku dili
doonto koox xad gudubtay. Sidaa daraaddeed buuna Zubayr jecleysan inuu Cammaar
dilo, sidoo kalena asbaabahii dagaalka Zubayr ka saaray ayay arrintaasi xubin
ka ahayd. Waayo Zubayr wuxuu ka cabsi qabay in dagaalkaasi lagu dilo Cammaar oo
oday da' ahaa, oo markaasina ay dhacda in qoladii Zubayr ay noqdaan koox xad
gudubtay siduu Rasuulka SCW horey u sheegay.
Sidoo
kale dagaalkii oo meel aad u kulul maraya, ayuu Cali Zubayr la hadlay oo
weydiiyey:- Zubayroow! ma xasuustaa, maalintii uu Rasuulka SCW kugu lahaa ma
jeceshahay Cali? ee aad tiri:- Maxaan u jeclaan waayay ina abtigeey iyo ina
adeerkeey, oo misna ku sugan diintayda? Oo markaasi uu kugu yiri:- Waad la
dagaallami doontaa adigoo ka gardaran?
Wuxuu
Zubayr ku jawaabay:- Haa! Illaahay baan ku dhaartaye, waan illaaway markii aan
Rasuulka SCW ka maqlayba, haddii aan xasuusan lahaana kulama aan dagaallameen.
Kadib
Zubayr dagaalkii buu ka baxay, wuxuuna xoreeyay wiil adeega u ahaa oo la oran
jiray Makxuush waxaa kaloo la sheegaa inuu xoreeyay adeegahiisii Jarsuus.
Dabeetana wuu ka baxay dagaalka oo aaday waadi la yiraahda Waadi Subaac, oo
halkaasi uu ku dilay asagoo jiifa ama tukanaya mid inkaar qabe ah oo il kheyr
ma saare ah oo fidna wada ah oo la oran jiray Camr bin Jarmuus. Kaasoo Cali
inta u tegay ugu warramay inuu Zubayr soo dilay, asagoo taasi ku filanayay inuu
Cali agtiisa soo dhaweyn kaga heli doono, balse Cali wuu iska eryay wuxuuna ugu
bishaareeyey Naarta, waayo Rasuulka SCW ayaa horey u yiri:- Ugu bishaaree
Naarta ninkii dila ina Safiya (Zubayr). Dhalxana gamuun habow ah baa haleelay
oo dagaalka dhexdiisa ayuu ku shahiiday Illaahay haka raalli noqdee. Waxaana la
sheegaa in gamuunkaasi uu ganay Marwaan bin Xakam. Wallaahu aclam.
Dagaalku
marna wuu qaboobayay, marna wuu kacayay, markaas bay hooyadii Mu'miniinta ee
Caa'isha u dhiibtay Kacab bin Suur, musxafka oo ka codsaday inuu dadka ugu
yeero, si ay dagaalka u joojiyaan. Markaas buu Kacab bin Suur la aaday
musxafkii dhanka ciidamada muqaddamada ee Cali oo uu markaasi ku jiray C/llaahi
bin Saba, saa gamuunna ayay ku hoobiyeen jeer ay ka tallaabsadeen oo ay dileen.
Dagaalkiina sidii buu usii socday, gamuunnaduna way ku dhacayeen
huudajkii hooyadii Mu'miniinta ay ku dhex jirtay. Waxay ku dhawaaqeysay:-
Allaah Allaah! wiilasheydoow! xasuusta maalinta Qayaamaha. Markaas bay
gacmaheedii sare u qaadday oo Alle bariday ayadoo habaareyso kuwii ka dambeeyey
dilka Cuthmaan ee misna fitantani huriyey. Markii uu Cali maqlay inkaarta iyo
habaarka Caa'isha ayaa asaguna wuxuu yiri:- Allahayoow! lacnaddaada dul yeel,
wixii dilay Cuthmaan. Dagaalkii markuu sii huraya, ayuu Cali wiilkiisii Maxamed
bin Xanafiyah amray inuu calanka qaado oo horay ula socda, saa asaguna wuu ku
dhici waayay, kadibna Cali baa ka qaaday calankii ciidamada.
Awrkii
ay fuushaneed hooyadii Mu'miniinta ee Caa'isha Illaahay haka raalli noqdee,
waxaa hoggaankiisii ku naf waayay 70 qofood oo isaga kala dambeysay. Waxaa
kaloo la sheegaa in 70 kalena ay ku gacmo waayeen. Waxaana la sheegaa in
70-ka ku gacma weyday ay ahaayeen banii Dibbah. Sidoo kale waxaa maalintaasi
hoggaanka awrka qabtay banii Naajiyah oo ka ag dagaallamayay hooyada
Mu'miniinta agteeda, iyo banii Caddiyi bin Cabdimanaaf.
Dadkii
hoggaanka awrka qabtay waxaa kamid ahaa Maxamed bin Dhalxa bin Cubaydillaah, oo
ku yiri hooyadii Mu'miniinta:- Hooyooy! i amar wixii aad i amreyso? Waxay ku
tiri:- Wiilkeygoow! noqo sida midkii kheyr badnaa wiilashii Aadam (sidii
Haabil oo kale). Saa asagoo hoggaankii haya ayaa lagu dilay Illaahay ha u
naxariistee.
C/llaahi
bin Zubayrna wuxuu kamid ahaa raggii hoggaanka awrka qabtay, balse kuma uu
dhiman dagaalkan, waxayna mubaaraso isku heleen, Ashtar An Nukhaci oo halyeey
dagaalyahan ahaa, da' ahaanna ka weynaa Ibnu Zubayr. Saa markii ay is heleen,
baa C/llaahi dhaawac culusi madaxa lagu dhuftay, isaguna wuxuu Ashtar ku
dhuftay dhaawac fudud. Dabeetana waa ay kala bad baadeen. C/llaahi bin
Zubayr waxaa maalintaasi soo gaaray 37 dhaawac. Sidoo kale Marwaanna
dhaawacyo badan ayaa asaguna soo gaaray.
Cammaar
oo waaga 90 jir ahaa, wuxuu mubaariso ku dilay nin saddex nin oo ciidamadii
Cali kamid ahaa mubaariso ku dilay, waxaana ninkaasi la oran jiray Camr ama
Cumeer bin Yathribi. Sidoo kale waxaa kamid ahaa raggii hoggaanka awrka qabtay Camr
bin Al Ashraf, saa ciddii kusoo dhawaataba uu seefta ku hoolaa, illaa markii
dambe uu u soo baxay Al Xaarith bin Zuhayr Al Asdi, oo markaasi labaduba
ay labada darba is dhaafsadeen, oo mid walbaba midka kale uu sidaa ku
dilay.
Dabeeto
awrkii ayaa la boqno jaray, waxaana ugu dambeeyey oo markaasi hoggaankiisa
hayay Zifir bin Al Xaarith. Waxaa la sheegaa in asaga iyo Bujayr bin Daljah ay
isku raaceen in awrka la boqno jaro, si dagaalku u qaboobo. Sidoo
kale Al qacqaac bin Camr ayaa la sheegaa inuu arrinkaasi soo jeediyay, si
hooyada Mu'miniinta oo markaasi huudajkeedu gamuunnada kudul dhacayeen aanay
waxba u gaarin oo dagaalka loo joojiyo. Sidoo kale waxaa la sheegaa inuu
Cali amray ama ishaaray arrinkaasi. Illaahana og. Markaasi buu dagaalkii
istaagay, oo huudajkiina awrka laga soo dul dejiyey. Dabeeta Maxamed bin
Abii Bakar ayaa u tegay Caa'isha oo salaamay, dabeetana, weydiiyey inay wax
dhiba ku dhaceen. Iyana waxay usheegtay inaanay waxba dhiba ku dhicin. Cammaar
Ibnu Yaasir iyo rag kale oo badan ayaa iyana u tegey oo soo salaamay,
Sidoo kale Cali ayaa u tegay oo soo salaamay, wuxuuna weydiiyey:- Sidee
baad tahay hooyo!
Waxay
ugu jawaabtay:- Waa kheyr.
Wuxuu
ku yiri:- Ilaahay ha kuu dembi dhaafo.
Habeenkii
markii la gaaray, hooyadii Mu'miniinta waxay gashay magaalladii Basra ayadoo uu
la socda Maxamed bin Abii Bakar. Waxayna ku dul degtay daarta Cabdillaahi bin
Khalaf Al Khuzaaci, waxayna daartaasi ahayd daarta ugu weyn Basra. Waxay ku dul
degtay Safiyah bint Xaarith bin Abii Dhalxa bin Cabdilcuzza bin Cuthmaan bin
Cabdi Daar oo loo yaqaannay Umu Dhalxa.
Dhaawacyadii
dagaalkuna waala qaaday, oo waxaa la geeyay magaalladii Basra, wuxuuna Cali
amray in hantidii dagaalka laga helay oo idil la isu soo aruuriyo dabeetana la
geeyo masjidka, si ciddii garata alaab ay leedahay ama ay ehelladooda leeyahiin
ay hadhowto ugu geeyaan ama u qaataan. Wuxuuna ka reebay oo kaliya hubkii
uu meeshaasi ka helay. Qaar kamid ah ciidamadiisii ayaa Cali ku eedeeyey in
uusan qafaalan wax dumar ah, iyo inuusan qaniima helin. Wuxuuna Cali raggaasi
ku qanciyey su'aal wada aamusiisay oo ku ridday afkii baa juuqda gabay. Wuxuu
ku yiri:- Kiinnee baa raalli ku ah, inuu saami u helo hooyadii Mu'miniinta?
Illaahay baan ku dhaartaye waa afadii Rasuulkiinna SCW ee adduun iyo aakhiraba.
Waxaa
dagaalkani ku geeriyooday 10 000 oo labada dhinac ah, dhanka Cali waxaa laga
dilay 5000, dhanka Caa'ishana 5000 Fa' innaa lillaahi wa innaa ileyhi
Raajicuun.
Cali
wuxuu kusugnaa goobtii dagaalka muddo saddex casho ah, markiina uu dagaalka istaagay
wuxuu dhex qaadayay meydka oo markii uu arko qof uu garta dul istaagayay, oo u
raxmad dalbayay. Dhammaanna wuu u raxmad dalbay oo inta isu soo aruuriyey ku
tukaday salaaddii Janaasada. Asagoo dhex maraya meydka ayuu Cali arkay maydka
Dhalxa bin Cubaydillaah, markaasuu ooyay oo si aad ah u murugooday, wuxuuna ku
cataabay:- Shallaytadeydee Xassanoow! aabaha muxuu u dhimman waayay 20 sano ka
hor maalintan? Sidoo kale Cali markii uu arkay Maxamed As- Saajid bin Dhalxa oo
mayd ahina aad buu u murugooday oo ugu ooyay Illaahay haka raalli noqdo
idilkooduba.
Waqtigaasi
uu dagaalku dhacay wuxuu ahaa bartamihii Jamaadul Aakhir, markaas ayuu Cali
galay magaalladii Basra maalin Isniin ah. oo uu la mubaayacooday dadkii
magaallada. Dabeetana maal badan u qeybiyey asagoo ka nafaqeeyey beytul maalkii
Muslimiinta. Wuxuu la kulmay Cabdiraxmaan bin Abii Bakrah- Nufeec bin Xaarith
Al Thaqafi oo uu la mubaayacooday, dabeetana weydiiyey aabahiis Abii Bakrah?
Saa wuxuu u sheegay inuu xanuunsanyahay. Markaasuu soo hor kacay, oo uu dul
geeyey. Markaasuu Cali salaamay, saa wuu soo dhaweeyey una cududaartay inuu u
iman waayay. Wuxuu Cali u bandhigay inuu udhiibo masuuliyadda magaallada Basra,
balse wuu ka cududaartay arrinkaasi, wuxuuna u soo jeediyey inuu u dhiibo
C/llaahi bin Cabbaas. Markaasuu Cali masuul uga dhigay C/llaahi magaalladii
Basra. Wuxuuna ku dhaafay oo uu u xilsaaray baytul maalkana Ziyaad bin Abiihi
oo aanan ka qayb qaadan dagaalkii dhacay.
Kadib
Cali ayaa waxaa usoo galay nin, wuxuuna usheegay in albaabku ay joogaan laba
nin oo wax ka sheegeysa Caa'isha. Markaas buu Cali soo diray Al qacqaac bin
Camr si uu u edbiyo nimankaasi oo amray inuu jeedaleeyo oo ku dhufto midkiiba
100 jeedal. Sidii buuna Al qacqaac kufalay raggaasi.
Cali
waa uu booqan jiray hooyadii Mu'miniinta ee Caa'isha intii ay joogtay Basra,
asagoo ugu tegi jiray gurigii daarta C/llaahi bin Khalaf. Markii ay
damacday inay baxdo oo ay aaddo Makka, wuxuu Cali u keenay, wax waliba oo ay
safarkeeda ugu baahantahay, sida saad iyo hanti iyo gaadiidba. Wuxuuna ku daray
walaalkeed Maxamed bin Abii Bakar. Asagiina wuu raacay oo dhowr
mayl la sii socday oo sii sagootiyey, dabeetana ka soo laabtay.
Marwaan
bin Xakam asagu waxaa magan geliyey Maalik bin Masmac oo uu daartiisa ku
sugnaa, dabeetana Caa'isha markay Makka aadday, buu asaguna Shaam aaday.
Wilaayadii
Qeys Bin Sacad ee Masar
Sanadkan
36aad buu Cali si dhan u dhiibay masuuliyadda Masar Qeys bin Sacad bin Cubaada
Al Ansaari, halkaasoo waqtigii Cuthmaan uu madax ka ahaa C/llaahi bin Sacad bin
Abii Sarax oo loo dhiibay kadib markii horey looga casilay Camr bin Al
Caas. Markaa waata fidna wadayaasha kasoo baxeen Masar oo ay aadeen
Cuthmaan xaggiisa si ay u dilaan, iyadoo labadii nin ee diyaarisayna ay
ahaayeen C/llaahi ibnu Saba oo Yahuudi Yeman ka yimid ahaa kuna caan ahaa Ibnu
Sowdaa iyo Muxammed bin Abii Xudayfa bin Cutbah. Muxammadkaa isaga ahi
wuxuu aabahiis Abuu Xudayfa bin Cutbah ku shahiiday dagaalkii Yamaama lagu
qaaday sanadkii 12aad ee Hijriga waqtigii Abuu Bakar Sidiiq, markaa iyada ahna
Muxammed wuxuu ahaa kuray yar, Sidaa darteed buu Cuthmaan kafaala qaaday
oo gurigiisa kusoo barbaariyey barbaarin wanaagsan, wuxuuna u ahaa mid u
dhimriyo oo u wanaagsan.
Intaa
dabadeed Muxammed wuxuu u tegay Cuthmaan markii xilka khilaafada uu qabtay oo ka
dalbaday inuu masuuliyad udhiibo, Cuthmaanna kamuu yeelin, markaa buu carooday
Muxammed wuxuuna ka dalbaday inuu u diro furunta jihaadka, markaasuu Cuthmaan u
diray Masar. Duullaankii Daatu Suwaar ee dhacay waqtigii Cuthmaan bin
Cafaan buu Muxammed kala qayb qaatay amiirkii ciidamadaasi hoggaaminayay
oo ahaa C/llaahi bin Sacad bin Abii Sarax, markaa iyada ah markii laga
faaruqay dagaalkaas buuna billaabay Muxammed inuu Cuthmaan eedeymo dusha uga
tuuro, taasoo ay kamid ahayd inuu C/llaahi ibnu Sacad masuul uga dhigay Masar
iyo waqooyiga Afrika, isagoo ninkaas C/llaahi bin Sacadna uu intuu Islaamay
misna riddoobay xayaatadii Rasuulka SCW oo misna Islaamay furashadii Maka. Waa
sidaase waxaa Muxammed bin Abuu Xudeyfa ku garab istaagay arrinkaas rafiiqiisii
Muxammed bin Abii Bakar oo isaguna ciidamadaasi lasocday.
Markii
ay fidna wadayaashii Masar ka baxday aadeen Madiina si ay amiirka Mu'miniinta
ee Cuthmaan bin Cafaan usoo dilaan, Muxammed bin Abuu Xudayfa ma uu raacin ee
Masar buu ku haray, C/llaahi ibnu Sacad bin Abii Saraxna wuxuu ku
mashquulay oo u batay waqooyiga Afrika. Sidaa darteed bay Masar noqotay
masuul la'aan oo Muxammed bin Abuu Xudayfa gacanta ugu dhigay oo awood ku
yeeshay. C/llaahi bin Sacad bin Abii Sarax waxaa gaadhay geeridii amiirkii Mu'miniinta
ee Cuthmaan bin Cafaan iyo in Cali bin Abii Daalib uu Masar usoo dirsaday Qeys
bin Sacad masuul ahaan, markaa buu C/llaahi bin Sacad aaday Shaam oo u tegay
Mucaawiyah bin Abii Sufyaan.
Qeys
bin Sacad wuxuu galay Masar iyadoo Muxammed bin Abii Xudayfa la dilay oo markaa
inta mimbarkii masjidka koray dadkii ku dul akhriyay warqaddii Cali bin Abii
Daalib, baycadiina kaga qaaday oo sidaa kula mubaayacoodeen reer Masar in yar
mooyaane oo aanan la mubaayacoon, kuwaasoo aanan cidi waxba yeeleyn, waxayna ku
andacoonayeen kuwaasi in xadka laga oofiyo raggii dilay Cuthmaan bin
Cafaan.
Guud
ahaan Masar oo idil baa la mubaayacootay Qeys oo uu Cali baycada uga
qaaday, marka laga reebo qaryo la oran jiray Kharbataa oo ay ku sugnaayeen rag
u olalaynayey dhiiggii Cuthmaan bin Cafaan waxayna ahaayeen odayaashii
reer Masar iyo howradeennadii dadkaas. Waxayna wateen ciidan dhan 10 000 oo
Cuthmaaniyiin ah (yacni Cuthmaan bin Cafaan kuwii u olaleynayay inay u
aar gudaan). Waxaana madax u ahaa nin la oran jiray Yaziid bin Al Xaarith
Al Mudlaji.
Qeys
warqad buu u qoray si ay iyana raggaasi ula mubaayacoodaan Cali bin Abii
Daalib, hase ahaatee markuu ku daallay oo jawaab ka la'yahay buu isaga
aamusay. Mucaawiyah bin Abii Sufyaanna markaa iyada ah waxaa xukunkiisa
hoos imanayay Guud ahaan Shaam illaa daanta shisha ee dhulka Ruum, sidoo kale
waxaa hoos imanayay qaar kamid ah Jaziiradda oo ay kamid yahiin Ruhaa,
Qiisaariyah, iyo Xaaraan iyo qeyrkooda.
Ashtar
An Nukhaci oo dhanka Cali kasocday baa damcay inuu dhulalkaa ka qaado gacanta
masuuliyiinta Mucaawiyah bin Abii Sufyaan u joogta halkaas. Markaa buu
Mucaawiya markuu arrintaa ka war helay u diray C/raxmaan bin Khaalid bin
Waliid, markaasuu Ashtarna dib ugu laabtay dhulkiisii. Markii dhulalkaas
oo idil Mucaawiya hoos yimaadeen oo xukunkiisii intaa gaaray buu warqad u diray
Qeys bin Sacad isagoo ka dalbanaya inuu u istaaga raadinta dhiiggii Cuthmaan
bin Cafaan, wuxuu sidoo kale u sheegay haddii uu Qeys arrintaa yeelo inuu u
dhiibi doono masuuliyadda Ciraaq oo idil oo uu masuul uga noqon doono.
Qeys bin Sacad oo runtii ahaa nin ad adag oo misna leh go'aan adag baa markii
warkaa Mucaawiya uu soo gaaray udiray warqad kale oo jawaab ah oo maqashiiyey
wax uu kahdo.
Cali
bin Abii Daalib markuu gaaray warka ah in Qeys iyo Mucaawiyah is dhaafsanayaan
warqado baa wuxuu Qeys u diray warqad uu ku amrayo inuu ku duulo kuwa Masar
kusugan ee diiday baycada, markaasuu Qeys ka cududaartay arrintaa sabab darteed
uuna haysan ciidan culus iyo iyadoo ragga kasoo horjeeda ay ahaayeen
wajuuhdii reer Masar iyo rag karmeedyadii dhulkaas.
Markaa
baala sheegaa inuu Cali ka casilay Masar oo u dhiibay Ashtar An Nukhaci, waxaa
kaloo la sheegaa oo ah sida saxda ah in Cali uu udhiibay masuuliyadda Masar
markii uu Qeys ka casilay Muxamed bin Abii Bakar oo wiil dhalinyaro ahaa,
Qeysna wuxuu aaday markaa Madiina, oo markii uu Madiina tegay baa waxay is
raaceen Sahal bin Xaniif oo ay aadeen dhankii Cali iyo Kuufa. Waxayna
kala qayb qaateen dagaalkii Safiin sida inoo iman doonto oo ay goob joog
ahaayeen isaga iyo Sahalba. Muxammed bin Abii Bakarna Masar buu tegay oo
xukunkii qabtay oo halkaa buu masuul ka ahaa jeer uu dhacay dagaalkii Safiin
Dagaalkii
Safiin
Al
imaam Axmad wuxuu Maxamed bin Siiriin kasoo weriyey inuu yiri:- Fidnadu
waxay dhacday iyadoo saxaabadii Rasuulku SCW ay yahiin 10 000, qayaastii,
mana xaadirin wax dhan boqol bal ee xitaa 30 ma ay xaadirin''. Wallaahu
aclam.
Markii
uu amiirkii Mu'miniinta ee Cali bin Abii Daalib uu ka faaruqay dhacdadii Jamal
oo uu galay magaalladii Basra dabadeedna hooyadii Mu'miniinta ee Caa'isha uu u
diray Makka, baa wuxuu go'aansaday inuu Basra ka dhaqaaqo oo aado magaallada
Kuufa.
C/Raxmaan
bin Cubayd wuxuu yiri:- Wuxuu galay magaallada Kuufa maalin Isniin ah
12-kii bisha Rajab ee sanadkan yacnii sanadkii 36aad ee Hijriga.
Wuxuu galay jaamacii Kuufa oo dadkii ku tujiyey laba rakcadood oo dabeeta u
khudbeeyay kuna booriyey kheyrka iyo sama falka iyo ka fogaanshaha xumaha.
Kadibna wuxuu u cid diray Jariir bin C/llaahi Al Bujali oo masuul ka ahaa
Hamdaan waqtigii Cuthmaan bin Cafaan iyo Ashcath bin Qeys oo isaguna
Cuthmaan masuul uga ahaa Aderbijaan si dadka halkaa kusugan baycada uga soo
qaadaan.
