Sunday, October 30, 2016
Friday, October 28, 2016
Thursday, October 27, 2016
Habka ugu wanaagsan ee wax loo barto
Habka ugu wanaagsan ee
wax loo barto, waxa ugu horreeya in marka horeba aas waxbarashadda isku
diyaariso, lana timaado shuruudo ku habboon. Shalay dugsigii dhexe iyo kii
hooseba masuuliyadda waxbarashaddaada iyo mustaqbalkaagu adiga gacantaada kuma
wada jirin, waxaad haysatay kaalmo. Haddii aad xasuusato miiska aad wax ku
akhrinayso waa lagaa tirtiri jiray, haddii ay wax kugu adkaadaan waa lagaa
caawin jiray, buuqana iyo dhibkana waa lagaa dhowri jiray. Maanta arrinku sidii
ma aha. Mas´uuliyaddu adiga ayey gacanta kuugu jirtaa. Baruhu waa iftiimiye
waxa uu kuu sheegayaa w
aa wax kooban oo kaliya. Waalidkaa talo ayuunbaa idinka
dhaxaysa. Waxaa lagaa doonayaa marka hore in aad waxbarashadda si fiican ula
qabsato, waqti u haysid, niyad adagna la timaado, si wax kasta oo kugu adkaada
aad uga natiijo uga keento.
Qaado taladan uu aniga
barahaygii ii sheegay.
Haddii aad ku dadaasho
in aad imtixaanka ku gudubto, waxaa laga yaabaa in aad dhacdo, laakiinse haddii
aad ku dadaasho in aad ardayga koowaad noqoto, waxaa dhici karta in aad ugu
yaraan ardayga labaad ama seddexaad noqoto. Xiisee waxa barahaagu sheegaayo,
akhri buugaag kale oo la mid ah kan aad dhigato. La saaxiib kuwa waxbarashadda
aad u xiiseeya ee dadaalaya, haddii aad la saaxiibto kuwa wax walba u arka berri
ayaan samayn doonaa, adna sidooda ayaad noqon.
Is waydii saddexdaan su´aalood mar walba:
Is waydii saddexdaan su´aalood mar walba:
1. Maxaan halkan u
joogaa?
2. Waa maxay ujeeddada aan ka leeyahay waxbarashaddan?
3. Waa maxay qorshahayga mustaqbalkeyga?
2. Waa maxay ujeeddada aan ka leeyahay waxbarashaddan?
3. Waa maxay qorshahayga mustaqbalkeyga?
Labels:
Math and Physics
Location:
Somalia
Subscribe to:
Posts (Atom)