Habka ugu wanaagsan ee
wax loo barto, waxa ugu horreeya in marka horeba aas waxbarashadda isku
diyaariso, lana timaado shuruudo ku habboon. Shalay dugsigii dhexe iyo kii
hooseba masuuliyadda waxbarashaddaada iyo mustaqbalkaagu adiga gacantaada kuma
wada jirin, waxaad haysatay kaalmo. Haddii aad xasuusato miiska aad wax ku
akhrinayso waa lagaa tirtiri jiray, haddii ay wax kugu adkaadaan waa lagaa
caawin jiray, buuqana iyo dhibkana waa lagaa dhowri jiray. Maanta arrinku sidii
ma aha. Mas´uuliyaddu adiga ayey gacanta kuugu jirtaa. Baruhu waa iftiimiye
waxa uu kuu sheegayaa w
aa wax kooban oo kaliya. Waalidkaa talo ayuunbaa idinka
dhaxaysa. Waxaa lagaa doonayaa marka hore in aad waxbarashadda si fiican ula
qabsato, waqti u haysid, niyad adagna la timaado, si wax kasta oo kugu adkaada
aad uga natiijo uga keento.
Qaado taladan uu aniga
barahaygii ii sheegay.
Haddii aad ku dadaasho
in aad imtixaanka ku gudubto, waxaa laga yaabaa in aad dhacdo, laakiinse haddii
aad ku dadaasho in aad ardayga koowaad noqoto, waxaa dhici karta in aad ugu
yaraan ardayga labaad ama seddexaad noqoto. Xiisee waxa barahaagu sheegaayo,
akhri buugaag kale oo la mid ah kan aad dhigato. La saaxiib kuwa waxbarashadda
aad u xiiseeya ee dadaalaya, haddii aad la saaxiibto kuwa wax walba u arka berri
ayaan samayn doonaa, adna sidooda ayaad noqon.
Is waydii saddexdaan su´aalood mar walba:
Is waydii saddexdaan su´aalood mar walba:
1. Maxaan halkan u
joogaa?
2. Waa maxay ujeeddada aan ka leeyahay waxbarashaddan?
3. Waa maxay qorshahayga mustaqbalkeyga?
2. Waa maxay ujeeddada aan ka leeyahay waxbarashaddan?
3. Waa maxay qorshahayga mustaqbalkeyga?
Waa qof soo jeeda oo waxa uu baruhu sheegaayo la socda oo dhug u leh. Waxa lagu yaqaan xusuus qor in uu meesha muhiimka ah qorto ( calaamadaysto). Waxa uu weydiiyaa su´aalo la xiriira mawduuca haddii uu mugdi uga jiro. Ma fiiriyo mana faalleeyo shakhsiyadda iyo qabka horjoogaha, ee waxa uu ka faa´´iidaystaa waxa uu barayo. Ardayga dugsiga sare ku jira waxa laga doonayaa in uu awooddiisa wax akhriska aad u kobciyo, sababta oo ah waxbarashadda inteeda badani waa akhris, oo waxa laga doonayaa in aad muddo gaaban ku soo akhriso buuggaag dhowr ah, isla markaasna ku soo fahamto. Intaas iyo in kaleba adiga laga doonayo haddii aad la timaado waxa hubaal ah in aad waxbarashaddaada ku guulaysanayso, ujeedadii aad lahaydna gaarayso.
Habka ugu fiican ee cashar aad akhriday aad u xasuusan karto
Akhriska dadku siyaabo kala duwan ayey wax u akhriyaan, taasoo weliba ku xiran xaaladda iyo waxa uu qofku akhrinaayo. Fahmo waxay akhriyeysaa maqaal lugu daabacay wargayska galabtii soo baxa, waa aay daallan tahay oo waxa aay ka timid shaqadda, iyadoo saran bas. Faysal oo aay isku bas saran yihiin ayaa waxa uu isna akhrinayaa waraaqo isku dheggan oo uu barihiisu u qaybiyey ardayda, kuwaas oo uu baruhu si faah-faahsan u dul maray. Faysal waxa uu kaga duwan yahay Fahmo, waxa uu u akhrinayaa si aan deg-deg ahayn. Marka uu meel muhiim ah soo gaaro waxa uu ku calaamadeeynayaa qalin. Si ay hadhow ku soo noqoshadda akhriskiisa iyo wax ka qoriddiisuba ugu sahlanaato, isla markaana uu su´aalaha ugu imaan doona uga jawaabi karo. Labadaa qof ee baska wada saran ayaa tusaale innogu filan,hababka kala duwan ee wax akhrisku ku imaan karo, waxaana fiican in aad sidan yeesho marka aad wax akhrineyso gaar ahaan cashar lagaa sugaayo.
Samee sidan
1. Dulmar guud ku same cashirka guud oo aad wada akhrisay.
2. Dhug u yeelasho oo hoosta ka xariiq meesha muhiimka ah. ( calaamadee)
3. Kor u akhri oo is maqashii ama qof kale ha kaa dhegeysto, taas micneheedu waa in aad fahantay casharka.
4. In aad wax ka qorto adigoo soo gaabinaya casharka isla markaasna meel kasta oo aay su´aali ka imaan karto aad qiyaasi karto kana jawaabi karto
No comments:
Post a Comment