Markaasuu
Cali damcay inuu Mucaawiya cid baycada uga sooqaaddo u diro, saa Jariir bin
C/llaahi Al Bujali baa ku yiri:- Aniga ii dir anigaa aadayo xaggiisa
amiirkii Mu'miniintoow! waayo aniga iyo isaga waxaa ina dhex taal gacaltooyo oo
aniga ayaa kaaga soo qaadayo baycada? Ashtar An Nukhaci baa markaa
yiri:- Ha u dirin amiirkii Mu'miniintoow! waayo aniga waxaan ka cabsi qabaa in
hawadiisu ay raacda isaga (Mucaawiya).
Cali
bin Abii Daalib wuxuu Ashtar ka dalbaday inuu iska daayo, markaasuu u diray
Jariir dhankii Mucaawiyah isagoo horayna ugu sii dhiibay warqad uu ku
ogeysiinayo in Muhaajiriin iyo Ansaarba ay la mubaayacoodeen iyo weliba
uu ku ogeysiinayo wixii dhacay maalintii dhacdada Jamal. Markaasuu Jariir
dhaqaaqay oo u tegay Mucaawiyah oo warqaddii udhiibay. Markiina warqaddii uu
Mucaawiya qaaday buu u yeeray Camr bin Al Caas iyo madaxdii Shaam oo idil si uu
ugala tashado arrinkaas. Markaas baa Camr ibnu Al Caas iyo raggii madaxda
Shaam ahaa ay ku taliyeen in uusan Cali lamubaayacoon jeer uu marka hore laayo
fidna wadayaashii dilay Cuthmaan bin Cafaan, go'aankaas buuna Mucaawiya
qaatay.
Markaa
buu jariirna aaday dhankii Cali oo inta u tegay uga warramay wixii uu
kala soo kulmay. Ashtar An Nukhaci baa markaa yiri:- Amiirkii
Mu'miniintoow! mawaanan kaa reebin inaad Jariir dirta? Haddii aad aniga ii diri
lahayd albaab kastoo uu Mucaawiya furo waan xiri lahaa. Markaas baa hadal
dhex maray Jariir iyo Ashtar dabeetana Jariir wuu isaga tegay oo aaday
Qirqiisiyaa oo degay, kadibna Mucaawiya buu warqad u diray oo wixii dhex maray
isaga iyo Ashtar uga warramay markaasuu Mucaawiyana u diray warqad uu
kaga dalbanayo inuu u tego oo Shaam la dego.
Amiirkii
Mu'miniinta ee Cali bin Abii Daalib markaa buu go'aansaday inuu Shaam aado
oo ka dhaqaaqay Kuufa, wuxuuna ciidamadiisii dejiyey Nukheylah,
magaaladii Kuufana wuxuu ku dhaafay Abuu Mascuud Cuqbah bin Camir Al Badriyu.
Mucaawiyana waxaa gaartay in Cali uu naf ahaantiisa iyo ciidan culus oo
uu hoggaaminaya ay kasoo baxeen Ciraaq, markaa buu raggiisii la tashaday
oo iyana u tilmaameen inuu naf ahaantiisa dhaqaaqo oo ciidan culus kaxaysto.
markaa bayna reer Shaam diyaar garoobeen. Camr bin Al Caas buu ahaa ninkii reer
Shaam ku boorinayay bixidda iyo diyaar garowga. Markaa bay is diyaariyeen
oo soo dhaqaaqeen oo abbaareen halkii ciidamada hore ee Cali oo ah dhanka
webiga Furaat naaxiyada Safiin. Cali iyo ciidamadiisiina Nukheyla bay
kasoo dhaqaaqeen oo soo aadeen dhanka Shaam.
Wuxuu
Cali hortiisa ku diray wardoon uu hoggaaminayo Ziyaad bin Nadar Al
Xaarithi, waxayna ahaayeen wardoonkaasi 8 000, misna wuxuu kaloo kadaba diray
Shureyx bin Hannaayi oo isaguna hoggaaminaya 4 000 . Waxay qaadeen jidka
Cali hortiisa oonan ahayn jidka uu kusocday, markay gaareen Dajlah bay
labo muqaddama noqdeen.
Markaas
baa waxaa soo gaaray in Mucaawiyah uu kusoo baxay xaggooda, say ka cabsadeen
inay is helaan ciidanka Mucaawiya iyagoo tira ahaan aanan u dhigmeyn, markaasay
jidkii badasheen oo ka goosheen Hayt oo Cali oo dhaafay ka daba
tageen. Markuu Cali arrintaa arkay wuxuu yiri:- Ma muqaddamadeydii
(yacnii ciidankeygii hore) miyaa gadaashayda ka yimid? Markaasay u
cududaarteen oo uga sheekeeyeen wixii qabsaday, suu isaguna u cududaaray,
kadibna hor mariyey oo ka dhigtay muqaddamadisiii waana ay socdeen.
Markii ay gooyeen webiga Furaat, baa waxay la kulmeen muqaddamadii Mucaawiyah
bin Abii Sufyaan oo uu hoggaaminayo Abul Acwar Camr bin Sufyaan Al
Sulami. Markaasuu Ziyaad bin Nadar oo hoggaaminayay muqaddamada Cali ugu yeeray
Abul Acwar iyo raggiisa inay la mubaayacoodaan Cali, hase ahaatee way diideen,
markaa buu Ziyaad bin Nadar arrintaa u qoray Cali bin Abii Daalib oo soo daba
socday. Markaasuu Calina soo diray Ashtar An Nukhaci si uu ciidamada Ziyaad
madaxa ugu noqdo, ciidamadaasi kuwooda midigtana, wuxuu soo amray inuu Ziyaad
bin Nadar madax u ahaado, halka kuwa bidixdana uu soo amray in uu madax unoqdo
Shureyx bin Hannaayi. Wuxuu soo amray Cali inaanay ku billaabin
ciidamadiisa wax dagaal ah ciidamada Shaam jeer ay ayaga marka hore ku
billaabaan oo ka dalbaday inay u sabraan inta uu uga imanayo isagoo ku
raadjoogo socodkooda. Muqaddamadii Shaam iyo kuwii Ciraaq markaa iyada
way is hor fariisteen oo cidi cid kale kuma aanay duulin, jeer markii dambe uu
Abul Acwar weerar ku qaaday ciidamadii muqaddamada ee Ashtar uu sitay.
Ashtar-se isagu wuxuu ku amarqaatay amaradii uu amiirka Mu'miniinta soo
siiyey oo kusugnaaday isagoonan wax weerar qaadin. Muddo bay haddana is hor
fadhiyeen, markaa bay reer Shaam dib u gaddoomeen markii gabbalku dhici
rabo.
Markii
uu waagii xigay baryay bay misna mar kale isa soo hor degeen labbadii muqaddama
oo is hor fariisteen, in muddo ah bayna is hor fadhiyeen, markaa buu Ashtar
weerar fudud ku qaaday ciidamadii Abul Acwar oo ka dilay C/llaahi bin Al Mundir
At- Tanuukhi oo kamid ahaa fardooleyda reer Shaam, waxaana dilay nin katirsanaa
ciidamada Ashtar oo la oran jiray Dibyaan bin Cammaarah At- Tamiimi. Markaa
iyada ah bayna Abul Acwar As- Sulami iyo raggiisii weerar culus soo qaadeen,
markaasuu Ashtar ka dalbaday Abul Acwar inuu mubaariso ahaan usoo ban baxo,
hase ahaatee Abul Acwar arrinkaa ma uu yeelin. Waxaa kala dhex galay labada
qolo gudcurkii habeenka oo way kala hoydeen iyadoonay wax buuran oo dagaal ah
dhex marin. Markii la gaaray subaxii saddexaad baa waxaa yimid Cali bin Abii
Daalib iyo ciidamadiisii guud, sidoo kale waxaa yimidi Mucaawiyah iyo
ciidamadiisii guud.
Waxay
labada qolo isku heleen goob la yiraahdo Safiin, ammintuna waxay ahayd
horraantii bishii Dil Xajjah ee sanadkan. Ciidamadii Mucaawiyah ayaa
kusoo hormaray goobta oo ay usuuro gashay inay qabsadaan goobtii biyaha oo meel
istaraatiiji ah ku tiillay. Cali iyo ciidamadiisii markay yimideen waxay
degeen meel ka durugsan biyaha, sidaa darteed baa ciidamadii Cali oon darani
qabtay oo damceen inay kasoo cabbaan goobta biyaha. Mucaawiyana wuxuu
uwakiishay biyaha Abul Acwar As- Sulami, wuxuuna Abul Acwar watay xayn fardooley
ah. Markiina ay damceen Ciraaqiyiintii inay biyaha soo cabbaan baa waxaa
udiiday ciidamadii Shaam, markaasay Cali u tegeen iyagoo oon daran kaga
andacoonaya. Markaa buu Cali dhankii Mucaawiyah u diray Sacsacata bin
Sowxaan si uu Mucaawiya ugu ogallaada ciidamada Cali inay biyaha cabbaan.
Sacsacata bin Sowxaan wuxuu u tegay Mucaawiya oo uu garab fadhiyo Camr
bin Al Caas una sheegay wixii uu Cali usoo faray, markaasuu Mucaawiya u yeeray
raggiisii oo la tashaday. Camr bin Al Caas wuxuu tilmaamay in biyaha lawada
cabbo oo la wadaago. Al Waliid bin Cuqbah bin Abii Mucayd isagu wuxuu
tilmaamay in loo diido biyaha oo aanan la siin, sidii fidnawadayaasha ciidamada
Cali kujiro ay Cuthmaan ugu diideen biyaha, si buu yiri ay u dhandhamiyaan
wixii oon ahaa ee ay Cufhmaan dhandhansiiyeen. C/llaahi ibnu Sacad bin
Abii Sarax wuxuu soo jeediyey in biyaha loo diido ciidamada Cali illaa
maalintaa uu gabbalku ka dhacayo oo habeenka laga gaarayo, sababtuna wuxuu
yiri:- Waxay udhawdahay inay dhulalkoodii ku laabtaan. Markaa buu
Mucaawiyah aamusay isagoonan wax jawaab bixinin go'aanna aanan qaadan. Markaa
buu Sacsacah bin Sowxaan weydiiyey:- Waa maxay jawaabtaada? Wuxuuna yiri:-
Ra'yigeygu wuu idiin iman doonaa arrinkan kadib.
Markaa
buu Sacsacah laabtay oo amiirkii Mu'miniinta ee Cali Ibnu Abii Daalib uga
warramay wixii uu kala soo kulmay Mucaawiya iyo raggiisa. Markaa iyada ahina
Mucaawiya wuxuu meeshii biyaha geeyay ciidama uu hoggaaminaya Abul Acwar As
Sulami. Dabeeto Cali wuxuu biyaha u diray Ashcat bin Qeys Al Kindi iyo
jamaaca uu hoggaaminayo, hase ahaatee waxaa is hor dadbay ciidamadii Abul Acwar
oo u diiday inay biyaha dhaansadaan ama cabbaan. Cali bin Abii Daalib
wuxuu raggiisii amray inay adkeystaan oo ragga biyaha ka durkiyaan. Markaa buu
Ashcat weerar celin sameeyay oo labada qolo is heleen oo gamuunnada la isku
hoobiyey, oo waramada laysku shiishay oo seefaha laysku daqray. Kadibna waxaa
yimid Ashtar An Nukhaci oo gurmad dhanka Cali kasocda ahaa iyo Camr ibnu Al
Caas oo isaguna gurmad dhanka Mucaawiya kayimid ahaa, waxaana dhacay dagaal
socday jeer ciidamadii Mucaawiya laga qaaday gacan ku hayntii goobta biyaha.
Markaa buu Cali raggiisii amray in biyaha aanan cidi loo diidin oo aanan lagu
dhibin, wuxuuna amray in lawada wadaago oo lawada cabbo labada dhinacba.
Intaa kadib Cali laba maalmood buu meeshaa kusugnaa isagoonan wax warqad
ah Mucaawiya u qorin, sidoo kalena Mucaawiya majirin warqad uu Cali muddadaas
usoo qoray mana jirin ergo ay is dhaafsadeen muddadaas labada casho ah, kadib
buu Cali u yeeray Bashiir bin Camr Al Ansaari, Saciid bin Qeys Al
Hamdaani iyo Shabbath bin Ribciyi As Sahmi oo u diray dhankii Mucaawiya si ay
ugu yeeraan daacada iyo midnimadda, wuxuuna ka dalbaday inay usoo dhageystaan
waxa uu oranaya. Markay ergadan u galeen Mucaawiya baa waxaa hadalka
billaabay Bashiir bin Camr oo ku yiri:- Mucaawiyoow! adduunyadu waad ka
tegeysaa, waxaadna u noqoneysaa aakhiro, Illaahayna wuu xisaabin doonaa
camalkaaga, wuuna kaa abaal marin waxa aad hormarsatay. Illaahay baan
kugu dhaarin Mucaawiyoow! inaadan ummadan midnimadooda kala geynin oo aadan
dhiiggoodu daadin dhexdooda.
Markaa
buu Mucaawiya yiri:- Oo maxaad saaxiibkiin sidaa ugu dardaarmi weydeen?
Wuxuu
yiri:- Saaxiibkey (Cali) arrinkan wuu kaa mudanyahay fadligiisa dartii iyo
diintiisa iyo ku horreyntii gelidda diinta iyo qaraabannimadiisa (uu qaraabada
la yahay Rasuulka SCW), wuxuuna kuugu yeeri inaad la mubaayacooto, taas baa
adduunyadaadu kuu wanaagsan oo aakhiradaaduna kuu kheyr badane. Kadib Mucaawiya
wuxuu ku adkeystay raadinta dhiiggii Cuthmaan bin Cafaan, markaasuna waxaa
damcay inuu hadlo Saciid bin Qeys Al Hamdaani, hase ahaatee waxaa uga hor maray
Shabbath bin Ribciyi oo hadallo uu Mucaawiya ka carooday ku hadlay,
markaasay kala tegeen oo raggii ergada ahayd Cali ku laabteen oo uga warrameen
wixii ay Mucaawiya kala kulmeen iyo kudhegnaashahiisii ahaa raadinta dhiiggii
Cuthmaan bin Cafaan Allaha ka raalli noqdee. Markaa iyada ah buu Cali
diyaariyey ciidamadiisii oo dhisay, markaa baa waxaa billawday dagaalkii oo
soconayay bishii Dul Xijjah oo idil, Wuxuu Cali maalin weliba ciidamadiisa u
sameynayay masuul cusub, sidaa oo kale ayuuna Mucaawiya ciidamadiisa u
sameynayay maalin waliba masuul cusub, waxaana kamid ahaa madaxdii Cali
ciidamadiisa Ashtar An Nukhaci oo waaga oday weyn ahaa oo dagaalyahan ah,
Xujri bin Cadiyi Shabbath bin Ribciyi, Khaalid bin Al Muctamar,
Ziyaad bin Nadar, Ziyaad bin Xafasah, Saciid bin Qeys, Macqal bin Qeys iyo Qeys
bin Sacad bin Cubaada.
Madaxdii
ciidamada Mucaawiyana waxaa kamid ahaa C/Raxmaan bin Khaalid bin Al Waliid,
Abul Acwar As Sulami, Xabiib bin Maslama Al Fihri, Dil Kulaac Al Ximyari,
Cubeydullaah bin Cumar bin Khaddaab, Shuraxbiil bin Samadh iyo Xamzah bin
Maalik Al Hamdaani. Waxaa dhici jirtay in labada qolo maalmahaasi dagaalka
ay kulmaan maalintii labo goor.
Sanadkan
isaga ahi waxaa dadka xajiyey C/llaahi ibnu Cabbaas bin C/Mudalleb oo amarkii
amiirka Mu'miniinta ku xajisiiyey.
SANADKII
37AAD
Bilawgii
sanadkan amiirkii Mu'miniinta Cali bin Abii Daalib iyo Mucaawiya waxay isla
deganaayeen goobta Safiin oo dhacda daanta galbeed ee webiga Furaat iyo bariga
Shaam, iyadoo mid waliba uu wato ciidamo culus, waxay diriri dhex mareysay
bishii Dul Xaj oo idil, waxaana dheceysay in maalmaha qaarkood ay labo mar
dagaallamaan sidaynuba soo xusnay.
Kadib
Cali wuxuu diray qaar kamid ah raggiisii, kuwaasoo kala ah Cadiyi bin Xaatim,
Yaziid bin Qeys Al Arxabi, Shabbath bin Ribciyi iyo Ziyaad bin Xafasah oo uu u
diray dhanka Mucaawiyah erga ahaan. Waxay u tageen Mucaawiya oo uu garab
fadhiyo Camr bin Al Caas, saa waxaa hadalkii billaabay Cadiyi bin Xaatim oo
inta Alle mahadiyey kuna amaanay waxa uu u ehel yahay yiri:- Intaa dabadeed,
Mucaawiyoow! Annagu waxaanu kuugu nimid inaan kuugu yeerno arrin uu Alle
ku kulminayo kalmadeenna, oo dhiigguna ku badbaado, dadka dhexdooduna
haggaajisa. Ina adeerkaa (Cali) waa seydkii Muslimiinta oo ah koodii ugu
fadli badnaa uguna horreeyay Islaamka, waana ninka ugu raad wanaagsan Islaamka
dhexdiisa. Dadkii oo idil isaga ayay raaceen oo Alle ku hanuuniyay
wixii ay arkeen, mana harin cid aanan adiga iyo kuwa kula socdo ka ahayn.
Mucaawiyoow! yaanay idin ku dhicin adiga iyo asxaabtaada wixii dhacay
maalintii Jamal.
Mucaawiya
baa markaa hadlay oo yiri:- Waxaad mooddaa inaad u timid handadaad oo
aadan u iman maslaxa. Mucaawiya wuxuu ku dhagay mowqifkiisii ahaa
raadinta dhiiggii Cuthmaan bin Cafaan, waxaanan taas ahaynna wuu diiday.
Kadib
waxaa hadlay Shabbath bin Ribciyi iyo Ziyaad bin Xafasah oo xusay fadliga Cali
iyo wanaaggiisa waxaana hadalladoodii kamid ahaa sidan:- Alle ka cabso
Mucaawiyoow! oo ha khilaafin, Innagu Illaah baan ku dhaarannaye inaynaan arag
horey qof kaga camal badan taqwadda Alle oo kaga zaahidnimo og adduunyada
oo kaga kulansasho badan khasladaha kheyrka oo idil (isaga Cali). Kadib
Mucaawiya baa hadlay oo inta Alle mahadiyey ku amaanay waxa uu ehel uyahay
kadibna yiri:- Intaa dabadeed, idinku waxaad iigu yeereysaan midnimada iyo
adeecid, ammaa jamaacadu waa macna gaar ah, ammaa adeecidduna oo sidee
baan ku adeecaa nin ku gargaaray dilkii Cuthmaan iyadoo uu weliba
sheeganayo inuusan isagu dilin? Innaguna u celin meyno arrinkaa isaga oo ku
tuhmi meyno, hase yeeshee wuxuu soo dhaweyey raggii dilay. Marka ha inoosoo
dhiibo aanu dilno (raggii dilay Cuthmaan) kadibna waan idinka ajiibeynaa daacadda
iyo jamaacaduba.
Markaa
bay ergadii laabteen oo u tegeen Cali oo uga warrameen wixii dhex maray
Mucaawiya iyo iyaga. Mucaawiyana wuxuu soo diray Xabiib bin Maslama,
Shuraaxbiil bin Samadh iyo Macni bin Yaziid bin Al Akhnas, wuxuuna u diray
dhankii Cali ergo ahaan. Markay u tegeen Cali baa waxaa dhex maray doodo
aad u dhaadheer oo xusiddeedu ay nagu dheeraaneyso, waxaana ergada Mucaawiya ay
Cali ku eedeynayeen inuu soo dhaweeyay raggii dilay Cuthmaan, mararka qaar
isaga qudhiisa bay ku eedeynayeen inuu ka dambeeyay iyadoo uu beri ka ahaa
Allaaha ka raalli noqdee.
Abuu
Dardaa Al Ansaari iyo Abuu Umaamah oo ciidamadii Shaam ka tirsanaa baa
waxay u tegeen Mucaawiya oo ay ku yiraahdeen:- Mucaawiyoow! maxaad kula
dagaalleysaa ninkan? Illaah baan ku dhaarannaye isaga baa idinkaga horreeyay
adiga iyo aabahaaba Islaamka oo kaaga dhawaan og Rasuulka Alle SCW oo kaana
mudan arrinkan.
Markaasuu
Mucaawiya yiri:- Waxaan kula dagaallamayaa dhiiggii Cuthmaan, waayo wuxuu
soo dhaweeyay raggii dilay (Cuthmaan) marka u tag oo ku
dhaha:- Inoosoo gacan geli raggii dilay Cuthmaan, dabeetana aniga ayaa noqon
doono qofkii ugu horreeyo reer Shaam ee lamubaayacooda.
Markaasay
is raaceen oo u tegeen Cali oo ku yiraahdeen sidii uu Mucaawiya soo amray, saa
waxaa kusoo baxay khalqi tiro badan oo ku yiraahdeen:- Innagoo dhan baa dilnay
Cuthmaan ee ciddii doonto haynoo soo baxdo. Kadib Abuu Dardaa iyo Abuu
Umaamah way laabteen oo dagaalka isaga baxeen, mana ay xaadirin dib
dambe.
Bishaa
Muxarram oo idil wax dagaal majirin oo ergada iyo warqadaha ayay is
dhaafsanayeen labada dhinac, markiina laga baxay bishii Muxarram buu Cali diray
goor gabbal dhac ah Yaziid bin Al Xaarith Al Jushmi si uu reer Shaam uga dhex
yeero oo ogeysiiyo in Cali uu weerarayo bacdamaa uu ku hungoobay ergadii iyo
warqadahii badnaa ee ay isdhaafsanayeen muddadii bisha ahayd..
Shaamiyiinta aad bay dhawaqaas ula yaabeen, oo uga naxeen, markaa bayna
Mucaawiya iyo Camr bin Al Caas ciidamadoodii si huleel ah udhiseen oo
meymanadii iyo meysaradii diyaariyeen. Calina isla habeenkaas buu ciidamadiisii
dhisay oo fardooleyda reer Kuufa wuxuu u dhiibay Ashtar An Nukhaci, ciidamada
lugta ee Kuufiyiintuna wuxuu madaxa uga dhigay Cammaar bin Yaasir. Ciidamada
fardooleyda ee reer Basra wuxuu u dhiibay Sahal bin Xaniif Al Ansaari, kuwooda
lugtana wuxuu madax uga kala dhigay Qeys bin Sacad Al Ansaari iyo Haashim bin
Cutbah bin Abii Waqaas. Guud ahaan ciidamadiisa qaarigooda wuxuu u
doortay Sacad bin Fadaki At Tamiimi.
Markaa
buu Cali ciidamadiisii kusoo baxay oo dardaaranno fiican siiyey oo amray
inaanay ciidamadiisi weerarka billaabin iyo in aanan dhaawac la isa sii raacin
iyo in aanan la eryan mid cararay sidoo kale wuxuu amray inaanan la caayin
madaxda Shaamiyiinta.
Habeenkaa
isaga ah subaxiisii buu Mucaawiya soo dhaqaaqay isagoo ciidamadiisa midigta
udhiibay Dil Kulaac Al Ximyari, ciidamada bidaxdana wuxuu u dhiibay Xabiib bin
Maslama Al Fihri, ciidamadiisa horena wuxuu madax uga dhigay Abul Acwar
As- Sulami, ciidamada fardooleyda reer Dimishiqna wuxuu u dhiibay Camr bin Al
Caas halka ciidamada lugta ee reer Dimishiqna uu madax uga dhigay Daxaak bin
Qeys Al Fihri, ciidamada reer Falastiin wuxuu u dhiibay Maslama bin Mukhlid,
calanka guud ee ciidanka wuxuu u dhiibay C/Raxmaan bin Khaalid bin Al Waliid,
ciidamada dambana wuxuu madax uga dhigay Busur bin Abii Ardhaah Al Caamiri.
150
000 ayaa lagu sheegaa ciidamadii Cali inay maalintaa ahaayeen, halka lagu
sheega ciidamada Mucaawiya inay ahaayeen 130 000. Koox reer Shaam baa
markaa waxay isku dhaarsadeen inaanay cararin oo kuballameen sugnaan iyo sabar.
Waxay ahaayeen Shan safood kuwaa iyaga ahi ee ku ballamay sugnaanta iyo
adkeysiga, waxaa kaloo daba tiillay 6 safood oo kale. Ciidamada reer
Ciraaqna sidaa oo kale waxay sameysteen 11 saf oo hore. Markaa bay labada qole
kulmeen maalintii kowaad ee bisha Safar oo ahayd maalin Arbaca ah ee sanadkan,
amiirka dagaal gelinta ciidamada Ciraaqiyiintuna wuxuu maalintaasi ahaa Al
Ashtar An-Nukhaci, halka ciidamada Shaamna uu dagaal gelinayay dhiggiisa Xabiib
bin Maslama Al Fihri, saa waxaa dhex maray dagaal daran oo kulul oo socday
illaa galabkii. Gelinkii dambe ee maalintaa bay kala hoydeen oo dagaalkii
qaboobay iyadoo qolaba qolada kale ay u adkeysanayso. Dabadeed subaxii labaad
oo ahaa subax Khamiis ah bay isu soo jarmaadeen oo sidii oo kale dirir daran
dhex martay, iyadoo ciidamada Ciraaqiyiinta uu maalintaa dagaal gelinayay
Haashim bin Cutbah bin Abii Waqaas, halka ciidamada Shaamna uu dagaal
gelinayay Abul Acwar As- Sulami. Way dirirayeen labada qolo jeer la gaaray
gelinkii dambe ee maalintaas oo ay markaa kala hoydeen iyadoo qola waliba ay
kooxda kale u adkeysanayso. Subaxii saddexaad oo ahaa aroor Jumcaad bay
isku soo kallaheen iyadoo dhanka Ciraaqiyiintu uu dagaal gelinayay Cammaar bin
Yaasir halka Shaamiyiintu uu maalinkaa dagaal gelinayay Camr bin Al Caas. Waxaa
maalintaan labada dhinac dhex maray dagaal daran. Cammaar bin Yaasir baa weerar
culus ku qaaday ciidamadii Camr bin Al Caas oo meeshoodii ka durkiyey. Saa
waxaa mubaaraso soo baxay Ziyaad bin Al Nadar oo kamid ahaa hoggaamiyaashii
fardooleyda Cali, waxaana usoo baxay nin dhanka Shaamiyiinta ah. Markii labada
nin kulmeen bay is garteen, oo waaba labo ka wada dhalatay xagga hooyada,
markaasuu midba midka kale ka leexday oo kooxdiisii u laabtay. Fiidkii markii
la gaaray buu dagaalkii istaagay oo ay labadii qolo kala hoydeen. Subaxii
afraad oo ahaa subax Sabti ah bay isu soo kallaheen. Waxaa subaxaas soo baxay
Muxammed bin Cali bin Abii Daalib (oo loo yaqaannay Muxammed bin Xanafiyah) oo
hoggaaminayay ciidamada Ciraaqiyiinta, wuxuuna dagaal gelinayay ciidamo aad u
culus. Ciidamada dhiggiisa ah ee Shaamiyiintuna waxaa maalintaa dagaal
gelinayay Cubeydullaah bin Cumar bin Khaddaab, saa waxaa labada dhinac dhex
maray dagaal daran. Cubeydullaah bin Cumar baa mubaariso soo baxay isagoo
ka dalbanaya Muxammed bin Cali inuu usoo baxo mubaariso. Muxammedna wuu yeelay
oo u soo baxay, markii ay inyar isu jiraan oo isu dhawaadeen, buu Cali yiri:-
Waayo labada qof ee mubaarisada isu baxaysa? Waxaa lagu yiri:- Waa wiilkaagii
Muxammed iyo Cubeydullaah. Waxaa la yiraahdaa markaa buu Cali dhaqaajiyey
daabaddiisii oo amray wiilkiisii inuu istaago. Markii uu Cali yimid, buu ka
dalbaday Cubeydullaahi inuu isaga usoo baxa Mubaariso ahaan, hase ahaatee
Cubeydullaah wuu diiday. Mar kale ayuu Cali ka dalbaday hase ahaatee
sidii oo kale ayuu u diiday, dabeetana Cali dib buu isaga laabtay. Labadii
qolana way kala hoydeen. Maalintii shanaad bay isu soo baxeen oo
ahayd maalin Axad ah iyadoo ciidamada Ciraaqiyiinta uu hoggaaminayay
Cabdullaahi bin Cabbaas halka ciidamada Shaamiyiintuna uu hoggaaminayay ama
dagaal gelinayay Al Waliid bin Cuqbah bin Abii Mucayd. Waxaa la sheegaa in
Cabdullaahi bin Cabbaas uu maalintan si daran u dagaallamay. Kadib way kala
hoydeen oo waxay isu soo jarmaadeen subaxii lixaad oo ahaa subax Isniin ah,
iyadoo ciidamada Ciraaqiyiinta uu dagaal gelinayo Qeys bin Sacad bin Cubaada,
halka ciidamada reer Shaamna uu dagaal gelinayay Dil kulaac Al Ximyari.
Waxaa dhexmaray labada dhinac dagaal kulul sidii hore oo kale iyadoo labada
qolaba ay isu sabrayaan oo sugnaan iyo adkeysi ay mid waliba latimid goobta,
kadibna way kala hoydeen.
Ashtar
An- Nukhaci baa maalintii toddobaad oo ahayd maalin Talaado ah soo baxay
isagoo dagaal gelinaya ciidamada Ciraaqiyiinta, saa waxaa kusoo baxay
dhiggiisii Xabiib bin Maslamah Al Fihri oo isaguna maalintaa dagaal gelinayay
ciidamadii Shaamiyiinta. Waxaana dhex maray labada dhinac dagaal kulul oo
aad u daran oo socday illaa galabkii, iyadoo maalmahaasi oo idil dagaallada
dhacayay aanay jirin cid ka adkaaneyso cid kale.
Maalintii
xigtay oo ahayd Arbaco ayuu Cali ciidankiisii ka dhex istaagay salaaddii Casir
kadib oo amray inay dagaal culus isu diyaariyaan oo ka dalbaday sabir iyo
sugnaan iyo ka run sheegid goobta dagaalka, Wuxuu Cali ciidamadiisa
xasuusiyey in berritoole ay la kulmi doonaan reer Shaam, wuxuuna ka codsaday
inay habeenkaa isaga ahi ay salaadda dheereeyaan oo akhrinta Quraankuna ay
badiyaan, iyo weliba ka run sheegid goobta macrikada. Markaa bay
ciidankii billaabeen inay seefihii afeystaan oo waramadu haggaajistaan oo howl
culus ay galeen. Markii ooggu baryay, Cali wuxuu la waa' bariistay
ciidamadiisii oo sidii uu doonay u diyaariyey, sidoo kale Mucaawiyana wuxuu la
waa' bariistay ciidamadiisii oo isaguna uu habbeenkaasi siduu doono usoo
dhisay. Waxaa lala yimid labada dhinacba cudud iyo cadad iyo hub aad u
culus. Wa billaahil Mustacaan.
Cali
bin Abii Daalib wuxuu amray ciidamadiisii in qola waliba oo kamid ah qabaa'ilka
ciidankiisa ay ku hagaagto qoladeeda kale ee ku jirta ciidamada Shaam.
Cali bin Abii Daalib horey ayuu usoo dhaqaaqay isagoo hoggaaminaya
ciidamada dhexda ah oo ahaa reer Madiina, ciidamadiisa midigtana waxaa
hoggaaminayay Cabdullaahi bin Budeyl bin Warqaa Al Khuzaaci, kuwa bidixduna
waxaa hoggaaminayay Cabdullaahi bin Cabbaas, qurraa'duna waxaa hoggaaminayay
Cammaar bin Yaasir iyo Qeys bin Sacad bin Cubaadah, halka qabiilooyinkuna ay
calama qaas ah wateen.
Mucaawiyana
wuu soo dhaqaaqay subaxaas isagoo reer Shaam geeri kula mubaayacooday,
markaasay labadii qolo isasoo hordageen. Cabdullaahi bin Budayl oo
ciidamada midigta ee Cali hoggaaminayay baa weerar ku qaaday ciidamadii
hortiisa ahaa ee Shaamiyiinta (kuwii bidixda ee ciidamada reer Shaam) kuwaasoo
uu hoggaaminayay Xabiib bin Maslama Al Fihri, saa wuu durkiyey oo u geeyay
kuwii dhexda oo uu markaa Mucaawiya naf ahaantiisa hoggaaminayay.
Cabdullaahi bin Budayl-na ciidamadiisii buu inta dhex istaagay ku
boorinayay dagaalka iyo inay horey ugu sii socdaan. Sidoo kale amiirkii
Mu'miniinta ee Cali bin Abii Daalib isaguna markaa dagaalka buu raggiisa ku
boorinayay oo ku dhiiragelinayay. Mucaawiyana dhankiisa sidaa oo kale buu u
geesinnimo gelinayay raggiisa oo ugu boorinayay dagaalka. Markiina uu Mucaawiya
arkay jabka soo gaaray ciidamadiisa bidixda iyo in Xabiib lasoo durkiyey buu
raggiisii ku booriyey oo amray in weerar culus ay qaadaan oo u gargaaraan
Xabiib. Raggii halyeeyada Shaam baa markaa si huleel ah ugu gurmadey
dhankii bidixda ee Xabiib bin Maslama uu ka dagaallamayay, saa waxay soo
qaadeen weerar culus oo ka run sheegid ah. Goobaha kale dagaalku si daran
ayuu uga soconayay oo waramadu la isla helayay, seefuha la isku waray oo
gamuunnaduna la isku shabiyey. Heer waxay gaareen markii seefaha, waramada iyo
gamuunnada layskala daalay la lagdamay oo lays qaniinay oo lays feeray oo dulka
la isla galay, oo lays shiiday (yacni la is dhagaxyeeyay), waxaa dhacaysay in
laba nin inta is qabsato isqaniiinaan misna legdamaan oo dhulka muddo ku
raftaan haddana ay kala kacayeen oo haddana isku noqonayeen.
Culamaayi
taariikh waxay xusaan in Cali maalmahii Safiin uu mubaaraso ku laayay dad dhan
500 . Qaabkii uu mubaarisadu dadka ugu laynayay waxaa kamid ahayd in
Kureyb bin Sibaax oo kamid ahaa halyeeyadii ciidamada Shaam uu mubaariso ku
dilay afar nin oo reer Ciraaq ah. Markaa buu Kurayb inta dhammaan meydkoodii
lugtiisa hoosteeda dhigay buu yiri:- Yaa ii soo baxaya? Saa waxaa ubaxay Cali
oo qudha ka saray oo meydkiisii inta ka tallaabsaday yiri:- Yaa iisoo baxaya?
Saa waxaa u baxay Al Xaarith bin Waadicah Al Ximyari, saa isagiina wuu dilay.
Mar kale ayuu Cali dalbaday in cidi usoo baxdo, markaa waxaa usoo baxay
Rawaad bin Al Xaarith Al Kulaaci oo kamid ahaa halyeeyadii reer Shaam,
saa isagiina waa uu dilay. Misna mar kale ayuu Cali dalbaday mubaariso, saa
waxaa usoo baxay Al Mudaac bin Muddalib Al Qeysi, saa isagiina raggiisii buu ka
daba geeyay oo qudha ka jaray. Markaa buu Cali Allaha ka raalli noqdee
akhriyey qowlka Alle sarreeye
''Xurmooyinkuna
waa qisaas''. Suuradda
Al Baqrah aayadda 194d.
Intaa
dabadeed Cali wuxuu u jeestay dhankii Mucaawiya oo ka dalbaday Mubaariso.
Camr bin Al Caas oo markaa Mucaawiya ka ag dhawaa ayaa kula taliyey in
Mucaawiya uu Cali u baxo mubaarizo ahaan, hase ahaatee Mucaawiya wuu diiday
inuu Cali isku toosiyo mubaarizo ahaan, waayo wuxuu ogaa in aanan Cali weligii
horey looga adkaan. Sidoo kale wuxuu xasuusnaa in Rasuulka Alle SCW uu
maalintii Bader yiri:- Ma jirto seyf aanan ahayn Dilfaqaar, mana jira kuray
aanan ahayn Cali.
Sidaa
darteed Cali dib ayuu isaga laabtay. Waxaa la sheegaa in Camr bin Al Caas iyo
Cali ay saaxada dagaalka ku kulmeen mar oo inta Cali gaashaankii ka
tuuray Camr buu dhulka ku riday, saa waxaa faydmatay cawradii Camr,
markaasuu xasuusiyey riximnimada oo ku cataabay wada dhalashada. Markaa
buu Cali dib u laabtay. Raggiisii baa weydiiyey sababta uu uga soolaabtay
ninka oo uu u dili waayay? Cali wuxuu ku yiri:- Ma garanaysan ninka? Waxay
yiraahdeen:- May. Wuxuu yiri:- Waa Camr bin Al Caas oo iga horkeenay
cawradiisii oo i xasuusiyey riximka, markaasaan kasoo laabtay.
Xabiib
bin Maslama iyo halyeeyadii geesiyaasha ee reer Shaam, waxay soo qaadeen weerar
culus oo ay ku wiiqeen awooddii ciidamadii midigta ee Cabdullaahi bin Budayl,
markaasay kashifmeen raggii Cabdullaahi bin Budayl oo carareen, waxaana kusoo
haray 300 oo qura. Ciidamadii reer Ciraaq way jabeen oo xitaa Cali
agtiisa waxaa kusoo hartay in yar oo ah reer Madiina oo kaliya, kuwaasoo uu
hoggaanka markaa u hayay Sahal bin Xaniif Al Ansaari. Rabiica iyagun way
sugnaadeen oo maanay cararin, agta Cali bayna ka dagaallamayeen oo difaac culus
ku jireen. Ciidamadii Shaamiyiintuna waa ay soo dhawaadeen jeer
gamuunnadoodii ay soo gaareen Cali agtiisa. Adeega u joogay reer banii
Umaya baa markaa raggiisii kasoo dhex baxay, saa waxaa u baxay adeega uu lahaa
Cali. Markay is heleen waxaa la dilay adeegahii Cali, saa adeegihii reer banii
Umayah horey buu usii socday jeer uu kudhawaaday Cali agtiisa isagoo doonaya
inuu dila. Waxaa markaa iyada ahi Cali la joogay wiilashiisa, Xasan
iyo Xuseen iyo Muxammed. Markii uu adeegahii ku dhawaaday Cali baa inta
uu qabtay gacanta ayuu maroojiyey deedna dhulka ku ganay oo garabka ka jabay.
Xuseen iyo Muxammed baa inta kusoo baxay seefahoodii qudha uga jaray oo
dilay. Cali intuu wiilkiisii Xasan ku jeestay buu weydiiyey:- Maxaa kuu
diiday inaad fasho siday (walaaladaa) faleen? Wuxuu Xasan ku jawaabay:-
Way iiga fillaadeen amiirkii Mu'miniintoow!!.
Wuxuu
Cali markaa amray Ashtar An- Nukhaci inuu ka daba tego dadkii jabay oo uu
soo celiyo, saa Ashtar wuu dhaqaaqay oo inta kadaba tegay soo celiyey oo
ku booriyey dagaalka amrayna inay sugnaadaan oo weerar culus ay ku qaadaan
Shaamiyiinta. Markii uu Ashtar soo celiyey raggii jabay, waxay ciidamadii
Cali noqdeen kuwa culus oo awooddii ka hor timaaddaba wiiqa oo kafisho weerarada
reer Shaam oo idil, sidaa buu Ashtar usoo socday jeer uu soo gaaray
ciidamadii midigta ee Cabdullaahi bin Budayl oo markii hore ay agtiisa ku
hareen 300, kuwaasoo goobtoodii ku sugnaaday oo diriray dirir daran. Markii
gurmadkan uu soo gaaray bay weydiiyeen amiirkii Mu'miniinta xaalkiisa?
Iyana waxay usheegeen inuu bed qabo oo aanay balo helin. Goortu
waxay ahayd salaaddii Casir kadib, Cabdullaahi bin Budayl markii uu gurmadku u
yimid buu damcay in uu weerar culus qaado, hase ahaatee Ashtar An Nukhaci baa kula
taliyey inuusan wax weerar ah qaadin isagoo usheegay inay isaga u roontahay
inuu meeshiisa kusugnaado. Cabdullaahi bin Budayl wuu diiday arrinkaa,
weerar ayuuna ku qaaday dhankii ciidamada reer Shaam, oo abbaaray dhankii
Mucaawiya, markiina uu kudhawaaday wuxuu arkay isagoo (Mucaawiya) uu dhex
taaganyahay asxaabtiisa oo hareerahiisuna ay dhoobanyahiin guutooyin ciidamo ah
oo lamoodo buuro oo kale. Markaa baa qeybo kamid ah guutooyinkaas baa
weerar kusoo qaadeen dhankii Cabdullaahi oo way dileen, isagoo mayd ayuuna
dhulka ku dhacay. Halkaa ayuuna ku naf waayay amiirkii ciidamada midigta ee
Ciraaqiyiinta ee ahaa Cabdullaahi bin Budayl bin Warqaa Al Khuzaaci,
raggiisiina waa ay jabeen, jabkooduna waxaa u badnaa kuwa daawac la baxsaday.
Wuxuu Mucaawiya amray asxaabtiisii inay soo eegaan cidda amiirka u ahayd
ciidamadaas, markiina ay dul yimideen maydkii Cabdullaahi bin Budayl, way garan
waayeen. Mucaawiya baa markaa yimid, oo markuu arkay waaba Cabdullaahi
bin Budayl bin Warqaa oo uu si fiican uyaqiinay. Dabadeed Ashtar An Nukhaci baa
wuxuu la laabtay kuwii soo jabay oo weerar culus qaaday, illaa uu dhex gooshay
safafkii shanta ahaa ee ku ballamay geerida iyo inaysan cararin afar
kamid ah. Wuxuu dul istaagay safkii ugu weynaa oo ku dadbanaa Mucaawiya hortiisa,
markiina uu Ashtar arkay tira badnida safkaas buu ku sigtay inuu baxsada hase
ahaatee wuxuu soo xasuustay tix gabay ah oo uu tiriyey Camr bin Idnaabah,
taasoo dareensiisay in xilliyadaas oo kale aanay habbooneyn in la cararo.
Markaa buu Ashtar weerarkii adkeeyay oo sugnaaday isaga iyo raggiisiiba oo
diriray dirir daran. Mucaawiya markuu arkay weerarada Ashtar ee aanan loo babac
dhigi karin buu ku sigtay inuu baxsada, saa wuxuu la hadlay Camr bin Al Caas oo
dhinaciisii taagnaa oo uu ku yiri:- Maantu waa sabir, berrina waa faan.
Camr bin Al Caas baa ugu jawaabay:- Run baad sheegtay.
Wuxuu
yiri Mucaawiyah:- Waxaan asiibay kheyrkii adduunyada, waxaana rajayn
inaan asiibo kheyrka aakhiro.
Mucaawiya
intii dagaalladaas lagu jiray buu mar warqad u qoray Khaalid bin Al Muctamar oo
kamid ahaa hoggaamiyaashii fardooleyda Cai isagoo ka codsanaya in isaga iyo
inta uu hoggaaminayaba ay isaga kusoo biiraan, wuxuuna taa badalkeeda u ballan
qaaday inuu masuul uga dhigi doono dhulka Ciraaq oo idil.
Dagaalkii
dhacay maalintan waxaa ku hoobtay rag badan oo kamid ah geesiyaashii labada
dhinac iyo rag caan ahaa. Fa innaa lillaah wa innaa illeyhi raajicuun.
Raggii caanka ahaa ee maalintaa ku geeriyooday dagaalkan waxaa kamid ahaa
Cubeydullaah bin Cumar bin Al Khaddaab oo katirsanaa halyeeyadii ciidamada
Shaam. Maalintaa iyada ah raggii amaraada ciidamada reer Shaam ayuu kamid ahaa,
waxaana la socdeen labadiisii dumar oo lakala oran jiray Asmaa bint Cudhaarid
bin Xaajib At- Tamiimiyah iyo Baxriyah bint Hannaay bin Qabiisah Ash
Sheybaaniyah. Gadaashiisa ayay istaageen si ay u eegaan geesinnimadiisa
iyo sida uu u dagaallamayo odaygooda. Mar qura baa waxaa weerar kusoo
qaaday ciidamo Kuufiyiin ah oo reer Rabiica ah, kuwaasoo uu hoggaaminaya Ziyaad
bin Xafasah At- Tamiimi, markaasay mar qura waramada iyo seyfaha ku adkeeyeen
oo dileen, ka gadaal markii ay asxaabtiisii ka carareen. Sidoo kale waxaa la
dilay maalintaa Dul Kulaac Al Ximyari oo kamid ahaa geesiyaashii reer
Shaam.
Raggii
akhyaarta ahaa ee ku naf waayay Safiin maalintaa iyada ahi waxaa kamid ahaa
Cammaar bin Yaasir Al Canasi, kaasoo daliil u ah in kooxda Cali ay ahayd kuwa
xaq ku taagan, halka kooxda Mucaawiyana ay ahaayeen kuwa xad gudbay.
Rasuulkii Alle SCW wuxuu yiri:- Camaaroow! waxaa ku dili doonto
kooxda xadgudubtay''.
Sidoo
kale wuxuu yiri:- Markay ummaddu is khilaafta, ina Sumayah (Camaar) wuxuu
la jiri doonaa kuwa xaqa kutaagan.
Waxaa
la sheegaa inuu ahaa ninkii Cammaar dilay Abul Qaadiyah Yassaar Al Muzanniyi
(ama Al Juhani), Waxay ina tusineysaa in dilka Cammaar uu ahaa, mid reer
Ciraaq ay ahaayeen kuwa xaq ku socda halka, ciidamada Shaamiyiinta ay ahaayeen
xad gudbay. Axaadiis dhowr ah ayuu Rasuulka Alle SCW ku tilmaamay
in Cammaar ay dili doonaan koox xad gudubtay. Sidaa darteed Cammaar wuxuu
lasocday Cali oo wuxuu daliil u yahay in Cali uu ahaa hoggaamiyaha koox xaq ku
taagan halka, Mucaawiyana uu ahaa mid hoggaaminayay koox xad gudubtay.
Cabdullaahi
bin Camr bin Al Caas ayaa aabahii ku yiri:- Aaboow! ma waadan maqal
Rasuulka Alle SCW oo Camaar ku leh:- Hooge ina Sumayoow! waxaa ku dili
doonto koox xadgudubta? Markaasuu Camr bin Al Caas ku yiri Mucaawiya:- Ma
waadan maqlayn waxa uu Cabdullaahi-gan leeyahay? Markaa baa Mucaawiya intuu
carooday yiri:- Ma innagaa dilnay? Waxaa dileen kuwii meesha keenay.
Axaadiis dhowr ah ayaa muujineysa in Cammaar ay dili doonta koox xad
gudubtay, sidoo kale waxaa cad in uu la socday Cali oo misna uu kamid ahaa
raggii ugu cad caddaa masuuliyiintii Cali.
Cammaar
bin Yaasir bin Caamir bin Maalik Al Mudxaji Al Canasi, halkaa ayuu ku shahiiday
Allaha ka raalli noqdee. Sidoo kale waxaa kamid ahaa dadkii maalintaa ku
shahiiday Haashim bin Cutbah bin Abii Waqaas Allaha ka raalli noqdee, wuxuu
kamid ahaa saadaaddii saxaabada, wuxuuna ka tirsanaa masuuliyiintii Cali.
Markii
la dilay Cammaar baa Cali wuxuu reer Rabiica iyo Hamdaan ku yiri:- Idinku
waxaad tahiin diracayga (cambuur bireedka dagaalka) iyo warankayga. Markaasay
xaggiisa u soo dideen 12 000 oo ay weerar culus qaadeen, saa saf kastoo ka hor
yimaadama way kashifeen illaa markii dambe ay gaareen Mucaawiya agtiisa. Cali
intaa wuu la socday oo guubaabinayay. Dabadeed wuxuu hor mariyey wiilkiisa
Muxammed iyo koox culus oo uu hoggaaminaya, saa waxay dirireen dirir daran oo
wuxuu misna kadaba diray koox kale, markaasay weeraro culus oo is daba
joog ah qaadeen, garaangirtii dagaalkuna ay wareegatay, halkaasoo ay ku naf
waayeen khalqi aad u tiro badan oo labada dhinac ah. Sidaa baa lagu
gaaray salaaddii Cishaha, dagaalkuna ma uusan qaboobin ee wuu sii socday, habeenkaa
isaga ahi wuxuu ahaa habeenkii ugu shar badnaa Muslimiinta dhexdooda, waana
habeenkii loogu magac daray Leylatul Hariir. Waxay ahayd habeen Jumca ah,
Calina wuxuu hoggaaminayay ciidamadiisa dhexda wuxuuna amrayay inay sugnaadaan
oo aanay cararin sidoo kale wuxuu ku boorinayay dagaalka. Ciidamadiisa
midigtuna waxaa hoggaaminayay Ashtar oo qabtay masuuliyaddaas kadib markii
galabkii khamiista la dilay amiirkii ciidamadaas, kaasoo ahaa Cabdullaahi bin
Budayl sidaynuba soo xusnay, kuwa bidixdana waxaa hoggaaminayay Cabdullaahi
ibnu Cabbaas. Dagaalku habeenkaas dhan waliba wuxuu uga socday si daran oo
aanan horey loo arag. Dagaalku wuu socday illaa la gaaray subaxii, say
tukadeen, halkii buuna mar kale kasii billawday dagaalka oo uu socday jeer la gaaray
barqadii maalintaa oo ahayd maalin Jumca ah, markaasoo Illaahay guushii u soo
dedejiyey reer Ciraaq, oo ay ka sare mareen oo ka gacan sareyeen, kana awood
bateen reer Shaam. Sababtuna waxay ahayd markii la dilay Cabdullaahi bin
Budayl baa waxaa ciidamadii midigta masuul looga dhigay Ashtar An Nukhaci,
wuxuuna Ashtar ahaa mid kamid ah halyeeyadii iyo geesiyaashii caanka ku ahaa
dagaalka, wuxuu tab iyo xeelad sare u yaqiinay qaabka dagaalka, markaa buu
weerarro is daba joog ah kuqaaday dhanka Shaamiyiinta. Dhanka kale reer Ciraaq
markii ay arkeen in Camaar la dilay bay yaqiinsadeen inay xaq ku taaganyahiin
iyo in reer Shaam ay yahiin koox xad gudubtay. Markaa bayna dagaalkii
laba jibaareen oo si ka daran sidii hore u dagaallameen, Taasina waxay sababtay
in maalintaa Jumcada ahi subaxeediii Illaahay nasri u keeno reer Ciraaq oo ay
ka awood roonaadeen reer Shaam, markaasoo reer Shaam ay musxafka kor u qaadeen
si ay isaga ugu xukuntamaan.
Reer
Shaam oo Musxafka Kor u Qaaday
Sababtu
waxay ahayd markii xaaladdii darnaatay oo dagaalkii kululaaday, reer Shaamna ay
arkeen inay daciifeen, baa Camr bin Al Caas wuxuu jecleystay inuu xaalku
qaboobo oo dagaalku istaago, markaasuu la hadlay Mucaawiya oo uu ku yiri:-
Waxaan qabaa arrin aanan noo siyaadineyn waqtigan la joogo wax aanan midnimo
ahayn, iyana (reer Ciraaq) aanan u siyaadineyn wax aanan kala tag iyo
tafaraaruq ahayn, waxaan arkaa inaynu Musxafka kor u qaadno oo aanu ugu yeerno
xaggiisa. Haddii ay naga wada yeelaan idilkood, waxaa istaagaya dagaalka
waqtigan. Haddii ay dhexdooda isku khilaafaan, oo barkoodu yiraahdaan, waanu
yeeleynaa, barkoodna yiraahdaan ma yeeleyno cududdoodii way kala tagaysaa oo
way jabayaan. Markaa buu Mucaawiya arrintaa ku raalli noqday oo reer
Shaam Musxafkii kor u qaadeen iyagoo ugu yeeraya Cali iyo reer Ciraaq in
ay isaga (Musxafka) ku kala baxaan. Waxaa la sheegaa Ashcath bin Qeys
inuu Cali kula taliyay inuu arrinkaasi ka yeelo, ciidamadii Calina badankoodu
waxay isku raaceen in dagaalka la joojiyo oo kitaabka lagu heshiiyo. Cali taa
baddalkeedu wuxuu qabay in dagaalku lasii wado, wuxuuna raggiisa u tilmaamay in
reer Shaam ay kitaabka u qaateen qadca iyo dhagar. Dhanka kale Cali wuxuu
ahaa mid ku xukuntama kitaabka Alle, sidaa darteed buu amray in Ashtar uu
joojiyo dagaalka.
Cabdullaahi
bin Camr bin Al Caas ayuu ahaa ninkii Musxafka la dhex marayay ciidamada,
isagoo xagga Alle ugu yeerayo iyo in lagu xukuntama kitaabka Alle. Taasuna
waxaa amray Mucaawiya bin Abii Sufyaan Allaha ka raalli noqdee.
Labada
dhinac waxay sameeyeen wacdaro aanan horey loo arag loona maqal iyo weliba
sugnaan iyo sabir xeel dheer oo aanan mid lamid ah horey iyo dib loo arag. Ma
jirin koox koox kale ka cararaysay bal ee way isu sabrayeen oo waramada lays
darayay sidoo kalena seefaha laysla helayay gamuunnaduna la isku shabinayay.
Way isu sabrayeen, jeer ay iska dileen labada dhinacba tiro 70 000 ah, oo 45
000 kamid ahi ay ahaayeen reer Shaam, halka 25 000 ay ahaayeen reer
Ciraaq.
Muddadii
ay dagaallamayeen ee ay labada qola kusugnaayeen goobta Safiin ayaa la isku
khilaafaa. Seyf bin Cumar wuxuu yiri:- Waxay is haysteen 7 bilood ama 6
bilood.
Abul
Xassan Al Baraa wuxuu yiri:- Waxay is haysteen 100 maalmood.
Sida
uu Ibnu Kathiir rajaxay waxay tahay in ay kulmeen bilashadii bisha Dil Xaj ee
sanadkii hore yacni sanadkii 36aad, oo ay is haysteen illaa 13-kii bisha
Safar sanadkan yacni 37aad ee Hijriga maalin Jumca ah. Sidaasina waxay noqon 77
maalmood Wallaahu aclam.
Axaadiis
dhowr ah ayaa jirta oo tilmaameysa dhacdadaan oo Rasuulku SCW sii sheegay,
waxaana kamid ah xadiis laga soo weriyey Abuu Hureyra Allaha ka raalli noqdee
in Nebigu SCW uu yiri:- Saacaddu (Qayaama) dhici mahayso, jeer ay diriraan labo
kooxood oo waa weyn, kuwaasoo dhex dooda iska dili doono maqtalo aad u weyn,
iyadoo dacwadooduna ay tahay mid qura.
Intaa
ayaana kasoo qaadaneynaa axaadiista tilmaameyso dhacdadaan.
Imminkuna
waa
Qisadii
Xukuntamka
Kadib
markii labada qolo ay isku raaceen in dagaalku la joojiyo oo la xukuntamo, ayaa
waxaa la isla gartay in dhan waliba uu ka yimaado xaakim u matala xukuntamka.
Waxaana la isla gartay in lagu raalli noqdo labadaa xaakim wixii ay
maslaxa u arkaan oo ay isku raacaan oo ay u keenaan Muslimiinta, taasoo lagu
bad baadinaya dhiigga Muslimiinta. Mucaawiya wuxuu u wakiishay dhankiisa,
Camr bin Al Caas. Cali bin Abii Daalibna wuxuu damcay inuu u wakiisha
Cabdullaahi bin Cabbaas, shallaytadiisee muuna falin, wuxuuse u wakiishay Abii
Muusa Al Ashcari.
Ashcath
bin Qeys baa inta Cali u yimid u tilmaamay inuu Abii Muusa Al Ashcari u
wakiisha dhankiisa, dabeetana reer Yeman wixii ciidanka Cali lasocday oo
idil baa ku raacay oo ayiday in Abuu Muusa Al Ashcari loo wakiisha. Cali
wuxuu damcay inuu u wakiisha Ashtar, kadib markii taa ka hor ay
quraaddii ciidamadiisa ka tirsanaa diideen inuu Cabdullaahi ibnu Cabbaas u
wakiisha. Waxayna qurraadii yiraahdeen:- Oo ma waxaad sicirkii dagaalka
iyo sicirkii dhulkuba isugu dareysaa Ashtar? Markaa buuna Cali go'aansaday inuu
u wakiisha cidda ay iyagu doonaan. Axnaf bin Qeys baa ka dalbaday Cali
inuu asaga arrintaa udhiibo arrinkan una wakiisha, bacdamaa uu Axnaf ahaa nin
aad u aftahansanaa, oo xilmi badnina u dhashay. Hase ahaatee amiirkii
Mu'miniinta ee Cali bin Abii Daalib wuxuu usheegay in aanay qurraada
ciidankiisu dooneyn cidaanan Abii Muusa Al Ashcari ahayn. Kadib
waxaa lagu heshiiyey in lakala qorto warqaddii heshiiska. Saa markii la
billaabay oo la qoray bisinka, ayaa wuxuu Cali oo yeerinayay warqadda ku yiri
qorihii qorayay:- Qor tani waa wixii uu xukmiyey Cali bin Abii Daalib, amiirkii
Mu'miniinta....
Halkaa
marka la marinayo ayuu Camr bin Al Caas qorihii ku yiri:- Qor magaciisa
(Cali) iyo magaca aabahiis (Abii Daalib) waayo innagu inooma ahan amiire''.
Axnaf
bin Qeys baa markaa qorihii ku yiri:- Ha qorin, waxaanan amiirkii Mu'miniinta
ahayn''. Cali bin Abii Daalib baa markaa yiri:- Tir amiirkii Mu'miniinta oo
qor, tani waa wixii uu xukmiyey Cali bin Abii Daalib... illaa aakhirka
warqadda.
Cali
wuxuu markaa ka sheekeeyey qisadii Xudeybiyah, markii heshiiska ay kala
qoranayeen Nebiga SCW iyo Qureesh, warqaddaasoo uu Cali laf ahaantiisa qorayay,
markaasoo Qureeshtu ay yiraahdeen:- Tir Rasuulkii Alle, oo qor magaciisa
(Muxammed) iyo magaca aabahiis (Cabdullaahi), saa Cali uu diiday inuu tiro
Rasuulkii Alle, dabeetana Nebiga SCW baa inta ka qaaday masaxay oo amray inuu
qoro Muxammed bin Cabdillaahi.
Kadib
waxaa warqaddii lagu qoray heshiiskii iyo axdigii ay labada qolo kala qorteen,
iyadoo lagu heshiiyey in lagu raalli noqdo wixii ay labada xaakim u
keenaan Muslimiinta oo maslaxa ah, waxaana lagu qoray in ay kulmaan bisha
Ramadan oo ay ku kulmaan Duumatul Jundal, iyadoo labada dhinacba uu midkiiba
soo kaxaysan doono 400 oo asxaabtiisa ah. Dabadeed warqaddii Ashcath
bin Qeys baa qaaday oo dadka kula dhex dawaafay oo ku dul
akhrinayay.
Tanina
waa magacyadii Raggii goobjoogga ahaa warqaddii heshiiska, dhanka Cali waxaa ka
socday 10 nin oo kala ahayd Cabdullaahi ibnu Cabbaas Al Qurashi Al
Haashimi, Ashcath bin Qeys Al Kindi, Saciid bin Qeys Al Hamdaani,
Cabdullaahi bin Dufeyl Al Mucaafiri, Xujr ibnu Yaziid Al Kindi, Warqaa
bin Sumayyi Al Cijli, Cabdullaahi bin Bilaal Al Cijli, Cuqbah bin Ziyaad Al
Ansaari, Yaziid bin Juxfah At Tamiimi iyo Maalik bin Kacab Al Hamdaani.
Tobankan waxay ka socdeen dhanka Cali, waxaa kaloo la sheegaa inuu Axnaf
bin Qeys ku jiray oo ay dhanka Cali sidaa ku noqonayaan 11 nin, Wallaahu aclam.
Dhanka
Mucaawiyana raggii goobjoogga ahaa warqaddii heshiiska iyana waxay kala
ahaayeen, Abul Acwar As- Sulami, Xabiib bin Maslama Al Fihri,
Cabdiraxmaan bin Khaalid bin Waliid Al Qurashi Al Makhzuumi, Mukhaariq
bin Al Xaarith Az- Zubeydi, Waa'il bin Calqamah Al Cadawi, Calqamah
bin Yaziid Al Xadrami, Xamzah bin Maalik Al Hamdaani, Subayc bin Yaziid Al
Xadrami, Cutbah bin Abii Sufyaan Al Qurashi Al Umawi (Mucaawiya walaalkiis) iyo
Yaziid bin Al Xur Al Cabasi. Tobankaa ayay ahaayeen kuwii ka socday dhanka
Mucaawiye.
Intaa
dabadeed waxaa la amray in meydka la aaso, waxaana 50-kii qofba lagu aasayay
god weyn, sida uu imaam Zuhri xusay. Markii la damcay in lakala guuro,
baa Cali wuxuu soo daayay koox uu qafaashay intii uu dagaalka socday oo reer
Shaam ah, saa Mucaawiyana kuwa intaa lamid ah ama kudhaw oo reer Ciraaq ah buu
intii dagaalka socday uu qafaashay. Wuxuu Mucaawiye damcay inuu laayo bacdamaa
uu u maleeyey in raggiisii uu Cali laayey. Markii uu Mucaawiyah arkay in
raggiisii loosoo daayay buu isaguna iska sii daayay kuwii uu qafaashay.
Waxaa
la sheegaa raggii uu Mucaawiya qafaashay inuu ku jiray nin la oran jiray Camr
bin Aws oo ka dhashay Asdiga. Saa wuxuu damcay inuu dilo. Markaasuu ninkii
yiri:- Igu manno sheego, waayo waxaad tahay abtigeey?
Wuxuu
Mucaawiye yiri:- Hooge intee baan ku noqday abtigaa?
Wuxuu
ninkii yiri:- Ummu Xabiibah afadii Rasuulka Alle SCW waa hooyadii Mu'miniinta,
aniguna waxaan ahay wiilkeeda, adiguna waxaad tahay walaalkeed, sidaa
darteed waxaad tahay abtigeey''.
Aad
buu Mucaawiya ula yaabay, markaasuu iska sii daayay. Kadibna waxay dadkii
u kala laabteen dhulalkoodii, Mucaawiya wuxuu aaday Shaam isaga iyo raggiisii
oo ay galeen magaaladii Dimishaq, Calina wuxuu aaday Kuufa.
Soo
Bixiddii Khawaarijta
Sababtu
waxay ahayd markii la kala qortay heshiiskii Safiin, baa warqaddii waxaa qaaday
Ashcath bin Qeys oo dadka kula dhex dawaafay isagoo rac weliba kudul
akhrinayay. Saa wuxuu dul tegay koox banii Tamiim ah oo uu ku dul
akhriyey, dabeetana Curwah bin Adiinah (Adiinah waa hooyadii, magaciisa Saxduna
wuxuu ahaa Curwah bin Jariir) oo ka dhashay banii Rabiica bin Xandala, kaasoo
la dhashay Abii Bilaal Mirdaas bin Jariir baa usoo istaagay oo ku yiri:-
Ma waxaad diintii Alle dhaxdeeda u xukuntameysaan laba nin? Kadibna seyftiisii
buu la helay daabbadii (faraskii ama awrkii ama baqashii) Ashcath bin Qeys, saa
Ashcath iyo raggiisiiba aad uga caroodeen arrintaas. Axnaf bin Qeys iyo
madax kamid ah banii Tamiim baa inta Ashcath u soo istaagtay uga cududaartay
arrinkaas.
Al
Heytham bin Caddiyi wuxuu yiri:-Khawaarijtu waxay sheegtaan in qofkii ugu
horreeyay ee xukma uu ahaa Cabdillaahi bin Wahab Ar- Raasubi''.
Cali
bin Abii Daalib wuxuu ka dhaqaaqay Safiin, markii warqadda heshiiska lakala
qortay, wuxuuna abbaaray dhankii Kuufa isagoo sii maraya waddada Hayt.
Markii uu ku dhawaaday inuu galo magaalladii Kuufa, ayaa waxaa ka
ictisaalay koox kamid ah ciidankiisii oo lagu sheegay inay ahaayeen 12 000,
waxayna noqdeen Khawaarij. Waxay ku inkireen waxyaabo badan amiirkii
Mu'miniinta, oo waxayna diideen inay magaalladiisa la degaan, waxayna degeen
meel la yiraahda Xaruuraa. Dabadeed amiirkii Mu'miniinta ee Cali
bin Abii Daalib wuxuu u diray Cabdillaahi bin Cabbaas oo la soo dooday
badankoodiina soo celiyey, intii hartayna Cali bin Abii Daalib baa weeraray oo
Nahrawaan ku laayay sida inoo iman doonta haddii uu Alle idmo.
Kulankii
Labada Xaakim ee Duumatul- Jundal
Taasu
waxay ahayd bishii Ramadaan sidiiba horey loogu ballamay, markii labada qolo ay
ku qoranayeen warqadda heshiiska goobtii Safiin. Markii la gaaray
waqtigii ballanta baa wuxuu Cali diray 400 fardoolley ah oo uu hoggaaminayay
Shureyx bin Haannaayi oo uu la socday Abuu Muusa Al Ashcari oo xaakim dhanka
Cali ka socda ahaa iyo C/llaahi bin Cabbaas oo uu soo amray inuu ragga
salaadda tujiyo.
Mucaawiyana
wuxuu soo diray 400 fardooley ah oo uu hoggaaminaya Camr bin Caas (isaga ayaana
ahaa xaakimkii ka socday dhanka Mucaawiya), waxaana la socday C/llaahi bin Camr
bin Al Caas oo uu Mucaawiya usoo dardaarmay inuu isaga salaadda tujiyo.
Waxay labada erga ku kulmeen halkii ay horey ugu ballameen, taasoo ah
goobta Duumatul Jandal oo dhacda waqooyiga Jaziiradda. Waxaa la sheegaa
in madashaasi ay yimideen rag kamid ah wujuuhdii Muslimiinta, kuwii aanan ka
qayb qaadan dhacdooyinkii dagaallada iyo fidnadii dhacday. Waxaana
kamid ahaa oo goobtaasi yimid C/llaahi bin Cumar bin Khadaab Allaha ka raalli
noqdee iyo C/llaahi bin Zubeyr bin Al Cawaam oo isagu Jamal kadib aanan wax
dagaal ah ka qayb qaadan iyo Muqiirah bin Shucbah iyo C/Raxmaan bin Xaarith bin
Hishaam Al Makhzuumi. Waxaa kaloo yimid C/Raxmaan bin C/Yaaquuth Az Zuhri
iyo Abii Jaham bin Xudeyfah. Waxaa sidoo kale la sheegaa inuu Sacad bin
Abii Waqaas ka qeyb qaatay, laakiin waxaa jirta riwaayada dhowr ah oo warkaasi
mugdi gelinaya. Waayo Sacad wuu ka fogaaday imaarad iyo xukun iyo fidna intuba
wuxuuna degay miyiga Madiina. Waxaa la sheegaa in wiilkiisa Cumar ama Caamir uu
u keenay warka in wujuuhdii Muslimiinta iyo rag badan ay kushirayaan goobta
Duumatul Jundal, saa isaguna dheg jalaq uma siin oo wuu ka gaabsaday, sida
xaqiiqda ahna Sacad ma uusan ka qayb qaadan kulankii Duumatul Jundal.
Muhiimaddu
waxay tahay, Labada dhinac markii ay kulmeen ergadii, waxay gedgediyeen
aaraadoodii iyo fikradahooda iyagoo la kaashanaya Alle kor ahaayee iyo
kitaabkiisa iyo sunnaha Nebigiisa suubban SCW. Waxay isla garteen in maslaxad
loo sameeyo Muslimiinta si uusana dhiig dambe oo Muslimiinta dhexdooda ah u
daadan, ugu dambeyna waxay isla garteen in Cali iyo Mucaawiyaba la casila.
kadibna arrinka laga dhiga shuuro iyo wada tashi ay dadka ku dooranayaan qofka
ay doonaan haddii ay Cali ku raalli noqonayaan iyo haddii ay Mucaawiya
dooranayaan iyo haddii ay qof kale doortaanba intuba.
Camr
bin Al Caas wuxuu tilmaamay in Cali la casila oo Abii Muusa Al Ashcari uu
khilaafada udhiibo Mucaawiya kagana raalli noqda, hase ahaatee Abii Muusa Al
Ashcari arrinkaas wuu diiday. Wuxuuna Abii Muusa Al Ashcari tilmaamay in
masuuliyadda khilaafada loo dhiiba C/llaahi bin Cumar bin Khaddaab. Saa Camr
bin Al Caas wuu diiday, wuxuuna tilmaamay In wiilkiisa C/llaahi bin Camr bin Al
Caas uu yahay nin taqwa iyo cilmi badan, wuxuuna ka dalbaday Abii Muusa in uu
wiilkiisa udhiibo, maadaama uu yahay nin saxaabi jaliil ah oo cilmi iyo kartiba
u leh arrinkan. Hase ahaatee Abii Muuse Al Ashcari arrinkaas wuu diiday.
Dabadeed waxay ku heshiiyeen oo isla garteen in ay labaduba ka xukun baxaan
Cali iyo Mucaawiyaba. Saa way isa soo raaceen oo yimaadeen goobtii dadka joogeen
si ay ugu sheegaan wixii ay ku heshiiyeen.
Camr
bin Al Caas wuxuu ahaa mid mar waliba iska hormariya Abii Muusa Al Ashcari,
haddii ay hadal ahaan lahayd iyo haddii ay socod noqon lahaydba,
isagoo arrinkaa ku sharfaya kuna weyneynaya. Markaasuu ku yiri:- Abii
Muusa Al Ashcariyoow! istaag oo dadka ogeysii waxii aan isku waafaqnay ee aan
isku afgarannay. Markaasuu Abii Muusa Al Ashcari istaagay oo Alle
mahadiyey oo amaanay, dabeetana ku salliyey Nebiga SCW, kadibna wuxuu u sheegay
wixii ay kusoo heshiiyeen isaga iyo Camr bin Al Caas oo ah inay ka xukun baxeen
Cali iyo Mucaawiya, si umaddu ay iyagu u doortaan qofkii ay ku raalli noqdaan,
wuxuu yiri:- Haddaba anigu waa aan ka xukun baxay Cali iyo Mucaawiyaba.
Dabadeed
Camr bin Al Caas baa kacay oo inta meeshii Abuu Muusa Al Ashcari istaagnaa
istaagay buu Alle mahadiyey oo amaanay, dabeetana Nebiga SCW ku salliyey,
kadibna wuxuu yiri:- Kani (Abii Muusa Al Ashcari) wuxuu yiri wixii aad
maqasheen, wuuna ka xukun baxay saaxiibkiisii, aniguna waan ka xukun baxay sidiisa
oo kale (saaxiibkiis Cali), waxaana ku sugnaaday (xukunka) saaxiibkey
Mucaawiya (hoostiisa), waana gargaarahii Cuthmaan, wuxuuna doonayaa
dhiiggiisii, isagaana dadka ugu mudnaan og booskiisii.
Waxaa
la sheegaa in Camr bin Al Caas haddii uu isaguna ka xukun bixi lahaa Cali iyo
Mucaawiya sidii uu falay Abii Muusa Al Ashcari oo uu ummaddu imaam la'aan ka
tegi lahaa inay fidna tii hore ka weyn dhici lahayd oo dhiig badan daadan
lahaa, sidaa darteed buu ku hoos sugnaaday jaallahiisii Mucaawiya. Sidaa
buuna ra'yi ahaan iyo fikir ahaan qaatay Camr bin Al Caas, Allaha ka raalli
noqdee.
Dabadeed
labadii qolo way kala tegeen oo koox waliba dhulkeedii ayay aadday. Camr bin Al
Caas iyo raggiisii waxay aadeen dhanka Shaam oo markii ay Mucaawiya u galeen
bay kusalaameen salaantii khilaafada (Asalaama calleykum yaa amiirul
Mu'miniin). Abii Muusa Al Ashcarina wuu ka xishooday inuu Cali u tego, saa
wuxuu aaday Makka. C/llaahi ibnu Cabbaas iyo Shureyx bin Haannaayi iyo
ergadiina waxay aadeen dhankii Kuufa, markaasay Cali uga warrameen
wixii dhex maray Abii Muusa Al Ashcari iyo Camr bin Al Caas.
Reer Kuufana ra'yigii Abii Muusa Al Ashcari, way daciifsadeen, waxayna
garteen inaanay isu dhigmeyn isaga iyo Camr bin Al Caas.
Ka
Bixiddii Khawaarijta ee Kuufa
Markii
Cali uu Abii Muusal Ashcari iyo raggiisii uu udiray Duumatul Jandal si ay
heshiiska ugu soo guntaan, baa mowqifkii Khawaarijtu ay Cali ka taagnaayeen uu
sii adkaaday, taasuna waxay dhashay in inbadanoo kamid ah raggaasi ay amiirkii
Mu'miniinta ee Cali bin Abii Daalib kutilmaamaan gaallima. Sidaa ay tahayna
dhulka guudkiisa ma uuna saarneen maalintaa qof ka fadli badan Cali bin Abii
Daalib.
Laba
nin oo kamid ah Khawaarijta baa Cali utimid, waxaana labadaasi nin lakala oran
jiray Zurcah bin Al Baraj Al Dhaayi iyo Xurquus bin Zuheyr Al Sacdi, waxayna ku
yiraahdeen:- Majira xukun aanan xukunka Alle ahayn.
Cali
wuxuu ugu jawaabay: Nacam! ma jira xukun aanan ahayn xukunka Alle.
Xurquus
baa hadlay oo wuxuu yiri:- Kasoo noqo gefkaaga oo inoo wad xagga cadawgayaga (reer
Shaam), aanu la dagaallanna si aanu Rabbigayo ula kulanno?
Wuxuu
Cali yiri:- Taa waan idinla doonay, waadna diiddeen, annaga iyo qoomkuna waxaan
kala qorannay warqad iyo ballan, Illaahayna kor ahaaye wuxuu yiri:- Oofiya
ballanka Alle, marka aad ballameysaan. (Suuratu Naxal 99).
Wuxuu
yiri Xurquus:- Kaasi waa dembi ay tahay inaad kasoo noqoto (oo aad ka toobad
keento).
Wuxuu
yiri Cali:- Ma ahan dembi, balse waa cajas ka ahaaday ra'yi.
Zurcah
baa hadlay oo yiri:- Ammaa Illaahay baan ku dhaartaye Caliyoow! haddii aadan ka
tegin xukuntamka aad labadda nin u xukuntameysa kitaabka Alle dhexdiisa, waan
kula dagaallamayaa, anigoo taasi ku raadinaya, naxariista Alle iyo raalli
ahaanshahiisa.
Dabeeta
way ka tegeen, waxaana dhacday in qisadii taxkiimka labada nin (Abii Muusa iyo
Camr bin Al Caas) ay dadkii kudhex faaftay iyadoo nimankii Khawaarijtuna
arrinkoodii uu darnaaday oo ay rag badan kasbadeen. Dabeedana waxaa dhacday
inay Cali cay iyo aflagaadda isugu daraan mararka ay khudbeynayaan.
Waxaa
dhacday maalin Jumca ah baa Cali raggiisii ka dhex istaagay oo u khudbeyay,
wuxuuna xusay arrinka Khawaarijta iyo xaalkooda, saa waxaa istaagay koox kamid
raggii Khawaarijta, waxayna waxayna kuwada qayliyeen:- Ma jira xukun aanan
ahayn xukunka Alle. Calina wuxuu guda galay in gacmahiisa uu marba dhinac
u jeediya isagoo lahaa:- Xukunka Allaanu idinla sugeynaa. Misna wuxuu
yiri:- Dushayada waxaa ahaaday oo aad nagu leedahiin, inaynaan idiin diidin
masaajiddayada, oo aynaan idiin diidin wixii nasiib ah oo aad ku yeelataan
(xoolaha) faygan intii gacmahiinu ay la socdaan gacmaheenna, iyo inaynaan
idinla dagaallamin jeeraad nala dagaallantaan.
Dabeeta
way baxeen khawaarijtii oo waxay ku shireen gurigii C/llaahi bin Wahab Al
Raasubi, halkaasoo uu ugu khudbeeyey khudbo aad u xeeldheer oo uu ku amraya
inay adduunyada isaga saahidaan iyo in ay amraan wanaagga, xumahana reebaan.
Wuxuu kaloo amray inay ka baxaan magaallada Kuufa oo uu isagu ku
tilmaamay magaalla dadkeedu daalimiinyahiin, wuxuuna raggiisa usheegay inay
aadaan buuraha ama dhanka Madaa'in, oo ay halkaas ka aruursadaan wixii ku feker
ah. Xurquus oo kamid ahaa raggii shirkaas ka qeyb galay baa hadlay oo
inta Alle mahadiyay oo amaanay kadib, raggiisii amray in adduunyadu ay tahay
waxyaroo mataac ah oo laga fogaada. Dabeeta waxaa hadlay Xamzah bin
Sinaan Al Asdi oo isaguna ka tirsanaa madaxdii shirka, waxaana hadalladiisii
kamid ahaa:- Tolkayoow! Ra'yigu waa sida aad aragteen, xaquna waa sida aad
tiraahdeen, ee u wakiisha arrinkiina nin idinka mid ah (madax ahaan).
Waxay
u cid direen Zayd bin Xisin Al Dhaay oo kamid ahaa madaxdooda oo ay
masuuliyadda u bandhigeen, saa wuu diiday, misna waxay u bandhigeen Xurquus bin
Zuheyr oo isagiina diiday, dabeedana waxay u bandhigeen Xamzah bin Sinaan
saa isagiina wuu diiday, ugu dambeynna waxay u bandhigeen C/llaahi bin Wahab oo
ka yeelay. Mar kale ayay ku kulmeen guriga Zayd bin Xisin Al Dhayi. Ninka
kan wuxuu ka dhashay banii Dhayi wuxuuna kasii ahaa banii Sanbus. Wuxuu amray
wanaagga oo uu ka reebay xumaha isagoo faray inay sidaa falaan oo dadka
wanaagga amraan xumahana ka reebaan, sidoo kale wuxuu kudul akhriyay aayada
kamida Quraanka kariimka. Dabeeta nin iyagii kamid ah oo la oran jiray
Cabdullaahi bin Sakhbarah Al Sulami baa inta istaagay si daran u ooyay oo
iyagii khudba gaaban ujeeday, taasoo uu ku amraya, ka fogaanshaha adduunyada
iyo dhaldhalalkeeda iyo ka bixidda magaallada Kuufa, iyo weliba in ay la
dagaallamaan Cali iyo asxaabtiisa.
Culamaayi
salaf waxay raggaasi khawaarijta ahi ku tilmaameen kuwa ay ka hadlayaan aayadaha
103- 105 ee suuradda Al Kahf.
Ula
jeeddadu waxay tahay, kuwa kan ee juhalada ahi ee baadiyeysani, waxay go'aan
iyo qorsha qaateen in ay Muslimiinta ka dhex baxaan, oo ay aadaan dhanka
Madaa'in, si ay halkaas uga raadistaan cid mad-habtooda qaadata oo iyaga
lasafata iyo wixii la fikir noqdaba. Waxay kaloo ku ballameen inay warqada u
dirsadaan reer Basra si ay halkaasina uga helaan dad la fikir iyo ra'yi ah.
Si ay quwad iyo awood ugu helaan Cali iyo raggiisa.
Zayd
bin Xisin baa kula taliyey raggiisa inaanay aadin Madaa'in, waayo wuxuu
kusheegay in halkaasi ay joogaan ciidama aad u tira badan oo taabacsan Cali bin
Abii Daalib, umana suura galeysa Khawaarijtu haddii ay halkaa tegaan inay kusii
dhex noolaadaan. Sidaa darteed waxay aadeen dhanka Nahrawaan. Waxay
kaloo warqad u dirsadeen reer Basra guud ahaan wixii raacsan mad-habtooda
iyagoo ka dalbanaya inay ugu soo wafdiyaan Nahrawaan.
Magaallada
Kuufa waxay kaga baxeen si keli keli ah, si aanay dadka xaalladoodu u ogaan,
waxay kaloo faleen inay ka tegaan reerahoodii, aabayaashooda, walaaladooda,
wiilasha, hooyooyinka iyo xaasaskuba. Wayna dhaqaaqeen oo ay aadeen
Nahrawaan.
Iyagu
ma ogo falka ay kusocdaan inuu yahay mid kamid ah dambiyada culculus, waayo
waxay ka hoos baxayaan xukunkii ay ku hoos jireen ee ahaa khilaafadii
Muslimiinta, iyo weliba cayda iyo aflagaadeynta ay aflagaadeynayaan Cali bin
Abii Daalib oo waaga dhulka guudkiisu uuna saarneyn cid ka fadli badan, kagana
horreysay Islaamka. Arrimahaasina waxaa u qurxiyey sheydaan oo uga dhigay camal
fiican, waana wixii ay ku baadiyoobeen oo adduun iyo aakhiraba ay ku
lumeen.
Dagaalkii
Nahrawaan & Layntii Khawaarijta
Markii
Abii Muusa Al Ashcari uu kasoo gaddoomay xukuntamkii, si toos ah wuxuu aaday
Makka isagoo ka xishooday in uu Cali hor tega. Markaa iyada ahi ee Camr
bin Al Caas iyo wafdigiisii ay khilaafadii ula laabteen Mucaawiya,
Khawaarijtiina ay fashay wixii ay faleen oo ay ka baxeen magaalladii Cali ee
Kuufa, Basra iyo Madaa'inna ay u cid dirsadeen baa Cali wuxuu warqad
u qoray Khawaarijtii, taasoo uu ugu sheegaya in arrinkii xukuntamka uu ka
laabtay, wuxuuna usheegay inuu siday rabeen uu yeelaya oo uu Shaam ku duulaya.
Markaas bay usoo jawaabeen iyagoo ku oranaya:- Adigu ma aanad cara gelinin
Rabbigaaga, kaliya waxaad cara gelisay naftaada, haddiina aad ku qirtay
naftaada gaallima, oo aad toobad usoolaabatay, waanu eegeynaa wixii dhexdayada
ahaaday.
Cali
markii uu akhriyey warqaddii jawaabtooda wuu ka xumaaday, wuxuuna go'aansaday
inuu aada dhanka Shaam si uu ugu duulo kuwa teer iyo markii la doortay ee uu
khilaafada qabtay khilaafsan. Magaalladii Kuufa ayuu ka dhaqaaqay oo
aaday dhanka Nukheylah isagoo wata ciidan aad u culus oo tiradoodu ahayd 65 000
oo dagaalyahanno ah. Cabdullaahi bin Cabbaas oo magaallada Basra masuul ka ahaana
wuxuu usoo diray 3200 fardooley ah. 1500 kamid ah ciidamadaas waxaa
hoggaaminayay Jaariyah bin Qudaamah, halka 1700 ka kalena uu hoggaaminayay Abul
Aswad Ad- Du'ali. Sidaa darteed ciidamadii uu Cali ugu tala galay inuu
reer Shaam ku edbiya waxay noqdeen 68 200 oo dagaalyahanno ah. Markaas
buu Cali raggiisii la dardaarmay oo ku booriyey jihaadka, amrayna inay
sugnaadaan marka ay cadawga la kulmaan. Iyadoo arrintu sidaa ay tahay oo
Calina uu go'aansaday inuu Shaam ku duulo, baa waxaa u yimid war sheegaya
in Khawaarijtii dhulka ay fasaadiyeen, oo ay dhiig badan oo Muslimiinta
kamid ahina daadiyeen, jidkiina gooyeen, maxaarimtiina xalaashadeen.
Waxyaabahii
ay raggaasi Khawaarijta ahi faleen waxaa kamid ahaa inay dileen C/llaahi
bin Khabaab bin Arat. C/llaahi wuxuu dhashay noolashii Nebiga SCW,
wuxuuna noqday saxaabi Jaliil ah. Waxay qafaasheen isaga iyo xaaskiisa oo
xaamila ahayd, markaasay weydiiyeen:- Kuma ayaad tahay?
Wuxuu
ku yiri:- Waxaan ahay C/llaahi bin Khabaab saaxibkii Rasuulka Alle SCW.
Waxay
ku yiraahdeen:- Inoo sheeg wax aad aabahaa ka maqashay?
Wuxuu
yiri:- Waxaan aabahay ka maqlay isagoo leh: Waxaan maqlay Rasuulka Alle SCW oo
oranaya:- Waxaa ahaan doonto fidna kan fadhiya uu ka kheyr badan yahay kan u
taagan, kan u taaganna uu ka kheyr badan yahay kan u socda, kan usocdana uu ka
kheyr badan yahay kan u ordaya.
Gacanta
inay qabteen bay horey usii kaxaysteen, asagoo ay xaaskiisiina la socota. Goor
uu la socday baa waxaa dhacday in koox kamid ahi raggaasi ay arkeen doofaar ay
leeyahiin qaar kamid ah dadkii gaalada ee ahlu dimmaha ahaa ee ku hoos noolaa
xukunka Islaamka. Markaas bay seef ku dhufteen oo ay haragga dulooliyeen.
Qaarkood baa yiraahdeen:- Maxaad sidaa u fasheen ( adinkoo og ) inuu yahay mid
ay leeyahiin ahlu dimmaha?
Way
sii socdeen, goor ay socdaan oo C/llaahina uu lasocda ayna dhex marayaan meel
beer timireed ah baa haddana mid kamid ah wuxuu dhulka ka qaaday mir timir ah
oo soo dhacday, markaasuu afka gashtay. Mid kale baa ku yiri:- Oo ma idin
la'aan iyo lacag la aan ( baad afka iska gishaneysaa) ?
Markaasuu
iska tufay oo muuna laqin. Sidaa oo ay tahay raggani ay ku weyneyd dilidda
doofaarka gaallada iyo cunnida xabbad timir ah oo geed kasoo dhacday haddana
waxay wateen C/llaahi bin Khabaab oo ay markaa kurka ka jareen, dabeetana waxay
keeneen xaaskiisii oo leh:- Anigu waxaan ahay haweeney xaamilo ah ee ma waydaan
Alle ka cabsaneyn? Saa way gowraceen iyana oo dabeeta dooxeen oo kasoo
rideen ilmihii ay caloosha ku sidday. Fa innaa lillaah wa innaa illeyhi
raajicuun.
Arrintaas
iyada ahi markii ay gaartay Cali iyo raggiisii, iyagoo markaa go'aankoodu ahaa
inay Shaam ku duulaan, baa waxay ka cabsadeen haddii ay Shaam aadaan in kuwaasi
makasta ahi ay reerahooda usoo daba maraan oo ay ku falaan sidii ay
C/llaahi bin Khabaab iyo xaaskiisii yeeleen oo kale. Dabeeta waxaa la
go'aansaday in dhanka Khawaarijta marka hore la aada oo xaalladoodu dhan loo
tuuro, kadib markii laga aamin noqdana la aado dhanka Shaam. Ra'yigaas baala
qaatay. Markaas buuna Cali udiray dhankooda Al Xaarith bin Murrah Al Cabadiyu.
Wuxuuna ku yiri:- Iiga soo warran warkooda iina soo ogoow! xaalkooda. Markii
ninkaasi uu u tegay, way dileen oo umaanay kaadinin. Markaas buuna Cali
go'aan kama dambeys ah qaatay inuu marka hore ku duulo ayaga ka hor intuusan reer
Shaam ku duulin.
Dabeeta
Cali wuu dhaqaaqay isagoo maraya dhanka Ambaar, wuxuu dhexda kula kulmay
nin faalliye ah, oo ku amray inuuna socon waqti cayiman oo uu isaga usheegay
mooyaane, wuxuuna u sheegay haddii uu socda waqti aanan waqtiga uu usheegay
ahayn inay dhacaysa in laga guuleysa ama uu guuleysan waayo. Calise uma
hoggaansamin arrintaas iyo taladii uu ninka faalliyaha siiyey, wuuna
khilaafay, wuuna soconayay markii uu socod u baahda, wuuna degayay markii uu
degid damca, waqtigana muu u kala soocanayn.
Wuxuu
yiri Cali isagoo ka warramaya sababta uu sidaa u falay:- Waxaan jecleystay
inaan dadka u caddeeyo gafkiisa (faalliyaha), waxaana ka cabsaday in
(qofka) jaahilku uu yiraahda (hadhowta): Wuxuu ku guuleystay (Cali)
haleeliddii iyo sidii uu uwaafaqay (faalliyaha).
Wuxuu
Cali hortiisa diray Qeys bin Sacad oo uu u diray dhanka Madaa'in si uu ciidama
uga keeno halkaas, magaallada Madaa'inna waxaa xilligaasi masuul ka ahaa Sacad
bin Mascuud oo la dhashay Abuu Cubeydah bin Mascuud Ath- Thaqafi (amiirkii ciidamadii
Muslimiinta ee dagaalkii Jassar). Kadib Cali wuxuu u cid diray Khawaarijta
isagoo ku oranaya:- Inoosoo gacan geliya dadkii dilay walaaladayada, si
aan u dilo, dabeetana waan idinka tegayaa oo waxaan aadayaa Carabta (reer
Shaam). Waxay iyana u soo direen Cali jawaab ahaan inay yiraahdeen:-
Annagoo idil baa dilnay walaaladiin, waana inoo xalaal dhiiggooda iyo
dhiiggiinuba.
Dabeeta
Cali bin Abii Daalib horey buu ugu socday xaggooda oo waaniyey, oo cabsi
geliyey una digay. Intuu utegay buu la hadlay oo waaniyey, balse uma
aanay jawaabin, waayo horey bay ku heshiiyeen inaanay Cali la doodin ama la
hadlin. Kaliyana hadalkoodu ama weedha ay ku hadaaqayaan mararkaasi oo kale
waxay ahayd:- Al ruux Al ruux ilal Jannah.
Kadib
Cali waa uu ka laabtay oo ciidankiisii u tegay, saa iyana waxay dhiseen
ciidamadoodii, iyagoo midigta udhiibay Zayd bin Xisin, bidixdana waxay
udhiibeen Shureyx bin Owfaa, fardooleyduna waxay madax uga dhigeen Xamza bin
Sinaan Al Asdi, ciidamada lugtana waxay madax uga dhigeen Xurquus bin Zuheyr Al
Sacdi. Waxayna usoo istaageen la dagaallanka Cali iyo ciidamadiisa.
Cali
bin Abii Daalibna wuxuu dhisay ciidamadiisii, isagoo midigta madax uga dhigay
Xujri bin Cadiyi, ciidamada bidixdana wuxuu udhiibay Shabbath bin Ribciyi iyo
Macqal bin Qeys, ciidamada fardooleyda wuxuu madax uga dhigay Abuu Ayuub Al
Ansaari, ciidamada lugtana wuxuu madax uga dhigay Abuu Qataadah Al Ansaari,
reer Madiina oo markaasi tiradoodu 700 ahaydna wuxuu madax uga dhigay Qeys bin
Sacad bin Cubaadah.
Wuxuu
kaloo Cali sameeyay calan magan galya ah, wuxuuna u dhiibay Abuu Ayuub Al
Ansaari, wuxuuna ku yiri dadka:- Qofkii calankaasi hoostaga waa aamin, qofkii
aada Kuufa iyo Madaa'inna waa aamin, mana jirta wax dan ah oo aanu idinka
leennahay kuwii walaaladayada dilay mooyaane.
Markii
ay Khawaarijtii arrinkaasi aragtay bay kala firxadeen oo kala tegeen, waxaana
kusoo haray meesha 1000 nin oo uu hoggaaminaya C/llaahi bin Wahab, markii
horena tiro ahaan waxay ahaayeen 4000.
Dabeeta
si kama dambeys ah buu Cali ciidamadiisii u dhisay, wuxuuna hor mariyey
fardooleydiisii, wuxuuna siiyey dardaarankii ugu dambeeyey oo uu ku yiri:- Ka
laabta gacmahiina jeer ay idinku billaabaan. Kadib Khawaarijtii baa timid
iyagoo leh:- Ma jiro xukun aanan ahayn xukunka Alle, ar-ruux ar-ruux! ilal
Jannah. Dabeetana weerar ayay ku qaadeen fardooleydii horee Cali. Markaa
baa gamuunnadii iyo waramadii laysku shiishtay, ciidamadii Calina ay
difaac adag galeen oo ay laayeen layn daran. Waxaa la dilay dhammaan
madaxdoodii oo uu kamid ahaa C/llaahi bin Wahab, sidoo kalena ay kamid ahaayeen
Xurquus bin Zuheyr, Shureyx bin Owfaa iyo C/llaahi bin Sakhbarah As- Sulami,
Illaahay ha dulleeyo'e.
Abuu
Ayuub Al Ansaari Illaahay ha ka raalli noqdee isagoo inooga warramaya dagaalkii
maalintaas wuxuu yiri:- Nin kamid ah Khawaarijta baan ka dusiyey dhabarkiisa
waran, markaasaan ku iri:- Ku bishaareyso Naarta cadawgii Alloow!.
Markaasuu
yiri:- Waad ogaan doontaa keennii mudnaada gelideeda (Naarta).
Waxaa
la sheegaa in asxaabtii Cali laga dilay 7 qofood oo kaliya. Markaas buu Cali
dhex maray ciidamadii kadib markii uu ka guuleystay Khawaarijta oo uu laayey.
Wuxuu dhex qaaday meydkii isagoo leh:- Hoog idiin gal, dhab ahaan wuu idin
dhibay ka idin kediyey.
Asxaabtiisii
baa ku tiri:- Oo waakuma amiirkii Mu'miniintoow! kan kadiyey?
Wuxuu
yiri:- Waa Shaydaan iyo nafta amarta xumaha, wuxuu ku kediyey
yididiilo, oo uu u qurxiyey macaasida.
Dabeeta
Cali wuxuu amray in la isu keeno dhaawacyadooda, waxayna noqdeen 400, saa wuxuu
u dhiibay ehelladooda, hubkiina wuu qeybiyey.
Al
Heytham bin Cadiyi wuxuu ku xusay kitaabka Khawaarijta:- In Cali uusan
qeybin wixii uu ka helay Khawaarijta maalintii Nahrawaan, balse wuxuu u celiyey
ehelladooda. Wallaahu aclam.
Dabadeed
Cali oo ay la socdaan laba nin oo kala ah Abuu Xarrah Suleymaan bin Thumaamah
Al Xanafi iyo Rayaan bin Sabrah bin Huudah Al Xanafi baa waxay dhex qaadeen
meydkii iyagoo ka dhex raadinaya Duth- Thadyi oo ah nin labada garab dhexdooda
ku lahaa buro lamoodo sidii naaska fiiddiisa oo kale, oo leh timo mad madow, waxaa
kaloo la sheegaa timo cad cad. Ninkan wuxuu ahaa astaan muujineysay ficilka
Khawaarijta, Rasuulka SCW ayaana sii sheegay calaamooyinkiisa. Goor ay
Cali iyo labadii nin ee la socotay ay meydka ka dhex raadinayaan ninkaasi, baa
waxaa helay Rayaan bin Sabrah.
Cali
bin Abii Daalib markii uu arkay ninkii garabka kulahaa burada, sujuud
dheer buu la dhacay, isagoo Alle uga mahadnaqaya ficilkii uu sameeyey ee uu ku
laayay nimanka Khawaarijta. Rasuulku SCW isagoo tilmaan ka bixinayay
nimanka Khawaarijta ahi, wuxuu tilmaamay xilliga ay soo bixi doonaan, iyo
meesha ay kasoo bixi doonaan iyo cidda la dagaallami doonto iyo weliba
tilmaanta ninkan lagu dilay Nahrawaan. Dhammaan asbaabahaasi oo idil
markii la gartay waxaa sii yaqiinisay in kuwa kani ay ahayeen Khawaarij dilkii
Duth- Thadyi.
Maxay
ahaayeen Khawaarijtu?
Cali
bin Abii Daalib ayaa la weydiiyey sida uu xusay Al Haytham bin Caddiyi arrinka
Khawaarijta inay yahiin gaalo?
Wuxuu
ku jawaabay:- Gaallimay ka cararayaan.
Waxaa
la weydiiyey:- Ma Munaafiqiin baa?
Wuxuu
ku jawaabay:- Munaafiqiintu ma xusaan Alle, inyar mooyaane.
Waxaa
la weydiiyey:- Haddaba maxay yahiin amiirkii Mu'miniintoow!?
Wuxuu
ku jawaabay:- Waa walaaladayada oo inagu xad-gudbay, markaasaanu kula
dagaallannay xad-gudubkay nagu xad-gudbeen.
Ninka
madaxda u ahaa Khawaarijta ee C/llaahi bin Wahab wuxuu ahaa mid
sujuuddiisu, sujuudda ay madoobeysay, wuxuu ahaa mid salaad badan oo ku
xeel dheeraada sujuudda. Sidaa daraadeed baana loogu laqibay Dul bayinaat.
Ayadoy sidaa tahay haddana waxay noqdeen kuwii uu Alle sheegay ee adduun
iyo aakhiraba khasaaray oo misna is moodaya inay iyagu camallada hagaajinayaan.
Illaahay baa kor ahaaday ee isagu abuurkiisa u sameeyo siduu doono.
Raggani
waxay gaalleysiinayeen Cali oo Islaannimo iyo fadliba kaga hormaray agta Alle.
Sidoo kale saxaaba badan bay gaaleysiinayeen, Rasuulkuna SCW axaadiis badan buu
kaga warramay sifaalahooda, marka arrimahaasi oo idil haddaynu kasoo tegno,
axaadiistaasi waxaa laga daalacan karaa kutubta ka hadashay arrinkaasi. Sida ka
Haytham bin Caddiyi ee si weyn uga hadla arrinka Khawaarijta iyo asbaabahooda.
Wabillaahil Mustacaan.
Markii
uu Cali ka faaruqay arrinkii Khawaarijta, buu ciidamadiisii ka dhex istaagay oo
u khudbeeyey kuna booriyey inay Shaam aadaan oo ay arrinka Mucaawiya dhan
usoo tiiriyaan, sidiiba markii hore horey loogu ballamay. Markaas bay ku
andacoodeen in gamuunadii ka dhammaadeen, seefahiina ay ka af beeleen, waxay ka
dalbadeen inuu goballadoodii u celiyo oo ay marka hore degaan. Arrimahaasi
waxaa Cali kula hadlay Ashcath bin Qeys Al Kindi, markaasay dadkiina isku wada
raaceen. Dabeeta waala soo dhaqaaqay jeer la degay Nukheylah. Cali wuxuu
amray inay halkaasi ku nastaan oo muddo degnaadaan, ehelladuna soo booqdaan,
kadibna ay isu diyaariyaan duullaanka dhanka Shaam. Muddo kadib waxaa dhacday
inay ka kala tegeen oo goballadoodii ay aadeen illamaa ay kusoo hareen Cali
madaxdii ciidamadiisa oo iyo ciidama yar oo qura.
Cali
Khudba aad u xeel dheer buu ujeediyey, oo uu ku boorinaya jihaadka isagoo ku
dul akhrinaya aayadaha jihaadka ee ku kala jira suuradaha Quraanka, balse cidi
dheg jalaq uma aanay siin, waxayna ukala baxeen dhinacyada oo ay goballadoodii
iyo guryahoodii aadeen raggiisii. Sababtuna waxaa la sheegaa inay kaga
caroodeen raggii uu Cali kulaayay Nahrawaan ee Khawaarijta ahaa dartooda, waayo
waxay kuwaasi ahaayeen qaraabadooda iyo ehelladooda oo ay ayagu u arkayeen inay
ahaayeen kuwoodii ugu cilmiga iyo Alle ka cabsiga badnaa. Markaas buu
Cali baxay oo uu galay magaalladiisii Kuufa.
Markii
uu Cali kasoo laabtay Nahrawaan baa waxaa Basra uga yimid nin la oran jiray Al
Xaarith bin Raashid Al Naajiyu. Wuxuu la yimid qowm reer Basra ah, markaasuu
Cali u tegay oo uu ku yiri:- Adigu waxaad la dagaallantay reer Nahrawaan,
qisadii taxkiimka oo ay kugu diideen darteeda. waxaadna sheeganeysaa in aad
reer Shaamna siisay cahdi iyo ballan, iyo inaadan jebineyn ballantaas. Waa kuwa
ay labada xaakimba kaa xukun baxeen, dabeetana ay isku khilaafeen in Mucaawiya
xukunka loo dhiiba, markaasuu Camr bin Al Caas u dhiibay. Abuu Muusa Al
Ashcarina wuu ku diiday arrinkaas. Haddaba adigu waxaad tahay mid ay labaduba
ka xukun baxeen siday isku raaceen, aniguna waan kaa hoos xukun baxay, sidoo
kale Mucaawiyana waan ka hoos xukun baxay.
Dabeeta
ninkan Xaarith waxaa raacay bashar badan oo kamid ah tolkiisa banii Naajiyah
iyo dad kale oo badan. Markaasuu Cali u diray Macqal bin Qeys Al Ramaaxi
oo wato ciidama culus, saa wuu la dagaallamay oo laayey, in badan oo kalena uu
kasoo qafaashay. 500 oo reer banii Naajiya ah ayuu kasoo qafaashay, saa
waxaa ka hor yimid nin la oran jiray Abuu Maqles Masqalah bin Hubeyrah ( oo
ahaa mid kamid ah masuuliyiintii Cali ee goballada ). Markaasay banii Naajiya
uga ash-katoodeen xaallada ay kusuganyahiin Abuu Maqles oo ay ka dalbadeen inuu
u gargaaro, saa wuu iibiyey oo uu uballan qaaday inuu Macqal siinayo 500 000
Dirham. Ninkii isagoonan wax lacag ah bixinin buu cararay oo galay Basra.
Markaasuu Macqal warqad uqoray C/llaahi bin Cabbaas isagoo usheegaya waxa uu
Abuu Maqles falay. C/llaahi bin Cabbaas markii uu weydiiyey, wuxuu Abuu Maqles
yiri:- Waxaan u imid inaan lacagtooda kuugu dhiibo. Dabeeta wuu cararay
ninkaas oo wuxuu galay Kuufa isagoo u tegay Cali. Markaas bay C/llaahi bin
Cabbaas iyo Macqal si wada jir ah warqad ugu direen Cali iyagoo ku ogeysiinaya
waxii uu Abuu Maqles falay. Cali markii uu weydiiyey lacagta buu bixiyey 200
000, dabeetana wuu sii cararay oo uu u baxsaday dhanka Shaam, isagoo u tegay
Mucaawiyah. Cali wuxuu amray in la xoreeyo banii Naajiyah, wuxuuna
sidoo kale amray in la dumiya daartii uu Abuu Maqles ku lahaa Kuufa.
SANADKII
38AAD
Sanadkan
dhexdiisa buu Mucaawiya u diray dhanka Masar Camr bin Al Caas, si uu uga qaado
gacanta Maxamed bin Abuu Bakar oo masuul uga ahaa dhanka Cali bin Abii Daalib.
Sababtu waxay ahayd, markii uu Cali masuuliyadda Masar ka qaaday Qeys bin
Sacad baa wuxuu u dhiibay Maxamed bin Abii Bakar, Qeysna wuxuu aaday dhankii
Cali oo uu kala qeyb qaatay dagaalkii Safiin iyo kii Nahrawaanba. Cali
bin Abii Daalib aad buu uga shallaayay sababtii uu uga casilay Qeys imaaraddii
Masar, waayo wuxuu Qeys ahaa mid udhigmay Mucaawiya iyo Camr bin Al Caasba.
Taas casilidda Qeys waxaa ku farxay Mucaawiya iyo Camr bin Al Caas iyo
raggiisii, balse waxaa uga sii darnaatay markii ay Safiin ku arkeen Qeys oo la
safan Cali bin Abii Daalib.
Wuxuu
Mucaawiya oran jiray:- Illaahay baan ku dhaartaye Qeys ibnu Sacad la
joogidda uu Cali la jooga, waxay iiga caro badantahay isagoo ay la joogaan 100
000 oo dagaalyahanno ah.
Markii
uu Cali ka faaruqay dhacdadii Safiin, baa waxaa soo gaadhay war ah in
showkaddii Muxammed bin Abii Bakar ay daciiftay, isagii wiil dhalinyaro ahaa
darteed, waayo Muxamed wuxuu markaasi jiray da' ahaan 26 sano ama kudhaw.
Sidaa daraaddeed bay reer Masar ka dalbadeen Cali inuu masuul weyn usoo
magacaaba Masar. Dabeeto Cali wuxuu damcay inuu Qeys kuceliyo, ma uuna
yeeline wuxuu u cid diray Ashtar An- Nukhaci oo markaas shurdada madaxa u ahaa,
masuulna ka ahaa Muusal iyo Nuseybiin, markii uu u yimidna wuxuu u diray Masar
si uu halkaasi masuul uga noqdo.
Arrintaasi
markay gaadhay Mucaawiyah iyo Camr bin Al Caas aad bay uga xumaadeen, waayo
horey bay u damaaciyeen inay la wareegaan gacan kuheynta Masar oo ay ka
maroojistaan Maxamed bin Abii Bakar. Ninka kan ee Ashtar An Nukhacina wuxuu
ahaa nin dagaalyahan ah oo ku xeel dheeraa dagaallada iyo arrimaha militeriga.
Sidaa daraaddeed wuxuu mugdi geliyey damacii Mucaawiyah iyo Camr bin Al Caas.
Ashtar wuxuu aaday dhankii Masar, nasiib xumase ma uusan gaarin oo dhexda
ayuu ku geeriyooday. Arrintaasi markay gaartay Mucaawiya iyo reer Shaam,
aad bay ugu farxeen. Markaas buu Cali si dhaqsiya ah warqad ugu qoray Maxamed
bin Abii Bakar isagoo kaga raalli noqonaya inuu masuuliyadda Masar sii haya.
Markaas iyada ahi ciidamadii Maxamed bin Abii Bakar way daciifeen, waayo
waxay loolan ka dhaxayeen kuwii u olaleynayay raadinta dhiiggii Cuthmaan ee
Masar kusugnaa, kuwaasoo kusugnaa goobta Kharbataa, oo aanan horeyna Cali ula
mubaayacoonin, awooddooduna marba marka ka dambeyso way sii kordheysay.
Arrimahii
awooddii reer Kharbataa sii korodhiyey, waxaa kamid ahaa, markii uu dhacay
dagaalkii Safiin, kadibna arrintii taxkiimka loo baxay, oo Camr bin Al Caas iyo
Abii Muusa Al Ashcari ay ku kulmeen Duumatul Jandal, labada xaakimna ay isku
raaceen in laga xukun baxa Cali, kadibna ay isku khilaafeen in Mucaawiya xilka
loo dhiibo, dabeetana uu Camr bin Al Caas xilkii udhiibay Mucaawiyah, reer
Shaamna markii ay Shaam ku laabteen ay Mucaawiya kusalaameen salaantii
khilaafada, intaa kadibna waxaa dhacday oo aan soo xusnay dagaalkii Nahrawaan
iyo khilaafkii ay Cali khilaafeen ciidamadiisii. Markaas bay reer Kharbataa
awooddoodii adkaatay, oo ay dhaqdhaqaaqyo billaabeen. Taas cagsigeedu
ciidamadii Maxamed bin Abii Bakar baa waxaa ku yimid hoos udhac iyo daciifnimo,
tiiyoo ay jirtay in Maxamed uu ahaa nin dhalin yaro ah, oo aan maskax iyo
cududba ku haggaagi karin Mucaawiyah iyo Camr bin Al Caas, oo laba nin oo
maskax badan ahaa.
Markaa
iyada ah buu Mucaawiya kulmiyey madaxdiisii, Camr bin Al Caas Al Sahmi,
Shuraxbiil bin Samadh, C/Raxman bin Khaalid bin Waliid Al Makhzuumi, Daxaak bin
Qeys Al Fihri, Busur bin Abii Ardhaah Al Caamiri, Abul Acwar Al Sulami iyo
Xamza bin Sinaan Al Hamdaani iyo qeyrkooda.
Wuxuu
Mucaawiya raggaasi kala tashaday inay wajahaan Masar oo ay gacanta ku dhigaan,
iyagiina fikirkaas way u riyaaqeen kuna raaceen. Waxayna ku yiraahdeen:- Aad
halka aad doonto inaguna waan kula jirnaaye. Markaas buu Mucaawiya
masuuliyaddaasi u wakiishay Camr bin Al Caas haddii Masar la furtana wuxuu
amray inuu asaga masuul ka noqdo.
Dabeeta
Mucaawiya wuxuu warqad u qoray Maslama bin Mukhlid Al Ansaari iyo
Mucaawiyah bin Khadiij Al Sakuuni, oo iyagu madax u ahaa ciidamadii ku sugnaa
Kharbataa, ee kasoo horjeeday Cali. Kuwaasoo u olaleynayay raadinta dhiigga
Cuthmaan bin Cafaan, tiradooduna waxay ahayd 10 000 ama ku dhawaad. Wuxuu
Mucaawiyah ku war gelinayay in uu ciidama soo diray, wuxuuna ka dalbaday inay u
gargaaraan oo ay soo dhaweeyaan ciidamadaasi. Wuxuu Mucaawiyah
warqaddaasi u dhiibay mowla ama adeega u joogay oo la oran jiray Sabiic.
Markiina ay warqaddii gaartay Maslama iyo Mucaawiya bin Khadiij, aad bay
ugu farxeen, waxayna si dhaqso ah ugu direen warqad jawaab ah oo ay kusoo
dhaweynayaan arrinkaas iyagoo u ballan qaaday inay hiil iyo hooba ku taageeri
doonaan.
Markaa
iyada ah bay ahayd markii uu Mucaawiya u diyaariyey Camr bin Al Caas 4 000 ama
6 000 oo dagaalyahanno ah. Dabeetana wuu la baxay isagoo sagootinaya. Wuxuuna u
dardaarmayay cabsida Alle iyo sugnaan iyo amridda wanaagga iyo reebidda xumaha.
Sidoo kale wuxuu amray inuu la dagaallama ciddii la dagaalanta, kana haro
oo cafiya ciddii ka cararta, iyo inuu dadka ugu yeero heshiis iyo midnimo.
Markii uu Camr galay Masar, waxaa ku biiray ciidamadii Kharbataa
kusugnaa ee u olaleynayay dhiigga Cuthmaan. Halkaas ayuuna hoggaanka ugu wada
qabtay dhammaan ciidamadii oo idil. Dabeetana wuxuu warqad u diray Maxamed bin
Abii Bakar isagoo ka dalbanaya inuu masuuliyadda si degan kusoo wareejiya, oo
uu isdhiiba. Mucaawiyah bin Khadiijna sidoo kale warqad buu uqoray Maxamed,
taasoo uu ugu goodinaya. Markaas buu Maxamed labaduba u qoray jawaab ay
kahdaan. Calina uu u diray warqad uu ugu sheegaya xaaladda taagan, iyo in
dhanka Mucaawiya ay ciidama culus ka yimideen. Kuwaasoo doonaya inay Masar la
wareegaan. Wuxuuna Maxamed ka dalbaday Cali in haddii uu Masar dan ka leeyahay
uu cid masuul uga noqota iyo ciidanba uu soo dirsada.
Cali
warqad jawaab ah ayuu si deg deg ah ugu qoray Maxamed bin Abii Bakar, isagoo ku
war gelinaya inuu sabra oo sugnaada, wuxuuna u sheegay inuu ciidan iyo maalba
usoo diri doono. Markaas buu Maxamed ka dhex istaagay ciidamadiisii oo u
khudbeeyey kuna booriyay jihaadka iyo sugnaan iyo sabir iyo in lala dagaallamo
reer Shaam. Camr bin Al Caas horay ayuu gudaha ugu sii socday Masar,
isaga iyo ciidamadiisiiba iyo kuwii kusoo biiray ee horey Masar ugu sugnaa,
waxaana lagu sheegay in tiradoodu noqotay 16 000 ama 17 000. Maxamed bin
Abuu Bakarna wuxuu la soo dhaqaaqay ciidamadiisii, oo tiro ahaan markaasi ahaa
2 000 oo fardooley ah. Ciidamadiisii horena wuxuu madax uga dhigay Kinaanah bin
Bishir. Markaasuu Kinaanah weerar qaaday, wixii uu arkaaba oo reer Shaam ahba
laayay illaa uu gaaray Camr bin Al Caas. Dabeeta Camr wuxuu soo diray
Mucaawiyah bin Khadiij oo inta gadaal kaga yimid asaga iyo ciidamadiisiiba isweer
kusameeyay. Dabeetana intuu jilba dhigtay buu akhriyey qowlka Alle kor ahaaye:
''Nafina
uma ay ahaan inay dhimata, idinka Alle mooyaane, waana kitaab la gooreeyay''. Suuratu Aali
Cimraan: 145d.
Dabeetana
wuu dagaallamay jeer la dilay. Ciidamadii Maxamedna way kala firxadeen. Markaas
buu Camr galay magaalladii. Mucaawiya bin Khadiijna wuxuu daba galay raadkii
Maxamed. Qof kastoo uu arka ayuu Mucaawiya weydiinayay:- Ma aragteen qof aad
garan weydeen? Iyana maya ayay ku oranayeen. Illaa markii dambe uu la kulmay
nin oday ah oo uu weydiiyey, markaasuu ninkii ku jawaabay:- Waxaan arkay nin
fadhiya khirbaddaasi dhex fadhiya.
Markaas
buu Mucaawiya yiri:- Waa isaga! waa isaga! Rabbiga kacabadda ayaan
kudhaartaye.
Way
ugu galeen oo ay ka soo saareen. Wuxuuna markaasi kudhawaa inuu oon darani la
dhinta. C/Raxmaan bin Abii Bakar oo kamid ahaa raggii Camr kala yimid
Shaam, baa wuxuu u galay Camr isagoo ushafeec qaadaya walaalkiis Maxamed.
Wuxuuna ku yiri:- Ma walaalkey baa la dilayaa? Markaas buu Camr bin Al
Caas u cid diray Mucaawiyah bin Khadiij isagoo ka dalbanaya inuu u keeno
Maxamed bin Abii Bakar. Markaasuu Mucaawiyah bin Khadiij yiri:- Maye wallaahi,
ma waxay dilayaan Kinaanah bin Bishir, oo aan markaas daayaa Maxamed bin Abii
Bakar, iyadoo uu kamid ahaa dadkii dilay Cuthmaan?
Istifhaamku
waxaa weeye, macnuhu waxay ku noqotay Mucaawiyah bin Khadiij inuu Maxamed nolal
ugu geeyo Camr bin Al Caas arrin dhib ah.
Wuxuu
Maxamed dalbaday biyo uu cabbo, saa waxaan xusnay in markii godka laga soo
saarayayba uu oon darani hayay oo xitaa uu ku sigtay inuu u dhinto.
Markiina uu dalbaday biyaha bay u diideen, wuxuuna Mucaawiyah yiri:-
Illaahay ima waraabsho, haddii aan dhibic biyo ah ku waraabiyo abad, saa
maxaa yeelay, Cuthmaan baad u diiddeen biyaha inuu cabbo, jeer aad disheen,
isagoo sooman. Markaasuu Illaahay la kulmiyey miidda aaburan.
Sida
uu xusay ibnu Jariir dabeeto Mucaawiyah bin Khadiij waa uu dilay Maxamed,
kadibna wuu gubay. Arrintaasi markay gaadhay Caa'isha bint Abii Bakar aad
bay uga jiriracootay oo ay uga xanuunsatay, wayna ka murugootay, waxayna
kafaalla qaadday carruurtiisii oo uu ku jiray Al Qaasim. Wallaahu aclam.
Al
Waaqidi wuxuu xusay in ninkii sheegay halka uu Maxamed ku dhuuntay uu ahaa nin
la oran jiray Jablah bin Masruuq. Wallaahu aclam. Sidoo kale wuxuu
Waaqidi kusheegay waqtigaasi inay ahayd bishii Safar ee sanadkan.
Bishii
Shacbaan ee sanadkan ayuu Camr bin Al Caas warqad u diray dhankii
Mucaawiyah bin Abii Sufyaan isagoo kula socodsiinaya, wixii dhacay iyo in
Illaahay u furay Masar, oo ayna u soo laabteen daacadda iyo maqal iyo
adeecidba, wuxuuna usheegay in ay hoggaansameen oo ay qaabileen
midnimada.
Markii
Cali uu gaaray warka ah in la dilay Maxamed bin Abii Bakar, Masarna ay gacanta
u gashay Camr bin Al Caas, buu arrintaasi ka xanuunsaday. Markaas buuna
raggiisii ka dhex istaagay oo ku booriyey inay sabraan oo adkeystaan oo ay ku
dhaqaaqaan dhanka reer Shaam, wuxuuna kula ballamay Al Jircah oo ah meel u
dhaxaysa Kuufa iyo Xiira. Markii subaxii la gaaray buu Cali ka dhaqaaqay
magaalladii Kuufa oo degay Jircah. Balse cidi uma aysan soo bixin kamid
ah ciidamadii. Kaliya waxaa la socday dadkiisii iyo qaar kamid ah madaxdiisa.
Markii la gaadhay habeenkii buu isugu yeeray madaxda. Waxay usoo galeen
isagoo murugeysay. Markaasuu inta istaagay u khudbeeyay, khudbo ay ku
dheehantahay murugo, oo aad u xanuun badan. Wuxuu Cali weydiiyey isagoo
wax walba oo hanti ah siiyo, oo aanan waxba ka hagran, aaraadooduna
qiimeeyo, waxa ay u maqli la'yahiin oo aysan u adeeceynin amaradiisa. Iyadoo
Mucaawiya ay raggiisu adeecaan siismo la'aan uuna waxbana siinin.
Maalik
bin Kacab Al Awsi ayaa istaagay, oo dadkii ku booriyey jihaadka iyo maqlidda
amiirka Mu'miniinta iyo inay adeecaan oo ay qaataan amarradiisa. Dabeeta waxaa
isu soo kacday 2000. Markaasuu Cali madax uga dhigay raggaas Maalik bin Kacab,
wuxuuna amray inuu aado dhanka Masar. Waxyar kadib waxaa yimid qaar kamid
ah ciidamadii Maxamed bin Abii Bakar ee ku kala firxaday Masar qaar kamid ah,
oo Cali uga waramay sidii ay wax u dhaceen iyo dilkii Maxamed bin Abii Bakar,
iyo in masuuliyaddii Masar ay gacanta ugashay Camr bin Al Caas.
Maalik
waa uu dhaqaaqay wuxuuna aaday dhankii Masar, balse dhaxda ayuu kasoo laabtay.
Sababtuna waxay ahayd wuxuu ka cabsaday ciidamadii Shaam oo kusoo baxay ka hor
intuuna gaarin Masar. Xaaladdii Ciraaqiyiintuna waxay noqotay inay Cali
khilaafaan, haddii uu amra bixidna aanay bixin, amaraddiisuna aanay qaadan.
Markaas buu Cali warqad u qoray C/llaahi bin Cabbaas oo masuul ka ahaa
Basra, isagoo uga eed sheeganaya xaallada qallafsan ee lasoo deristay iyo
dhibta haysata iyo diidmada iyo amar qaadasho la'aanta uu raggiisii kala kulmo
mar alliyoo uu amar siiyo. Markaas buu C/llaahi bin Cabbaas ka soodhaqaaqay
magaalladii Basra oo aaday dhankii Cali iyo magaalladii Kuufa, si uu uga
tacsiyeeyo dilkii Maxamed bin Abii Bakar, oo uu waaniyo, talooyin wax ku ool
ahna uu u siiyo. Magaalladii Basra wuxuu kusii dhaafay Ziyaad bin Abiih.
Waqtigaas
isaga ahi buu Mucaawiya bin Abii Sufyaan warqad u dhiibay C/llaahi bin Camr Al
Xadrami si uu reer Basra ugu dul akhriyo oo uu ugu yeero inay ku istiqraaraan
wixii uu xukmiyey Camr bin Al Caas oo ah in khilaafada uu qabta Mucaawiyah.
Markii C/llaahi bin Camr Al Xadrami uu tegay magaalladii Basra wuxuu ku
degay deegaanka banii Tamiim oo uu magan galyo weydiistay. Ziyaad baa
inta ku kacay u diray Acyan bin Dubeycah iyo ciidama uu hoggaaminaya. Saa waxaa
dhex maray dagaal lagu dilay Acyan. Markaas buuna Ziyaad warqad u qoray Cali,
isagoo ogeysiinaya wixii Basra ka dhacay, kadib markuu ka baxay C/llaahi bin
Cabbaas. Dabeeto Cali wuxuu soo diray Jaariyah bin Qudaamah Al Tamiimi oo
hoggaaminaya 500 oo qoomkiisa banii Tamiim ah. Markaasuu Jaariya warqad u
qoray tolkiisa banii Tamiim, wixii raacay C/llaahi bin Camr Al Xadrami, saa
badankoodii way kasoo laabteen. Markaas buu Jaariyah dhaqaaqay oo dul tegay
daartii ay ku jireen Ibnu Xadrami iyo raggiisii oo tiradoodu lagu sheegay 40
ama 70. Saa go'doomin buu ku qabtay, markaasuu ku gubay kadib markii uu u cududaaray
una digay oo ay ajiibi waayeen.
Ibnu
Jariir wuxuu xusay masuuliyiintii goballada in sanadkan ay ahaayeen Quthum bin
Cabbaas oo Cali masuul uga ahaa magaallada Makka, walaalkiis Cubeydullaah bin
Cabbaas oo Cali Yeman masuul uga ahaa, iyo walaalkood C/llaahi bin Cabbaas oo
Basra masuul uga ahaa, iyo walaalkood Tamaam bin Cabbaas oo Madiina masuul uga
ahaa. Khuraazaan-na waxaa masuul uga ahaa Khaalid bin Qurrah Al Yarbuuci.
Masar
waxay gacanta ugashay Mucaawiya, waxaana masuul uga ahaa Camr bin Al Caas.
Shaam-na guud ahaan waxay hoos imaneysay Mucaawiyah bin Abii Sufyaan Illaahay
haka raalli noqdee.
Sahal
bin Xaniif Al Ansaari oo saxaabi Jaliil ahaa, kana ag dhawaa Cali, maqaam
aad u sarreeyo iyo meel wanaagsanna u joogay baa sanadkan geeriyooday
Illaahay haka raalli noqdee. Magaalladii Kuufa ayuu ku geeriyooday. Cali ayaana
ku tukaday, isagoo janaasadiisii takbiirsaday shan, waxaa kaloo la yiri lix
takbiir. Wallaahu aclam. Waxaa sanadkani dadka xajiyey sida uu Ibnu
Jariir xusay Quthum bin Cabbaas oo magaallada Makka masuul ka ahaa.
SANADKII
39AAD
Sanadkan
dhexdiisa ayuu Mucaawiyah diyaariyey ciidama culus, oo uu u kala diray
cirifyada macaamilada dhulka uu Cali maamulo. Si ay halkaasi howlgallo uga soo
fuliyaan. Sababihii dhaliyay howlagalladaasina waxaa kamid ahaa in Mucaawiyah
markii uu Camr bin Al Caas masuuliyadda u dhiibay uu is tusiyey inuu isagu
yahay amiirka Mu'miniinta iyo Khaliifkii Muslimiinta. Sidaa darteed buu
darafyada Ciraaq u diray ciidama badan, si asaga ay ugu hoggaansamaan oo dhulalkaasi
oo idil uu u tamkiiniyo.
Sidaa
daraadeed howlagalladii uu dirayay sanadkan waxaa kamid ahaa
Diriddii
Nucmaan Bin Bashiir
Sanadkan
dhexdiisa ayuu Mucaawiyah diray Nucmaan bin Bashiir oo hoggaaminaya 2000 oo
fardooley ah, wuxuuna u diray dhanka Caynu Tamar. Waxaana halkaasi masuul
ka ahaa Maalik bin Kacab, oo ka socday dhanka Cali, oo ay markaasi la joogeen
1000 fardooley ah. Markii ay ciidamadii Maalik maqleen soo galootiga reer
Shaam, bay kala firxadeen oo ay kala carareen. Waxaana kusoo haray Maalik
agtiisa wax dhan 100 nin. Markaa iyada ahi buu Maalik bin Kacab warqad u
qoray dhankii Cali bin Abii Daalib isagoo xaallada la socodsiinaya, kana
dalbanaya gurmad. Markiina Cali ay u tagtay warqaddii wuxuu ka dhex istaagay
raggiisii, oo u khudbeeyey kuna booriyey jihaadka iyo in loo gurmado Maalik bin
Kacab iyo raggiisa 100 ahi, balse cidi dheg jalaq uma siin, manay qaadan
amaradii amiirka Mu'miniinta.
Nucmaan
bin Bashiir wuxuu galay Cayn Tamar, waxayna is heleen Maalik bin Kacab oo
diriri dhex martay, sidaa oo ay tahayna ciidamada Maalik waxay ahayeen 100 nin
oo qura, oo weliba seefahoodu ay jajabanyahiin. Waxyar kadib waxaa
yimid rag ka socda dhanka Miqnaf bin Sulaym oo dhan 50 fardooley ah, oo uu
hoggaaminaya wiil uu dhalay Miqnaf bin Sulaym. Saa markii ay reer Shaam arkeen
baa waxay moodeen ciidama gurmad culus ah, oo ka yimid dhanka Cali, markaasay
kala carareen oo dhankii Shaam u jiheysteen. Maalik kama uusan harine wuu
sii eryaday oo firxadkoodii ka laayay saddex nin oo kamid ah. Intii kalena Shaam
bay oran ku galeen, iyagoonay u suuro gelin hadafkoogii iyo ula jeeddadii ay u
yimideen.
Sidoo
kale howlgalladii uu Mucaawiyah fuliyey sanadkan waxaa kamid ahaa:
Diriddii
Sufyaan Bin Cowf
Wuxuu
u diray isagoo hoggaaminaya 6000 fardooley ah inuu tago Hayt, oo uu dooxateeyo,
kadibna uu uga gudbo Anbaar iyo Madaa'in. Markaas buu dhaqaaqay Ibnu Cowf jeer
uu gaaray Hayt. Cidina kalama uu kulmin la dagaasho halkaas, wuxuuna uga sii
gudbay Anbaar oo ay kusugnaayeen 500 oo kamid ah ciidamadii Cali. Markii ay
raggaasi maqleen soo galootiga Shaamiyiinta, bay kala firxadeen oo waxaa kaliya
oo kusoo haray magaalladii 100 nin. Waxaa labada qolo dhex maray dagaal,
iyadoo ay qolada Cali tira yari aad u daran kusuganyahiin. Sidaa oo ay tahay
waa ay sabreen oo dirireen dirir daran, jeer la dilay 30 kamid ah oo uu ku
jiray amiirkooda oo la oran jiray Ashras bin Xassaan Al Balawi.
Dabadeed ciidamadii reer Shaam ee uu hoggaaminayay Ibnu Cowf, waxay
aruursadeen wixii hanti ahaa oo yiillay beytul maalka Anbaar, iyo hub, kadibna
waxay u boqaaleen dhankii Shaam oo ay dib ugu laabteen.
Warkaasi
markii Cali uu gaaray, naf ahaantiisii baa ka dhaqaaqay magaalladii Kuufa oo
aaday dhankii Shaamiyiinta, wuxuuna degay Nukheylah. Markaasay raggiisii ku
yiraahdeen:- Amiirkii Mu'miniintoow! innagaa kaaga filnaaneyna?
Wuxuu
ugu jawaabay:- Iigama filnaaneysaan, nafihiinana ugama filnaaneysaan.
Dabeeta
Sacad bin Qeys, baa daba galay raadkii Shaamiyiinta, oo daba eryaday jeer uu
gaaray Hayt, balse muuna haleelin oo hortiis ayay Shaam galeen, kadibna wuu soo
laabtay.
Diriddii
Cabdullaahi Bin Mascadah Al Fazaari
Sidoo
kale sanadkan buu Mucaawiyah diray C/llaahi bin Mascadah Al Fazaari oo
hoggaaminaya 1700 fardooley ah, wuxuuna u diray dhanka Taymaa, oo amray inuu
saddaqada kasoo aruuriya dadka reer miyiga ah, ciddii diidana wuxuu amray inuu
la dagaallo. Dabeetana uu u gudba oo galo Makka iyo Madiina, oo guud ahaan
Xijaas oo idilna uu soo maro.
Markaas
buu dhaqaaqay C/llaahi bin Mascadah oo uu galay Taymaa. Halkaasoo ay ugu
kulmeen dad aad u badan. Arrintaasi markii uu Cali ka war helay baa wuxuu
ku diray Al Musayb bin Nujaybah Al Fazaari oo hoggaaminaya 2000 oo
dagaalyahanno ah, suu dagaal ku dhex maray Taymaa, oo ay dirireen jeer
cadceeddu suushay.
Ibnu
Mascadah iyo qaar kamid ah tolkiisa, baa waxay galeen qalcad halkaasi ku
tiillay oo ay dhufeys ka dhigteen. Intii kalee ciidamadii reer Shaam ahaydna
way kala firxadeen oo Shaam bay u gaddoomeen. Markaas buu Al Musayb
go'doomin ku qabtay qalcaddii uu Ibn Mascadah ku jiray oo ku hayay illaa saddex
casho. Dabadeed xaabo ayuu soo aruriyey oo ku guray qalcadda, kadibna dab ku
shiday si uu u gubo. Markaas buu ibnu Mascadah riximka iyo wada dhalashada ku
tawasulay oo ku calaacalay. Markaas buu Al Musayb dabkii demiyey . Saa markii
la gaaray habeenkii buu albaabkii qalcadda furay oo iyana intay kasoo baxeen u
carareen dhankii Shaam.
C/Raxmaan
bin Shabiib oo kamid ahaa ciidamadii Al Musayb baa ku yiri Musayb:- Maad ka
daba tagto (oo aad layda)?
Wuxuuse
Al Musayb ku jawaabay:- May
Diriddii
Daxaak Bin Qeys Al Fihri
Sidoo
kale sanadkan buu Mucaawiyah diray 3000 oo uu hoggaaminaya Daxaak bin Qeys Al
Fihri. Wuxuuna amray inuu dooxateeyo ciidamada kusugan daafaha dhulka uu
maamulo Cali. Sidaa daraadeed buu Cali markuu ka war helay arrintaasi
diyaariyey Al Xujur bin Caddiyi iyo ciidama 4000 ah oo uu hoggaaminaya.
Saa mid kastoo kamidi ciidamadaasi wuxuu siiyey 50 Dirham. Markaa bay
labadii qolo isku heleen goobta Tadammur, oo diriri dhex martay.
Xujr
bin Caddiyi baa ka laayay ciidamadii Shaamiyiinta ahaa 19 kamid ah, isagiina
raggiisa waxaa laga dilay laba nin oo qura. Habeenkii baa kala dhex galay
labada qolo, markaasay kala weecdeen. Saa Daxaak iyo raggiisiina ay orad
ku galeen Shaam.
Sidoo
kale sanadkan dhexdiisa ayuu Mucaawiyah naf ahaantiisa dhaqaaqay isagoo
hoggaaminaya ciidamada aad u culus, jeer uu gaaray webiga Dajlah. Dabadeedna
waa uu laabtay, oo Shaam buu galay isagoonan wax dagaal ah falin.
Wilaayadii
Ziyaad Bin Abiih ee Dhulka Furus
Sanadkan
dhexdiisa ayuu Cali bin Abii Daalib u wakiishay masuuliyadda dhulka Furus
Ziyaad bin Abiih. Sababtuna waxay ahayd, markii Jaariyah bin Qudaamah uu
Basra ku laayay Ibnu Xadrami iyo raggiisii, baa arrintaasi waxaa ka xumaaday
dad badan oo kamid ah kuwii Islaamka ku hoos noolaa ee jisyada dhiibayay iyo
khalqi kaloo kamid ah Muslimiintii halkaasi deganaa. Markaas bay diideen inay
bixiyaan jisyo iyo inay ku hoos noolaadaan Islaamka. Wayna u caroodeen Cali oo
ay ka hoos baxeen daacadiisa.
Markaas
buu Cali raggiisii igu yeeray si uu kala tashto ciddii uu u diri lahaa dhulka
Furus masuul ahaan. Saa C/llaahi bin Cabbaas iyo Jaariyah bin Qudaamah baa
waxay soo jeediyeen in loo dira Ziyaad bin Abiih, waayo wuxuu ahaa nin ra'yi
iyo go'aan adag leh, oo arrimaha bulshada iyo siyaasadduna si wacan ugu xeel
dheeraa.
Markaas
buu Cali u wakiishay Ziyaad dhulkaas Furus iyo Karmaan oo uu weliba ugu daray
inuu masuul ka noqdo. Wuxuuna u diyaariyey ciidama culus oo tiro ahaan ah
4000. Saa sanadkan buu dhaqaaqay oo galay Furus, kadibna wuu la
dagaallamay jeer ka adkaaday, oo ay kusoo noqdeen daacaddii iyo midnimadii oo
ay kusoo laabteen wixii ay horey uga baxeen.
Taa
ka hor Furus markaas, waxay ahayd masuul la'aan, waayo horey waxaa masuul uga
ahaa Sahal bin Xaniif illaahay haka raalli noqdee. Markiina ay reer Furus ku inkireen
daacadda iyo midnimada amiirkii Mu'miniinta ee Cali bin Abii Daalib, bay iska
soo eryeen masuulkii halkaasi Cali u joogay oo ahaa Sahal bin Xaniif sanadkii
38aad ee Hijriga. Markaas buu Sahal tegay Kuufa oo uga warramay arrintaasi
Cali. Dabadeedna waxyar kadib isla sanadkaas ayuu Sahal ku geeriyooday
magaalladii Kuufa, sidaynu soo xusnayba.
Al
Waaqidi wuxuu xusay in sanadkan uu Cali mawaasimta xajka u diray C/llaahi bin
Cabbas si uu dadka u xajisiiyo. Mucaawiyana wuxuu soo diray Yaziid bin Sakhbarah
Al Ruhaawiyu, si uu dadka u xajisiiyo. Markii ay labadani masuul ku kulmeen
magaalladii Makka, baa mid waliba wuxuu diiday in masuuliyaddii loo soo
wakiishay uu kan kale u daayo. Saa waxay isula tegeen Sheybah bin Cuthmaan bin
Abii Dalxa Al Cabdidaari oo dadkii sanadkaasi xajisiiyey.
Abul
Xassan Al Madaa'ini wuxuu xusay in C/llaahi bin Cabbaas uuna mawaasimta xajka
tegin, intii Cali la doortay jeer la dilay. Wuxuuna xusay inuu ahaa Quthum bin
Cabbaas kii ay mawaasimta kudoodeen Yaziid bin Sakhbarah.
Wuxuu
Ibnu Jariirna yiri:- Sida uu Abul Xassan yiri ayuu Abuu Muscabna yiri.
Wuxuu
kaloo xusay in madaxdii goballadu ay ahaayeen sidii sanadkii hore, marka laga
reebo Basra oo C/llaahi bin Cabbaas uu ka tegay oo uu ka aaday Kuufa iyo Furus
iyo Karmaan oo uu madax ka noqday Ziyaad bin Abiih.
SANADKII
40AAD
Sida
caanka ahi, sanadkan waa sanadkii la dilay amiirkii Mu'miniinta ee Cali bin
Abii Daalib Illaahay ha ka raalli noqdee. Waana xusi doonnaa hadduu Alle
idmo sifadii dilkiisa. Balse aynu marka hore ku hor marno dhacdooyinkii
sanadkan 40aad ee Hijriga dhacay.
Diriddii
Busur Bin Abii Ardhaah
Ninkan
Busur bin Abii Ardhaah, wuxuu ahaa mid kadhashay banii Caamir bin Lu'ayi oo
Qurashi ah. Mucaawiyah ayaa sanadkan u diray dhanka Xijaas isagoo hoggaaminaya
3000 oo dagaalyahanno ah. Markaas buu ka dhaqaaqay Shaam jeer uu tegay
magaalladii Madiina, oo markaas uu Abuu Ayuub Al Ansaari madax uga
ahaa dhanka Cali. Abuu Ayuub wuu cararay oo Kuufa ayuu Cali ugu
tegay. Busurna magaalladii Madiina ayuu galay isagoonan cidi la dagaallamin, oo
koray mimbarkii una khudbeyey dadkii. Wuxuu ka dalbaday in loo keeno
Jaabir bin C/llaahi Al Ansaari.
Wuxuu
yiri Busur isagoo mimbarka dul saaran:-Reer Madiinoow! Illaahay baan ku
dhaartaye, haddii uuna Mucaawiyah ila ballami lahayn, magaallada Madiina kuma
daayeen qof qaan gaaray, illaa waan dili lahaa.
Dabeeta
dadkii reer Madiina ayuu la mubaayacooday. Kadib intuu ku jeestay
xaggooda ayuu ku yiri:- Illaahay baan ku dhaartaye kuma lihidiin agteyda wax
magangalyo ah iyo mubaayaco tooni, jeer aad ii keentaan Jaabir bin C/llaahi Al
Ansaari ( Macnaha si uu ula mubaayacooda ).
Jaabir
wuxuu u tegay hooyadii Mu'miniinta ee Ummu Salama, wuxuuna ku yiri:- Maxaad
ra'yi haysaa? Anigu waxaan ka cabsan in la idilo, tanina waa bayco baadi ah.
Waxay
ugu jawaabtay:- Waxaan qabaa inaad la mubaayacoota, waayo anigu waxaan amray
wiilkeyga Cumar, iyo wiilka aan soddohda u ahay ee Cabdullaahi bin Samcah ah
inay la mubaayacoodaan.
Cabdullaahi
bin Zamcah wuxuu qabay gabadhii Ummu Salama oo la oran jiray Saynab bint Abii
Salama. Markaas buu Jaabir dhaqaaqay oo u tegay Busur, deedna la
mubaayacooday.
Dabeeta
Busur waa uu dhaqaaqay oo wuxuu aaday dhankii Makka. Abii Muusa Al Ashcari oo
halkaas kusugan baa isaguna naftiisa u cabsaday markuu Busur Makka, yimid,
wuxuuna ka cabsaday inuu dilo. Markaasuu Busur yiri:- Ma ahi mid ku falo sidaas
saaxiibkii Rasuulka Alle SCW.
Wuuna
iska daayay. Taas ka hor Abii Muusa Al Ashcari wuxuu warqad u qoray reer
Yeman, isagoo ogeysiinaya in ciidama ka yimid dhanka Mucaawiyah ay kusoo
jiheysanyahiin xaggooda. Dabadeed Busur wuu dhaqaaqay oo wuxuu aaday
dhankii Yeman. Goortaa iyada ahi, waxaa Yeman masuul ka ahaa Cubeydullaah bin
Cabbaas bin Cabdimudallib oo dhanka Cali ka socday. Cubeydullaah markii
uu arrintaasi ka war helay waa uu cararay oo Kuufa ugu tegay Cali. Yemanna
wuxuu ku dhaafay Cabdullaahi bin Cabdullaahi bin Al Maddaan Al Xaarithi.
Busur
markii uu galay Yeman wuxuu dilay masuulkii halkaas, iyo wiil uu dhalay. Sidoo
kale wuxuu dilay laba wiil oo yaryar oo uu dhalay Cubeydullaah bin Cabbaas.
Kuwaasoo lakala oran jiray C/Raxmaan iyo Quthum. Waxaa la yiraahdaa
Busur, wuxuu laayay khalqi badan oo kamid ah dadkii taabacsanaa Cali bin Abii
Daalib ee uu dhexda kula kulmaba, iyo weliba kuwii uu Yeman kula kulmay.
Cali
markii uu warkaasi gaaray wuxuu soo diray Jaariyah bin Qudaamah oo hoggaaminaya
2000 oo dagaalyahanno ah, iyo Wahab bin Mascuud oo isaguna hoggaaminaya 2000 oo
dagaalyahanno ah. Saa Jaariyah wuu dhaqaaqay jeer uu tegay Najraan oo
gubay, dilayna dad badan oo kamid ah ciidamadii Busur iyo wixii taabacsanaa.
Busurna wuu cararay asaga iyo asxaabtiisii oo waxay galeen Makka.
Markaasuu Jaariyah ka daba tegay oo ku yiri:- Dhiiba baycada?
Saa
waxay yiraahdeen:- Oo yaan la mubaayacoonnaa iyadoo uu dhintay amiirkii
Mu'miniinta?
Wuxuu
yiri:- Waxaad la mubaayacootaan qofkii ay asxaabtii Cali la
mubaayacoodeen.
Dabeeto
way ku cuslaatay, kadibna waa ay la mubaayacoodeen si cabsi ah. Intaa
dabadeed Jaariyah waa uu dhaqaaqay oo galay magaalladii Madiina, oo markaasi uu
salaadda dadka tujinayay Abuu Hureyrah. Saa Abuu Hureyrah wuu cabsaday oo
cararay. Dabadeed Jaariyah wuxuu amray dadkii reer Madiina inay Xassan la
mubaayacoodaan, saa way la mubaayacoodeen oo isagii baa baycda uga qaaday.
Kadibna hal maalin ayuu la joogay, oo intaa dabadeed u boqaallay dhankii Kuufa.
Abuu Hureyrana tujintii salaadda ayuu dib ugu laabtay, oo isaga ayaa sii tujin
jiray.
Sanadkan
dhexdiisa baa Cali iyo Mucaawiyah ay ku heshiiyeen in qof waliba uu gobalkiisa
ku ekaado oo uu istiqraariyo, la iskana daayo weerarrada iyo dagaallada
joogtada ahi. Sidaa ayayna kuwada raalli noqdeen.
Dilkii
Amiirka Mu'miniinta ee Cali Bin Abii Daalib
In
Cali la dili doono oo uu shahiid yahay Rasuulka SCW ayaa horey usii sheegay.
Waxaynu xasuusannaa in Cali uu ahaa Khaliifkii u dambeeyey khulafadii
Islamka ee fadhigoodu ahaa magaallada Madiina.
Rasuulkeenna
suubban SCW isagoo inooga warramaya in Cali la dili doono, baa wuxuu yiri:- Dad
waxaa ugu shaqisan, ninkii boqno gooyey hashii (Nebi Saalix CS) iyo kan ku dili
doono Caliyoow!.
Waxuu
dunida ka hoyday oo uu Rabbiga xagiisa aaday kadib markuu xukunkii hayay muddo
5 sano oo dhiman saddex bilood, macnuhu waa 4 sano iyo 9 bilood iyo 6
casho ama 3 casho.waxana dilay Nin khawaarijta kamid ah oo la oran jiray Cabduraxmaan
bin Camr oo loo yaqan Cabduraxman bin Muljim Al Kindi Al Xumeyri.
oo xaliif la ahaa banuu Xaniifaha dega Masar, waxuuna ahaa nin midib
maariin ah oo tima jilacsan oo wejigiisuna ay kamuuqato raadkii sujuudda salaad
darteed. Waxa jiray laba kaloo khawaarijta kamid ah oo ay wada tashteen
Cabduraxman bin Muljim oo kala ahaa Al Baraak bin Cabdullaahi Al Tamiimi iyo
Camr bin Bakar Al Tamimi. Waxay saddexdani go'aansadeen inay dilaan Camr bin Al
Caas, Cali bin Abii Daalib, iyo Mucawiyah bin Abii Sufyaan. Markaas buu ibnu
Muljim yiri ::-Aniga waxaan idinkaga filnaan Cali oo aniga ayaa soo
dilayaa, markaas buu Al Baraak bin Cabdullaahi yiri:-Aniguna Mucaawiya baan soo
dili. Halka Camr bin Bakarna uu yiri:-Anigana waxan ku filnaan doonaa Camr
bin Al Caas oo aan soodili. Waxayna isku dhaarsadeen inuusan ninna soo laaban
inuu soodila ninkii loodiray ama uu isaga dhinta mooyaan, wayna kala tegen, oo
waxayna kuballameen in habeenka 17 ay tahay bisha Ramadan uu mid waliba
qaarajiyo ninkiisi mowcid layaqaan. Ibnu Muljim wuu baxay waxuuna aaday Kuufa,
wuuna qarsaday arrinkiisi oo cidna umuusan sheegin. Maalin isagoo
lafadhiyo khawarijtiisii gole fadhi oo ay lahayeen Banuu Taym Ar-Rabbaab, oo ay
ka sheekeysanayeen khawaarijtii uu Cali kulaayay Nahrawaan ayaa waxa u timid
haweeney la oran jiray Qidaam bint Shajnah taasoo Cali uu kudilay aabaheed iyo
walalked Nahrawaan. Waxayna ahayd haweeney qurux Illaah u dhameyay oo aad iyo
aad u qurxan, dhexdooduna caan bay ka ahayd. Markiina uu arkay
haweeneydaasi Ibnu Muljim caqligisi dhan bay la tegtay oo arrintuu uscoday dhan
(inuu Cali soo dilo ) wuu ilaaway. Markaas buu doontay si uu uguursada
waxayna ku xirtay shuruud ah inuu soo dilo Cali, waayo aabahed iyo
walaalkeed oo Khawaarij buu dilay oo uu kudilay Nahrawaan. Markaas buu yiri
Ibnu Muljim:- Oo ma intaas baa? walaahi inaanan dhulkaan u imaanin wax
kale arrinkaas mooyaan.wuuna baxay kadib isagoo wajahaya sidu ku dili laha Cali
.Waxayna kudartay nin banuu Rabaaab ah si uu arrinkaas ugu booriyo, ninkaasoa
la oran jiray Wardaan Al Rabaabi. Kadib waxuu Ibnu Muljim utegay ninkaloo la
oran jiray Shabiib bin Najad Al ashjaci.
Waxuuna
ku yiri:- Shabiboow ma dooneysa in kheyrka dunida dhan lagugu sheego oo lagugu
xasuusta? Waxuu yiri:- Oo waa maxay arrinkas?
Waxuu
yiri:- Waa dilka Cali.
Waxuu
yiri Shabiib:- Hooyada kuweydaye Ibnu Muljimoow! arrin baad la timid, oo sidee
baad ku awooddaa inaad sidaa fasho?
Waxuu
yiri:- Waad iraacee oo salaaada mugdiga ah (Cisho ama subax) baan masjidka ugu
dhakaneynaa oo aan seefta ka dul rideynaa, kadib haddii uusan dhiman waan
carareyna oo nafaheenan la fakaneyna waxaana abbaareynaa dadkeenii
(Khawaarijta ahaa), haddii aan dilnana waxaa Alle agtiisa yaal baa
inooga kheyr badan dunida dhan.
Waxuu
yiri Shabiib:- Hoogaagee hadduusan Cali ahayn qofka aad sidaas kusameyneso way
fududaan laheyd, war waxaan ogahay Islaannimada uu kaaga horeyay iyo
qaraabanimadiisa xagga nabiga SCW. Arrinka aad wado Ibnu Muljimoow!
laabteyda boos ugama banaano.
Waxuu
yiri Ibnu Muljim:- Oo miyaadan ogeyn siduu u laayay dadkii Nahrawaan?
Markaas
buu yiri Shabiib:- Haaheey oo waan ogahay taasi.
Markaas
buu Ibnu Muljimna yiri:- Haddee Aynu dilno hadaba waxaan udilaneynaa
walalaheennii uu dilay.
Shabiib
wuu ka aqbalay intaas dabadeed. waxaana la galay bishii Ramadaan oo waxaa
lagaaray habeen Jimca ah oo 17 bisha Ramadaan ay tahay. Saa waxuu
yiri Ibnu Muljim:- Tani habeenka kan waa habeenkii aanu kuballannay
asxaabteydii.
Dabadeed
way isasoo raaceen saddexdan nin ee kala ah Ibnu Muljim Shabiib iyo Wardaan si
ay u dilaan Cali. Markuu Cali soo galay masjidkii goor salaad subax
ah baa waxaa ku dhuftay seef Shabiib kadib baa waxaa isa raaciyey Ibnu
Muljim, oo si daran ula helay, isagoo ku oranaya:- Caliyoow! majiro xukun aan
xukunka Allaah ahayn. waxba kuumaysan tarin waxaad dhoodhobeysay iyo
saaxiibadaaba. Waxuuna akhrinayay markaas qowlka Alle ee ah:
''Dadka
Waxa kamid kuwa ku gato raali ahaanshaha Allaah darteed naftiisa,Allane waa mid
uturid badan addoomadiisa''. Albaqara: 207d.
Kadib
bay carareen oo Wardaan waxaa helay nin Xadrumowti ah oo dilay,
Shabiibna wuu fakaday oo lama helin, halka Ibnu Muljimna lasoo
qabtay.Waxuu markaas Cali amray Jacda bin Hubeyrah bin Abu Wahab si
uu salada subax dadka u tujiyo. .Kadib waxaa loo qaaday Cali gurigiisi uu ku
lahaa magaallada Kuufa, waana lala waday Ibnu Muljim Allaha
duleeyo'e oo waxaa la hor geeyay imaam Cali hortiisa, saa waxuu yiri Cali:- War
hooy! cadawgii Alloow soomaanan ku wanaajinin?
Markas
buu kujawaabay:- Haa wad iwanaajisay.
Wuxuu
yiri:- Maxaa kugu xambaaray arrinkaan?
Markas
buu yiri:- Waxan joogay oo aan soofeynayay (yacni seeftiisa) 40 subax,
anigoo Alle ka baryay si aan ugu dilo kan ugu sharta badan.
Markaas
buu Cali yiri:- Ma arko aniga waxaan ka ahayn in lagu dilo oo mana arka waxaan
ka ahayn inaad tahay khalqi kan ugu shar badan.
Kadib
wuxuu raaciyey intaas Cali haddii aan dhinta dila, haddii aan noolaadana
oo aan fiyoobaada anigaa aqaan sidaan yeelaya. Markaas buu Jundub bin
Cabdullaahi yiri:- Amiirkii Muminiintow! haddaad dhimato waxaan la
mubaayaconeynaa Xassan. Waxuu yiri Cali:- Idinma amrayo oo inkana reebi mahayo
ee sidaad aragtaan yeela.
Markuu
mowtka kusoo dhawadayna waxuu guda galay inuu ku hadaaqa kalimada towxiidka LAA
ILAAHA ILLA-ALLAAH. Waxana layiraahda eraygii ugu dambeyay ee laga maqlayay
Cali waxuu ahaa ayadahan Suuratu Zalzalah:
''Ruuxii
waxyaroo kheyr ah falaa wuu arki doonaa, ruuxii waxyar oo shar ah falaana wuu
arki doonaa''.
Waxuu
imaam Cali u dardaarmay wiilkiisa Xasan iyo wiilkisa Xuseyn taqwada Alle sidoo
kale waxuu udardaarmay inankiisa Maxamed bin Xanafiyah taqwada Alle iyo inay
dhamaan ka dhowrsadan caruurtiisa fidna dhan oo ay ka fogaadaan waxuuna uqoray
warqad dardaaran ah.
Markii
Cali la aasay baa xasan bin Cali waxuu dalbay in xabsiga laga soo saara Ibnu Muljim
si loo dila waana lasoo saaray, saa waxay Xasan iyo Xuseyn ka tashteen sidii
laga yeeli laha waxayna dhaheen aan gubna, waxaa iskugu yimideen si ay
uga cad goostaan Xuseyn bin Cali, Maxamed bin Xanafiyah Cabdullaahi bin jacfar,
iyo Xasan Bin Cali.
Maxamed
bin Cali iyo Cabdullaahi bin Jacfar iyo Xuseyn bin Cali baa waxay
yiraahdeen:- Inoo daaya ilaa aan ka gudano. Saa waxuu Cabdullahi bin jacfar ka
jaray gacmaha iyo lugaha oo indhahana kasoo saaray kadibna intay qaadeen bay
gubeen. Illaah ha duleeyo' e Ibnu Muljim.
Waxuu
yiri Camr bin Al Asam:- Waxaan usoo galay Xasan bin Cali oo aan usheegay
in dadka qaarkiis ay sheegayan inuu Cali soo laaban doona ka hor Qiyaamada, Saa
wuu qoslay Xasan oo waxuu yiri:- Subxanallaah, Hadday sidaas ahaan laheyd
dumarkisa ma laguursadeen oo dhaxalkiisana lama qeybiyeen.
Waana
bidca aqwaasha noocaasi ahi. Bal'e waa munkar. Wallaahu aclam.
Cali
bin Abii Daalib wuxuu geeriyooday 19-kii Ramadaan sanadkii 40aad ee Hijriga,
maalin Axad ah, isagoo 63 jir ah, waa sida ay mu'arrakhiinta rajaxeen, ama
qowlka ugu badan. Waayo waxaa la dhaawacay 17-kii Ramadaan habeen Jumca ah,
laba casho kadibna waa uu geeriyooday Illaahay haka raalli noqdee.
Janaasadiisii Xassan bin Cali baa tujiyey, wuxuuna takbiirsaday 9
takbiir, wallaahu aclam.
Waxaa
la isku khilaafaa halkii lagu aasay sayid Cali bin Abii Daalib. Qaar waxay
yiraahdaan:- Madiina ayaa loo qaaday oo lagu aasay maqbarada Baqiic, xaaskiisa
dhinaceeda. Qaar kale waxay xusaan in aanan la ogeyn oo meydkiisii inta awr
lagu qaaday, marka deegaanka banii Dayi lamaraya, ay qabsadeen, awkii iyo
sanduuqii, markiina ay arkeen in mayd yahay bay deegaankoodii ku aaseen maydkii
iyo sanduuqiiba. Qaar kale waxay sheegaan in lagu aasay qasriga imaaraddii
Kuufa. Qaar kale oo culumada taariikhda ahi, waxay xusaan jaamaca magaallada
Kuufa hortiisa lagu aasay goor habeen ah iyadoo laga qarinaya Khawaarijta iyo
dadka kale, si aanay u soo saarin qabrigiisa.
Isku
soo duuboo qowlka ugu adag ama ugu rajaxsan ee badi culimaayi siirah ay qaban
waxaa weeye in Cali uu ku aasan yahay magaallada Kuufa, haddii ay noqon lahayd
qasrigii imaaradda, ama haddii ay noqon lahayd masjidka hortiisa ama
dhinaciisa, ama meel kaleba.
Aqwaasha
qaar waxay sheegaan in duleedka Kuufa goor habeen ah lagu aasay. Wallaahu
aclam.
Cali
bin Abii Daalib, wuxuu ahaa nin go'aan adag, leh, wuxuuna aad u shabbahayay
dhanka ad adkaanta amiirkii Mu'miniinta ee Cumar bin Khaddaab. Dhanka kale,
wuxuu ahaa mid ku wanaagsan dhanka qaddaha iyo xukunka. Cumar bin Khaddaabna
markii uu dhimanayay wuxuu yiri:- Haddii ay Cali doortaan wadada toosan ayuu
marsiin.
Tani
waxay ina tusineysaa inuu Cali ahaa nin kartiyeed aad iyo aad u qiima badan.
Marxalad xun iyo fitan buu kusoo haggaagay, ay adkaan lahayd in khulafadii ka
horeysay haddii ay iyaguna soo gaari lahayeen ay ku adkaan lahayd inay xal iyo
maaro u helaan. Sidaa daraaddeed baa Cali intuu xukunka hayay oo idil ku
mashquulsanaa istiqraarinta dowladdii islaamka, oo fitan aad u xoogan ay
markaasi aafeeysay.
Majirin
muddooyinkaasi dagaallo ama weerarro uu kuqaadayay quwadihii gaallada ahaa ee
deriska, balse wuxuu awoodda saaray in Islaamka uu marka hore dhidibidda u aaso
oo sidiisii hore kusoo celiyo.
Waxaa
xilligii Cali bin Abii Daalib soo ifbaxay fidna wadayaashii Khawaarijta oo si
loola macaamilo ay aad u adkeyd, waxayna runtii ahayd jirribaad iyo imtixaan
aad u weyn Cali bin Abi Daalib la marshay. Wuxuu laayay in badan oo kamid
ah Khawaarijtaasi, balse waxaa dhacday in ciidamadiisii oo idil ay ku caasiyaan
una dhega nuglaan waayaan.
Markii
uu amro ama tala keeno, ama uu hala baxa dagaal ku yiraahdo asxaabtiisa, baa
waxay iyana ku qaabilayeen dhega adkaan iyo diidmo, waxayna uga careysnaayeen
layntii uu laayey fidna wadayaashii Khawaarijta ahaa. Sidaa oo ay tahay, waaga
dhulka guudkiisu ma uuna saarneyd axad ka fadli iyo karaama badnaa amiirkii
Mu'miniinta. Dhibaatooyinkii iyo jarribaaddii baa ku darnaaday jeer hammi iyo
murugo ay qalbigiisii fuushay. Ugu dambeynna Illaahay baa oofsaday shahiid
ahaan.
Si
wanaagsan ayuu uga gudbay marxaladdii adkeyd ee fidnada Rabbina wuu usaqiray
Illaahay haka raalli noqdee hana u fududeeyo'e. Wuxuu ahaa mid Allaah iyo
Rasuulkiisa jecel, sidayba Alle iyo Rasuulkiisuna asaga u jeclaayeen, siduu noo
sheegay Rasuulkeennii SCW.
Halkaa ayay kusoo afjarmatay qisadii iyo Cali bin Abii
Daalib Illaahay haka raalli noqdee.
No comments:
Post a Comment